Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Booliska Magaalada Jigjiga ayaa sheegay iney qabteen nin muuqaallo badan oo anshax xumo ah ka duubay gabdho soomaaliyeed kala duwan ka dibna ku dhibaateeyay.

Ninkan oo booliska magaciisa ay ku sheegeen Ayuub ayaa ka yimid qaarada yurub gaar ahaan wadamada; Talyaaniga iyo Austria, waxeyna booliska DDS ku qabteen Magaalada jigjiga ka dib markay dumar dacwo ka ah u yimaadeen.

Booliska oo ka jawaabaya cabashadaa Dumarka ayaa hawl gal ay sameeyeen ku guulaystay inay qabtaan eedaysanahan. Baaritaan uu boolisku sameeyay ayaa waxaa telefoonkiisa laga helay muuqaallo uu ka duubay hablo Soomaaliyeed, oo uu kaga duubay magaaloyinka; Muqdisho, Hargaysa, Garoowe, Wajaale, Addis Ababa iyo Jijiga.

Habka uu u khiyaamayay hablahan soomaaliyeed;

Booliska ayaa sheegay inuu ninkan u caddeeyyey inuu gabdhaha marka hore baraha bulshada kala xiriiri jiray, kana shukaansan jiray. Kalsooni iyo isdhaxgal ayuu ku abuuri jiray, video call na wuu ka wici jiray, dabadeedna uu ka duubi jiaray muuqaallo ay dhar la’aan yihiin. ka dib waxa uu ka dal ban jiray in toos loogu soo diro muuqaallo kale oo anshax-xumo ah tii ka diidana uu ku rakaatayn jiray uguna hanjabi jiray inuu faafinayo kuwii uu hore uga hayey oo uu qaarkood duruufta uga faa’idaystay, qaarna kalsooni uu ku abuuray ku khiyaamay.

Booliska ayaa guud ahaan Bulshada uga digay inay ka taxadaraan dadka falalka noocan ah sameeya gaar ahaan shacabka degaanka soomalidu inay ka feejignaadaan dhaqamada xunxun iyo halista Aalada internetku wadato.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More