Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Ugu yaraan sagaal carruur ah iyo haweeney ayaa lagu dilay kadib markii ciidamo Pakistani ay duqeeyeen guri ku yaalla gobolka Khost ee koonfur-bari Afghanistan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Afghanistaan.

Afhayeenka maamulka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhacay saqdii dhexe (19:30 GMT) degmada Gurbuz ee gobolka Khost.

Weerarkan cusub ayaana kordhinayaa cabsida laga qabo in ay dib u billaabmaan dagaallo cusub, iyada oo la gu jirey xabbad-joojin aan cago adag ku taagneyn oo u dhaxeysa labada dal, labada dhinac ayaana mid walba uu ka kale uu hore ugu eedeynayay inuu diidan yahay wada-hadallada.

“Ciidamada duullaanka ah ee Pakistan waxay duqeeyeen guriga muwaadin deegaanka ah oo lagu magacaabo Waliat Khan, wiilka Qazi Mir,” ayuu Mujahid ku qoray baraha bulshada.

“Waxaana halkaas ku shahiidey sagaal carruur ah [shan wiil iyo afar gabdhood] iyo haweeney, halka gurigiina uu ka burburay,” ayuu ku daray.

Mujahid waxa kale oo uu sheegay in duqeymo kale oo cirka ahi ay ka dhaceen gobollada Kunar ee waqooyi-bari iyo Paktika ee bariga Afghanistan ah, halkaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan afar qof oo rayid ahi.

Pakistan ayaan dhinaceeda waxba kaga jawaabin eedaas wax faalo ahna ka bixin. Duqeyntan ayaana timid maalin kadib markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta dhexe ee ciidamada paramilitary-ga Pakistan ee Federal Constabulary ee magaalada Peshawar. Kooxda Jamaat-ul-Ahrar oo ka go’day Pakistan Taliban (TTP), ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Warbaahinta dowladda Pakistan (PTV) ayaa baahisay in weeraryahanadu ahaayeen muwaadiniin Afghan ah, halka Madaxweyne Asif Zardari uu ku eedeeyay “Fitna al-Khawarij oo shisheeye taageerto” – waa eray Islamabad u isticmaasho dagaalyahannada TTP ee ay ku eedeeyaan inay ka howlgalaan dhulka Afghanistan.

Weerar ismiidaamin ah oo kale oo ka dhacay caasimadda Pakistan ee Islamabad bishan horaanteedii ayaa la gu dilay ugu yaraan 12 qof, waxaana sidoo kale sheegatay farac kale oo TTP ah. Pakistan waxay ku eedeysay in weerarkaasi uu fuliyay unug la ga hagayey hoggaanka sare ee jooga Afghanistan”.

Xiriirka Pakistan iyo Afghanistan ayaa ahaa mid aad u sii xumaanayey tan iyo markii Taliban ay dib ugu soo laabteen talada Afghanistan 2021, waxaana uu sii xumaaday kadib iska horimaadyo ka dhacay xadka bishii October oo sababay dhimashada ku dhowaad 70 qof oo labada dhinac ah.

Dagaalkaas oo ugu danbeyn lagu xagameeyey xabbad-joojin ay gadhwadeen ka ahaayeen Qatar iyo Turkiga, haseyeeshee wadaxaajoodkaas oo ka dhacay Istanbul ma uusan keenin heshiis waara, iyadoo arrimaha amniga – gaar ahaan dalabka Pakistan ee ah in Kabul ay xakameyso TTP – uu noqday caqabad weyn.

Pakistan ayaana ku eedeysey Taliban inay hoy siiso kooxaha weerarada ka wada gudaha Pakistan, oo ay ku jirto TTP, kuwaas oo muddo dheer ka wadey dalkaas ol’ole dhiig badan ku daatay.

Afghanistan ayaa beenisa eedeyntaas, iyada oo dhinaceeda Pakistan ku eedeysaa inay iyaduna martigeliso kooxo ka soo horjeeda Afghanistan isla markaana aysan ixtiraamin madax-bannaanida dalkeeda.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More