Barqannimadii maanta waxaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ka qabsoomay kulankii koowaad oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Kulankan oo ku bilowday jawi deggan, soo dhoweyn iyo salaan kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa miiska soo saaray hindise ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, oo ahaa qodobka ugu weyn ee shirku ku saabsanaa. Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in ajandaha shirku uu noqdo in lagala shaqeeyo hab-raacyada doorashada dalka heerarkeeda kala duwan, oo ah mid qof iyo cod ku dhacda.
Madaxweyne Xasan ayaa horey ka aaday ajandihiisa u diyaarsanaa, isaga oo sheegay in kaas lagu dul shaqeeyo, wuxuuna xusay in doorashada dalka loo wajaho sidan:
1. Doorashada Golayaasha Deegaanka: In dalka marka hore laga fuliyo doorashooyinka deegaanka, kuwaas oo uu sheegay in loo qabtay in la soo gebagebeeyo marka la gaaro April 15, 2026.
2. Doorashada Heer Dowlad Goboleed: In kaddib marka deegaanka la dhammaystiro, loo gudbo doorashooyinka Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, kuwaas oo loo marayo nidaam baarlamaani ah oo la soo doortay.
3. Heshiiska Heer Federaal: In labadaas heer kaddib ay dhinacyadu isugu yimaadaan fadhi kale oo looga heshiinayo hannaanka doorasho ee heerka Qaran (Federaalka).
Kaddib soo jeedinta Madaxweynaha, ma jirin wax ay isku raaceen dhinaca labada dhinac. Golaha Mustaqbalka, ayaa uma muujin wax soo dhoweyn ah aragtida Madaxweynaha. Halka Madaxweynuhu u sheegay qorshaha doorashada Dowlad Goboleedyada ay xilli hore maamuladda dalka iyo dowladda dhexe heshiis ka gaareen oo aan jirin kaalin uga banaan gacan kale.
Ismari waa ku saabsan in la isku raaco waxa ajande ah kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa codsaday in dib la isugu soo laabto kulan kale oo dhici doona berri oo Jimce ah, saacaddu marka ay tahay 2-da duhurnimo, si loo ogaado mowqifka mucaaradka.
Markii laga soo dareeray shirka, xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa fadhi gaar ah oo dhexdooda ah yeeshay si ay isaga waraystaan wixii ay kala kulmeen madaxtooyada. Hoggaanka Puntland, Jubaland iyo Madaxda Samatabbixinta ayaa falanqaynaya hindisaha Madaxweynaha iyo waxa laga yeelayo kulanka berrito.
Kaddib shirkii ay qaateen, Golaha Mustaqbalku waxay isku raaceen in loo diro Madaxweyne Xasan Sheekh kulanka berrito ah: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Xildhibaan Cabidlahi Carab iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuwaas oo noqonaya guddiga wadaxaajoodka ee mucaaradka.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa hadda ah mid la isku bedbeddelayso dhacdooyinka shirka, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay dhowrayaan natiijada ka soo bixi doonta kulanka berrito iyo kuwa ka dambeeya oo la filayo inay go’aamiyaan masiirka doorashooyinka dalka.

