Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Xiisadda ka dhex aloosan labadii dal ee isugu dhowaa Bariga Dhexe—Boqortooyada Sucuudiga iyo Isutagga Imaaraadka Carabta—ayaa gaartay meeshii ugu sarraysay maalin dhammaadka sannadkan 2025. Inkasta oo labada dal ay markii hore Yemen u galeen si ay u jebiyaan kooxda Xuutiyiinta, haddana waqtigan waxaa muuqata in danahooda istiraatiijiyadeed ay hadda u kala weecdeen qaab horseedi kara iska horimaad toos ah oo ka dhex qarxa xulafadii shalay.

Iska horimaadkan hadda taagan wuxuu si xooggan u qaraxay markii xoogagga Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Yemen ee loo yaqaaan (STC), oo ah koox gooni-goosad ah oo uu taageero Imaaraadku, ay ku dhiirradeen inay gacanta ku dhigaan gobollada istiraatiijiga ah ee Hadhramaut iyo Al-Mahra.

Tallaabadan ayaa Sucuudiga ugu muuqatay mid lagu soo xad-gudbay “khadkiisa cas”, maadaama gobolladani ay xuduud toos ah la leeyihiin Boqortooyada, isla markaana ay yihiin isha dhaqaale ee dowladda Yemen ee uu Sucuudigu aqoonsan yahay.

Riyadh ayaa qaadatay go’aan adag, si ay ay meesha uga saarto khatarta isbarkan ee soo wajahday amnigeeda iyo dhaqaalaha jaalkeeda, waa Dowladda ay aqoonsan tahay ee uu hoggaamiyo Rashaad Alcalami.

Sucuudiga oo dareensan in kooxda STC tahay qorshe Imaaraad oo loo isticmaalayo marrinada muhiimka ah ee Yemen, ayaa adeegsatay cududdeeda ciidan si ay u fashiliso qorshayaasha ay Imaaraadku ka leeyihiin dekedaha iyo marin-biyoodyada Yemen.

Duqayntii saaka ka dhacday dekeda Mukalla ee lala beegsaday maraakiibta hubka u siday STC, waxay fariin cad u ahayd Abu Dhabi taas oo ahayd In Sucuudigu uusan u dulqaadan doonin maamul-goboleed ama Dowlad ka madax-bannaan dowladda dhexe oo ka dhalata koonfurta Yemen, kaas oo khatar ku ah amniga qaranka Sucuudiga.

Dhinaca kale, dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay Cadan ayaa qaadatay go’aan lama filaan ah oo ay xidhiidhka ugu jarayso heshiisyadii difaaca ee ay la lahayd Imaaraadka, iyadoo dalbatay in ciidanka dalkaas ay gebi ahaanba ka baxaan Yemen.

Imaaraadka oo maanta la kulmay laba dharbaaxo, duqaynta Sucuudiga iyo xidhiidh jarka Dowladda la aqoonsan yahay ee Yemen, ayaa galabta go’aan uu soo saaray ku sheegay in ciidankiisa uu kala baxayo dalka Yemen.

In kasta oo Imaaraadku uu ku dhawaaqay inuu bilaabay ka bixitaanka ciidamadooda si looga fogaado iska horimaad toos ah oo dhex mara labada dal ee Gacanka, waa Sucuudiga iyo Imaaraadka, haddana dadka fallanqeeya arrimaha gobolka Khaliijku waxay qabaan in ka bixis kasta oo Imaaraadku ciidankiisa kaga saaro dalka Yemen aan lagu qiimayn karin inuu faraha kala baxay dalka Yemen. Ilaa la arko in Abu Dhabi ay si dhab ah faraha ugala baxdo maleeshiyaadka ay dhisaysay muddada dheer ee dalkaasi ku sugan.

Dagaalkan cusub ee u dhexeeya labada saaxiib ee hore wuxuu Yemen u horseeday xaalad hubanti la’aan ah. Halka Sucuudigu uu doonayo inuu heshiis nabadeed oo waara la galo Xuutiyiinta si uu u xasiliyo xuduudkiisa, Imaaraadku wuxuu xoogga saarayaa inuu xukumo marin-biyoodyada muhiimka ah ee ku teedsan badda cas iyo badweynta Hindiya.

Isku-dhaca labadan ujeeddo ayaa Yemen ka dhigay garoon ay ku loolamayaan laba awoodood oo isku haysta hoggaanka gobolka, taas oo caqabad weyn ku ah dedaalladii nabadeed ee muddada dheer socday, kuwaas oo la sugayay inay midha-dhalaan sanadka cusub. Waxayna ahayd rajo la sugayay in markale dib loo arko Yemen midaysan oo hal talo leh, hase ahaate damaca Imaaraadka ayaa dalkaasi markale u raray dagaal wakaaladeed cusub.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More