Mareykanka iyo Ukraine ayaa ku dhawaaqay hannaan cusub oo lagu dhammaynayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine, kadib markii soo jeedintii hore ee Washington ee 28-ka qodob ay dhaleeceyn badan la kulantey islamarkaana ay u muuqatey mid u janjeedha danaha Moscow.
Mas’uuliyiinta Maraykanka iyo Ukraine ayaa Axaddii sheegay inay ku heshiiyeen in heshiis kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu si buuxda u dhowro madax-bannaanida Ukraine, iyagoo soo bandhigay “qorshe nabadeed oo la cusboonaysiiyay dibna loo hagaajiyay” – inkasta oo aaney ka bixin faahfaahin badan.
Mas’uuliyiinta ayaana ku sheegey bayaan ay si wadajir ah u soo saareen kadib wadahadallo ka dhacay Geneva in, “Labada dhinacba(US iyo Ukraine) ay qireen in wadatashiyadu ay ahaayeen kuwo wax-soosaar leh, islamarkaana la ga sameeyey horumar macno leh oo isku soo dhawaynayo mowqifyada, laguna aqoonsanayo talaabooyinka xiga,” iyagoo intaas ku daray in labada dhinacba ay aqbaleen baahida loo qabo “nabad waarta oo caddaalad ku dhisan”.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaana sheegay in labada dhinac ay ka gaadheen “horumar aad u weyn” wadahadallada, inkasta oo bayaanka wadajirka ahi uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sida loo xallinayo arrimaha adag ee Moscow iyo Kyiv u dhaxeeya.
Rubio ayaa sidoo kale sheegay in la beddelay qaar ka mid ah qodobada ku jira qorshaha nabadeed ee 28-qodob ka koobnaa ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, gaar ahaan kuwii ku saabsanaa doorka NATO, si loo yareeyo kala fogaanshaha labada dhinac.
Waxaanu ku yidhi saxaafada: “Waxaan kuu sheegi karaa in qodobada weli furan ay yihiin kuwo la xalin karo – mana aha kuwo aan laga gudbi karin. Waxa keliya ee loo baahan yahay waa waqti dheeri ah. Runtii waxaan aaminsanahay inaan gaadhi doonno halka loo socdo,”
Rubio ayaana diiday inuu bixiyo faahfaahinta wax-ka-beddelladaas, sida in haddii Kyiv oggolaatay inay u dabacdo qaar ka mid ah dalabyada Ruushka, sida ka tanaasulidda dhulka la gu muransan yahay iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Waxuuna ku gaabsadey: “Waxaan dareemayaa rajo wanaagsan sababtoo ah horumar aad u badan ayaa maanta la gaadhay.”
Hadalka Rubio ee rajada xambaarsan ayaa yimid kadib markii Trump, oo Ukraine u qabtay muddo kama dambays ah oo ay ku aqbasho qorshaha nabadeed ee 28-qodob ee uu soo jeediyey taas oo ku eg Khamiista, uu ku eedeeyay Ukraine inay ka gaabisey mahadcelinta taageerada maamulkiisu siiyay.
Wax yar kadib hadalka Trump, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku qoray X in uu uga mahadcelinayo Mareykanka iyo “si gaar ah Madaxweyne Trump” taageerada ay ka heleen si ay uga hortagaan duullaanka Moscow.
Qorshaha Trump ee qarsoodiga la gu diyaariyey ayaa hore walaac xooggan ugu abuuray Kyiv iyo caasimadaha Yurub maadaama oo intiisa badani ku saleysneyd dalabyo badan oo Ruushku leeyahay – oo ay ku jiraan in Ukraine yareyso tirada ciidamadeeda iyo inay ka tanaasusho Crimea, Luhansk, iyo Donetsk.
Zelenskyy wuxuu khudbad qaran oo qiire leh ku sheegay toddobaadkii hore in qorshahani uu Ukraine gelinayo xaalad laba daran midkood dooro ah “inay sharaftooda lumiyaan” ama “inay lumiyaan saaxiibkoodii ugu weynaa”.
Guddoomiyaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa Axaddii sheegtay in qorshe nabadeed kasta uu khasab ku yahay inuu dhowro xorriyadda Ukraine ee ah inay “doorato masiirkeeda,” oo ay ku jirto inay ku biiri karto Midowga Yurub. Waxay intaas ku dartay: “Waxay ku bilaabmeysaa dib-u-dhiska dalka, ku biirista Suuqa Midaysan, kobcinta iskaashiga difaaca, ugu dambeyntiina, ku biirista Midowyada.”
Markii la weydiiyay in heshiis lagu gaadhi karo ka hor muddada uu Trump u qabtey Ukraine ee Khamiista, Rubio wuxuu sheegay: “Waxaan rabnaa in arrintan sida ugu dhakhsaha badan loo dhameeyo. Dabcan, waan jeclaan lahayn inay noqoto Khamiista.”
Waxaanu intaas ku darey Rubio in qorshahan nabadeed uu yahay “qabyo qoraal mar walba isbedbeddelaya”. Iyo in heshiiska loo gudbin doono Moscow si ay u ansixiso: “Dabcan, Ruushka wuxuu leeyahay cod ku saabsan arrintan,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii sheegay in qorshaha Trump uu noqon karo saldhigga heshiis nabadeed oo kama dambays ah, hase yeeshee wuxuu ku hanjabay in Moscow ay sii wadi doonto isku dayga ay ugu gudbayso dhulka Ukraine haddii ay Kyiv diido wadahadaladda.

