Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

W/Q: Faadumo Cabdi Cali

Horta maxaa dan qaran oo difaac siyaasad arrimo dibadeed u baahan ah si aysan u dhicin “Ma annagaa isku siyaasadqaran ah Soomaaliyeey, yayse tahay in ay ka wadaxaajoodaan xalka Soomaaliya maanta? Caawin dibadeedkaliya miyaa ciidamin karta xilligan? DiblomaasiyaddaSoomaalidu se ma hawl xilli xagaaga (Summer season) lagashaqeeyaa oo kaliya mise waa xaajo xal fog u baahan?

Maanta dunidu ma tixgeliso kaliya xaq-u-lahaanshahasharciga ah ee xeerarka caalamiga ah iyo dowliga ah, balsewaxaa meelmara awoodda dhabta ah ee dowladi ku difaacikarto dhulkeeda iyo jiritaanka dowladnimadeeda. Dunidumaanta ma ahan goob looga hadlo cadaallada iyo xeerarkacaalamiga ah oo qura, balse waa goob la isugu awoodsheeganayo oo ay hardamayaan quwadaha caalamiga ah iyokuwa gobolka. Haddii aysan Soomaaliya lahayn ajande qaranoo midaysan, Soomaaliya waxay noqonaysaa garoon laguciyaaro oo lagu kala fushado dano shisheeye, halkii ay noqonlahayd ciyaaryahan leh hadaf cad, dadkeeduna u mideysanyihiin.

Awood-qaybsiga siyaasi ah mise dibu-heshiisiin?

Muddo soddon sano ah, dib u yagleelkii Jamhuuriyadda 3aad, waxaan isku khaladnay laba arrimood oo kala fog: Heshiisiindhab ah iyo Awood-qaybsi siyaasadeed. Soomaaliyaweligeed ma yeelan wadahadal iyo heshiis bulsho oo gun-dheer, balse waxaa jiray shirar iyoAwood-qaybsi” u dhexeeya tiro kooban oo siyaasiyiin ah oo xukun isku hayay sixal kumeel-gaar ah loogu gaaro.

Natiijadu waxay noqotay in heshiisyadaas ay san dhaafinqaybsiga kuraasta iyo xafiisyada, dhammaadka muddo-xileedkastana la raadiyo wada-xaajood siyaasadeed looga gudboxilliyada doorashada. Marna ma dhicin in dadku ka buuxsadaan dowladnimada, hab-maamulka, iyo heshiis bulshodhamaystiran, oo xittaa waxaan weli heshiin siyaasiyiintii loo qaybiyay awoodda siyaasiga ah. Mar kasta oo madax cusubitimaado, waxaa dib u bilaabma isla khilaafaadkii hore ee kusaabsanaa federaalka, midnimada, iyo qaybsiga khayraadka. Maadaama aanan lagu heshiin dan qaran ah oo ka weyndanaha shakhsiyaadka iyo qabiilka, ummaddu waxay ku jirtaajahwareer iyo meerto (cycle) aan dhammaad lahayn.

Soomaalidu waligood dhab uguma wadahadal hannaankadowliga ee ay doonayaan, iyo danaha qaranka mudnaanta u leh. Marka aynu eegno dhanka Dowladda Federaalka, tan iyoshirarkii dowlad-dhiska, ma jirin doodo qaran oo ka qabsoomay arrimaha midnimada iyo wadajirka, si farsamoahna miiska looma saarin khataraha jira iyo xalalka horyaallahoggaanka oo ay tahay in laga shaqeeyo. Yaa xukunka hayaayaa helaya xilliga xiga ayaa diirrada la saaray, se la ismaweydiin xaggey aadayaan intii aan xukunka helin? Dowladnimadu se ma xukun kaliyaa mise waa xeer, maamuliyo midnimo?

Nidaamka Federaalka oo aan laga doodin noociisa iyohannaanka la isla qaadanayo weli waa arrimo taagan oocaqabad ku ah federaalaynta dhaqaalaha, amniga iyosiyaasadda guud ee dalka. Heerarka kala duwan ee nidaamkaFederaalka, canshuur qaadis illaa ciidan dhisid, waxaa ka jiracaqabado is huwan oo saamayn ku leh xasilloonida iyohorumarinta dalka.

Siyaasadda Dibadda iyo Kala-qaybsanaanta Gudaha

Saamaynta ugu xun ee maqnaanshaha ajande qaran oo laguheshiiyey waxay ka muuqataa siyaasadda dibadda ee dalka, siyaasadda dibadda ee dal kastana waa muraayadda laga dhexarko xasilloonida gudaha. Kalaqaybsanaanta u dhaxaysaDawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada waxayalbaabka u furtay in quwadaha dibaddu ay uga dhexfaa’iidaystaan Soomaaliya sidii ay rabaan. Tani waxaywiiqday madax-bannaanida dalka, duniduna waxay u aragtaaSoomaalida dhinacyo is khilaafsan oo hal calanna hoosjoogta, taas oo meesha ka saarta in Soomaalidu hal cod kuhadasho oo xal ka gaarto arrimaheeda gudaha.

