Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadoo 9-kii Diseembar 2024 soo saartay cunaqabatayn ka dhan ah afar qof iyo afar hay’adood oo lagu eedeeyay inay door muhiim ah ku leeyihiin sii hurinta dagaalka Sudan.
Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka oo arrintan ku dhawaaqday ayaa sheegtay in la cunaqabateeyay shabakad caalami ah oo badankeedu yihiin muwaadiniin iyo shirkado u dhashay Colombia, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay qoraan oo tababaraan dagaalyahanno ay ku jiraan carruur si ay ugu dagaallamaan dhinaca kooxda fallaagada ah ee Rapid Support Forces (RSF).
Sida Warbixinta ku cad tan iyo 2024, boqolaal askar oo hore oo Colombian ah ay u safreen Sudan si ay u taageeraan RSF, oo Maraykanku ku eedeeyay inay geysteen xasuuq iyo falal ba’an oo ka dhan ah rayidka. Askarteen hore ayaa RSF siiyay xirfado ciidan oo ballaaran, sida hagidda dagaalka lugta, madaafiicda, iyo duulinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxaa kale oo jira eedeymo sheegay in qaar ka mid ah askartan ay tababareen carruur si loogu adeegsado dagaalka, iyagoo ka qaybgalay weerarro ka dhacay Khartoum iyo al-Fashir.
Mid ka mid ah dadka sida gaarka ah loo beegsaday waa Alvaro Andres Quijano Becerra, oo haysta dhalasho Colombian iyo Talyaani, kuna sugan Imaaraadka Carabta. Becerra ayaa lagu eedeeyay inuu door hoggaamineed ku lahaa qorista iyo dirista askarta hore ee Colombian-ka ee lagu geeyay Sudan.
Tallaabadan ay qaaday dowladda Mareykanka waxay qayb ka tahay dadaalka lagu wiiqayo taageerada milatari ee ay banaanka ka helaan RSF ee sii hurinaysa colaadda Sudan, iyo in sidoo kale in la ilaaliyo rayidka, lana xakameeyo faafitaanka xagjirka iyo argagixisada gobolka.
Soo saarista cunaqabataytan cusub ee lagu beegsaday Calooshood U shaqaystayaasha u dhashay Colombia ayaa timid kaddib markii uu dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudigu Maxamed Bin Salmaan uu ka codsaday Maraykanka inuu gacan ka gaysto dhammaynta dagaalka Suudaan.

