Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Itoobiya ayaa kordhisay dadaallada lagu xakameynayo cudurka Marburg kadib markii Wasaaradda Caafimaadku xaqiijisay hal kiis oo cusub oo laga helay magaalada Jinka ee Koonfurta Itoobiya, taas oo tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyay ka dhigaysa afar..

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay qaadday tallaabooyin degdeg ah sida baaritaanno shaybaar, raadinta iyo baarista dadka la kulmay bukaannada laga helay cudurkq si loo ogaado haddii ay cudurkaa qaadeen, diyaar-garow xaalad degdeg ah iyo wacyigelin bulsho. Mareykanka ayaa dhankiisa muujiyay inuu taageero farsamo iyo mid degdeg ah siin doono, iyadoo Danjiraha Mareykanka Ervin Massinga uu ku amaanay Itoobiya in jawaabteedu ay ahayd mid degdeg ah oo mas’uuliyad leh.

Waa Maxay Marburg?

Cudurka Marburg waa fayras halis ah oo la mid ah Ebola, kuna dhaca bini’aadamka. Calaamadaha ugu horreeya waxay soo baxaan 2 ilaa 21 maalmood, iyagoo ku bilaabma qandho kulul, madax xanuun, murqo xanuun iyo daal. Intaas kadib waxaa bilaabma calaamado daran sida lallabo, matag, shuban iyo calool xanuun, halka xaaladaha daran ay keeni karaan dhiig-bax gudaha iyo dibadda ah.

Marburg waa cudur leh heer dhimasho oo aad u sarreeya, oo gaari kara 24% ilaa 88% iyadoo ku xiran waqtiga iyo daryeelka caafimaad ee la helo. Fayrasku wuxuu ku faafaa taabashada dhiigga ama dheecaannada qof buka, dharka iyo gogosha uu isticmaalay, ama daryeelka qof cudurka u dhintay. Xayawaannada qaarkood sida daanyeerrada ayaa sidoo kale gudbin kara.

Ka hortaggiisu wuxuu ku salaysan yahay feejignaan iyo nadaafad: gacmo-dhaqis joogto ah, ka fogaanshaha xiriirka dhow ee dadka laga shakiyo, isticmaalka qalabka ilaalinta marka lala shaqeeyo bukaanka. Si degdeg ah u raadsashada isbitaal marka calaamado la arko ayaa muhiim u ah badbaadada iyo xakameynta faafitaanka.

Faafitaanka cudurka Itoobiya gudaheeda ayaa si toos ah u saameyn kara dalalka dariska ah, dalka ugu nugulna waa Soomaaliya. Dalalka Itoobiya dariska la ah ayaa bilaabay inay feejignaanta kordhiyaan; Kenya waxay xooga saartay xuduudaha Marsabit iyo Turkana.

Xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah mid furan oo ay dadku si joogta ah uga kala gudbaan, baaritaan caafimaad oo aad u hooseeyana uu ka jiro goobaha xuduudaha, awood la’aanta dowladda ee diyaar-garowga degdegga ah, iyo bulshada oo aan helin wacyigelin ku filan oo ku saabsan cudurrada faafa — dhammaan arrimahan waxay Soomaaliya ka dhigayaan meel si gaar ah ugu nugul halista cudurka Marburg haddii uu xuduudka kasoo gudbo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More