Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub (EU) ayaa isugu yimi shir madaxeed ka dhacaya magaalada Brussels si ugu codeeyaan in Ukrain loo sii daayo hantida Ruushka ee ku xayiran waddamada Yurub oo ah ku dhowaad $200 bilyan si loogu taageero dagaalka ay Ukraine labada sano ku jirtey.
Gudaha Ukrainena, ciidamada Ruushka ayaa fuliyay weerarro kala duwan oo ka dhacay guud ahaan dalkaas, kuwaas oo dhaawacay dad tiro badan, gaar ahaan magaalada Kryvyi Rih, iyo sidoo kale gobollada Zaporizhia, Cherkasy iyo Odesa.
Dhinaca kale, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka, saddex qof oo ay laba ka mid ahi ay yihiin shaqaalaha markab xamuul ayaa ku dhintay weerarro diyaarado drone ah oo ay Ukraine ka fulisay dekedda Ruushka ee Rostov-on-Don iyo magaalada Bataysk ee gobolka koonfureed ee Rostov.