Waqtigu maaha mid u hiilinaya Soomaaliya iyo dowlad kastaoo aan u diyaarsanayn hardanka iyo hirarka mawjadahaloolanka quwadaha dunida iyo gobolka. Marka laga soo tagoloolanka gobolka, Soomaaliya waxay ku jirtaa marxaladmasiiri ah:

1. Amniga; Ma dhismi karo ciidan qaran, tayo leh oo ka hawlgala dalka oo dhan inta laga heshiinayo awooddaiyo siyaasadda, lana helayo aragti amni qaran midaysan.
2. Dhaqaalaha; Dekadaha, kheyraadka iyo maalgashishisheeye waxa ay u baahanyihiin wadahadal iyodeganaansho sharci ah oo maareeya tartanka dhaqaale ee isu bedelay ku loolanka Soomaaliya.
3. Siyaasadda dalka oo aan ahayn mid mideysan, muddo-xileedyada sharciguna ka dhamaanayo hey’adahadowliga ah, aysanna cadayn jihada doorashooyin heshiislagu yahay.
4. Wadajirka iyo Madax-bannaanid (Sovereignty); Madax-bannaanidu ma ahan kaliya dowlad kursi iyo calan leh, cambaarayn iyo shirar joogto ah; waa se cudud iyo caqlidal dadkiisu mideysanyihiin, leh hey’ado dowladeed oocadaallad iyo sharci ku dhisan, awoodna u lehxukumidda dalkiisa oo dhan.

Talo bixin

Si looga baxo meertada fashilka ah, waa in la qaadaatallaabooyin wax ku ool ah oo ay Soomaalidu dhab u wadahadasho:

1. Waa in laga guuroHeshiis Madax” loona guuroWadahadal Dhab ah; Waa in la dhiso AragtidaWada-hadalka Qaranka oo ka madax-bannaan siyaasaddasi loo helo go’aan masiiri ah oo ku saabsan nidaamkadawladnimada dalka, loogana jawaabo su’aalaha iyodoodaha taagan ee saamaynta ku leh midnimada iyowadajirka bulshada.
2. Waa in la caddeeyo nooca Federaal ee Dalka; Waa in degdeg loo dhammaystiraa dib-u-eegista dastuurka, iyadoo si cad looga wadahadlayo hannaanka Federaaligaah ee dalka lana is waafajiyo dastuurrada labada. Waa inaan joojinaa marmarsiiyada ah in fashilka siyaasadeenadibadda ay mas’uul ka tahay kaliyafaragelin shisheeye.”Inta gurigeenna gudihiisu uu leeyahay ciyaaryahanno u ciyaaraya kooxo iska soo horjeeda, “madax-bannaanideenuwaa magac uun.
3. Ansixinta Xeerka Danaha Qaranka (National Interest Charter); Qaranku waa inuu leeyahay siyaasad arrimodibadeed qeexaysakhadadka cas ee arrimaha qaran” ee madax-bannaanida Dalka. Hadda, danaha qaranka dadkaisku-meel uma joogto, mana jirto aragti qaran oo lagamideysanyahay.
4. AmnigaWaa in la helo hey’ado qaran oo u hawlgala siqaran, dowladnimaduna dhaafto waddada Makka-almukarama. Haddaysan dadku dareemin siyaasaddowladnimo iyo wadajir qaran, Soomaaliya hanoolaatokuma noolaanayso dowladnimadu, oo waxa ay u baahantahay hoggaamin iyo shaqo joogto ah.

Gabagabo

Soomaaliya waxay u baahan tahay in ay dhab uga wadahashoarrimaheeda qaran, maadaama mushkiladahadowladnimadana manta horyaalla aysan ahayn kuwa laguxallinkaro dibadda iyo difaac diblomaasiyadeed kaliya. Soomaalidu waxay ay u baahantahay isla-meel dhigga AxdigaBulshada (Social Contract) kaas oo aan ahayn uun qoraaldastuuri ah, balse ah heshiis dhab ah oo dhex mara dadkaSoomaaliyeed iyo bilowga wada-hadal qaran oo lagaga hadlomasiirka dalka iyo dowladnimada.

Fadumo Cabi Cali waa cilmi-baare dhanka siyaasadda ah iyo maamul-wanaagga (governance), waxay hadda barataa Siyaasadda Dowliga ah ee Jaamacadda Oxford. Waxay horey ugu soo shaqaysay Dowladda Soomaaliya. Waxay shahaadada Master-ka ee Xiriirka Caalamiga ah ka qaadatay Jaamacadda Istanbul ee dalka Turkiye.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More