Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta bookhasho ku tagi doona Hindiya taasoo noqonaysa safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu billowday dagaalka Yukreyn in ka badan afar sannadood ka hor. Bookhashadan ayaana ku soo beegmeysa xilli dadaalladii Maraykanka ee lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka ay u muuqdaan kuwo hakad galay.
Safarka degdegga ah ee Putin oo socon doona muddo 30 saacadood ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxaysa Washington iyo New Delhi, kadib markii Maraykanku ku soo rogay canshuuro iyo hanjabaad cunaqabatayn oo la xidhiidha iskaashiga taariikhiga ah ee Hindiya ay la leedahay Ruushka iyo kor u kaca ay ku sameysey iibsiga shiidaalka Ruushka tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine.
Xiisaddan ayaa Hindiya galisey xaalad xidhiidhi ah, iyada oo isku dayaysa in ay dheelitirto xidhiidhka ay la leedahay reer Galbeedka iyo kan Ruushka. Hindiya ayaana tan iyo markii ay madax banaanida ka qaadatey Ingiriiska 1947, isku dayeysey in in ciyaarto siyaasad dhexdhexaada iyada oo ka fogaaneysey in ay si gaar ah u gu xidhnaato iskaashiyada quwadaha waaweyn. Waxayna hoggaaminaysay dhaqdhaqaaqii kali socodka ahaa ee dagaalkii qaboobaa – inkasta oo dhab ahaantii ay u leexatay dhinaca Midowgii Soofiyeeti laga bilaabo 1960-meeyadii. Dagaalkii qaboobaa ka dibna waxay si weyn u xoojisay xidhiidhka istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Maraykanka iyadoo weli ilaalinaysa saaxiibtinimada Ruushka. Hase yeeshee, dagaalka Ruushka ee Ukraine ayaa si weyn u carqaladeeyey isku-dheellitirkaas.
Tan iyo sanadkii 2000, Hindiya iyo Ruushka waxa u dhaxeeyay shir sanadeed ay labada dal kaga xaajoodaan arimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya kaas oo uu sannad Ra’iisul Wasaaraha Hindiya bookhanayey Ruushka, sannadka xigana uu madaxweynaha Ruushka imaanayay Hindiya. Haseyeeshee sannadkii 2022, markii uu Ruushku qaadey duulaankii Yukreyn Raysarwasaaraha Hindiya waxa uu ka baaqdey in uu tago Ruushka, shirkiina dib ayaa loo dhigey.
Sannadkii 2023, Putin ayaa sidoo kale ka baaqday inuu u safro Hindiya si uu uga qayb galo shirka G20 oo New Delhi ka dhacayey sannadkaas. Xilligaas Putin safarro dibadeed badan ma samaynayn, maadaama maxkamadda ICC ay ka soo saartay waaran qabasho oo la xidhiidha dagaalka Yukreyn. Inkasta oo Hindiya aysan xubin ka ahayn ICC, oo uu Putin si ammaan ah u gu safri kari lahaa hadana dalalka reer Galbeedka ee G20 ayaa caddeeyey in aanay raali ka noqon doonin in ay qol la wadaagaan Putin. Ugu dambayn se, 2024 shirkii sanadlaha ahaa ee u dhexeeyey Hindiya iyo Ruushku dib ayaa uu u bilaabmay, waxaana Modi uu bookhday Ruushka. Sannadkana, Putin ayaa ka soo degi doona New Delhi markii ugu horraysay muddo afar sano ah. Booqashadan Putin ayaana ku soo beegmaysaa xilli Hindiya iyo Ruushku ay u dabaaldegayaan 25 sano oo iskaashi istaraatiiji ah, oo bilaabmay sanadkii ugu horreeyay ee Putin xukunka uu la wareegay.
Sidaasoo ay tahay hadana markii Ruushku weeraray Ukraine 2022, Hindiya waxay noqotay iibsadaha labaad ee ugu badan ee shidaalka Ruushka – iyada oo kordhisay wax-iibsigeeda 2,250%, markaas oo saamiga Ruushka ku lahaa shidaalka Hindiya uu ka kacay 1% ilaa 40%.
