Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Sida ay qortay Fox News, ciidamada Maraykanka ayaa dhowaan ka fuliyay Puntland weerar cirka ah oo watay dagaal dhulka ka dhacay, kaas oo socday ku dhawaad afar saacadood islamarkaana lagu beegsaday xubno ka tirsan ISIS-Somalia. AFRICOM waxay sheegtay in howlgalka lagu fuliyay wada-shaqayn buuxda oo lala yeeshay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo caddeeyay in duqeyntan ay qayb ka tahay dadaalka joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodaha kooxaha jihaadiyiinta ee ku sugan dalka.

Fox News ayaa sheegtay ayadoo xiganaysa ilo maxalli ah in weerarka lagu beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah oo ISIS ah, lana rumeysan yahay in hoggaamiye sare la dilay ama la qabtay, halka ilaa toban dagaalyahan oo kale la sheegay in lagu dilay. Weli lama soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka Maraykanka. Weerarkan wuxuu ka mid yahay howlgaladii ugu awoodda badnaa ee sanadkan laga fuliyo Puntland, ayadoo uu ka dhacay meel 66 kiiloomitir koonfur-bari ka xigta magaalada Boosaaso.

Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa u sheegay Fox News in sanadkan gudihiis Maraykanku fuliyeen 101 duqeyn gudaha Soomaaliya, 59 ka mid ahna si gaar ah loogu beegsaday ISIS-Somalia. Taliska ayaa ku adkeystay in la sii wadi doono wada-shaqaynta DFS si loo yareeyo khatarta kooxahani.

Warbixinaha maxalliga ah ayaa tilmaamaya in howlgalka uu bilaabmay markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ay gantaallo ku tuureen dagaalyahanadii ku dhuumaaleysanayay god weyn iyo agagaarkiisa, ka dibna weerarro kale ay ku xigeen ilaa toban helicopter. Ilo kala duwan ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidanka Maraykanka ay ka dageen helicopter-ka intii uu dagaalku socday, hase yeeshee Taliska AFRICOM ayaa si cad u beeniyay arrintan, iyagoo sheegay in wararka ku saabsan in askar Mareykan ah ay cagta saareen dhulka Soomaaliya ay yihiin kuwo aan sax ahayn.

Taliska ayaa intaas ku daray in faahfaahinta ku saabsan unugyada iyo qalabka la isticmaalay aan la shaacin doonin sababo la xiriira amniga howlgalka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More