Maraykanku xilligaas si hoose ayuu ugu dhiirrigeliyay Hindiya inay sii wado iibsiga shidaalka Ruushka. Markii reer Galbeedku ay joojiyeen iibsiga shiidaalka Ruushka, haddii aduunku gebi ahaanba joojin lahaa, qiimuhu aad ayuu kor ugu kici lahaa — sidaas darteed Hindiya waxay u fududeysay suuqa caalamka iyada oo ciyaareysey kaalin dilaalnimo oo aan shaacsaneyn.
Haseyeeshee dhawaan markii uu Trump bilaabay inuu saaro cadaadis hor leh Ruushka si uu ugu qasbo heshiiska Yukreyn wuxuu mar kale beegsaday Hindiya isaga oo ku soo rogay 25% canshuur ah badeecadaha Hindiya, oo uu uga dan leeyahay in ay joojiso iibsiga shiidaalka Ruushka. Markale ayaa uu hadana laba jibbaarey oo ka dhigay 50%. Inkasta oo Hindiya ay bilihii hore difaacday waxa ay ugu yeedho “madax-bannaanideeda istaraatiijiga ah”, haddana xaaladdu way is beddeshay.
Bishii October, Trump wuxuu cunaqabatayn ku soo rogay labada shirkadood ee ugu weyn shidaalka Ruushka: Rosneft iyo Lukoil, wuxuuna ku hanjabay inuu cunaqabatayn doono shirkad kasta oo dunida kale ah oo la macaamisha. Shirkadda Reliance, oo ah warshadda ugu weyn ee sifaynta shidaalka Hindiya, ayaa sheegtay inay joojin doonto dhoofinta badeecadaha laga sameeyo shidaalka Ruushka.
Sidaa darteed, Hindiya wax-iibsiga shidaalka Ruushka wuxuu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay saddex sano. Dhanka kale, Hindiya waxay dhawaan la saxeexatay Maraykanka heshiis ay si weyn ugu kordhinayso iibsiga gaaska LNG.
Maxaa laga filanayaa kulanka?
Khabiirrada arrimaha ganacsiga iyo siyaasadda waxay sheegeen in la filayo in Putin uu ku riixo Hindiya in ay iibsato gantaallo iyo diyaarado dagaal oo Ruushku sameeyo, si loo xoojiyo iskaashiga difaaca, isla markaana loo ballaadhiyo dhinacyada ganacsiga sida dawooyinka, mashiinnada, iyo badeecadaha beeraha.
Khabiirro kale ayaa qaba in Putin uu doonayaa inuu ka helo shirkan sawir siyaasadeed oo muhiim u ah kaas oo u diraya fariin xooggan shacabka Ruushka iyo caalamkaba isaga oo raba in uu muujiyo in dalkiisu uusan go’doon ku jirin.
Putin waxaa la filayaa inuu Khamiista fiidkii ka soo dago New Delhi, kadibna u gudbo casho gaar ah oo uu kula wadaagayo Modi gurigiisa ku yaalla caasimadda. Subaxda Jimcaha, December 5, Putin wuxuu booqan doonaa Rashtrapati Bhavan, oo uu ka helayo salaan sharafeed iyo kulan uu la yeelanayo Madaxweyne Droupadi Murmu. Intaas kadibna wuxuu u ambabixi doonaa Raj Ghat, oo ah xabaasha Mahatma Gandhi.
Markaas kadib, Putin iyo Modi waxay yeelan doonaan kulan ballaadhan oo ka dhici doona Hyderabad House, si ay u qabtaan qeybtii ugu dambeysay ee shir sanadeedka Hindiya iyo Ruushka. Waxaa sidoo kale qorshaha ku jira kulan ay la yeelan doonaan ganacsatada labada dal, ka hor intaanay ka qaybgelin casho sharaf oo uu u sameynayo Madaxweynaha Hindiya.
Putin ayaa waxaa bookhashada ku wehelin doona Andrei Belousov, wasiirka difaaca, iyo wafdi ballaadhan oo ka socda ganacsiga iyo warshadaha – oo ay ku jiraan madaxda shirkadda Ruushka ee dhoofisa hubka Rosoboronexport, iyo madaxda shirkadaha shidaalka ee cunaqabataysanka ku jira: Rosneft iyo Gazprom Neft.

