Sanadihii ugu dambeeyay, weerarrada dhanka internet-ka (cyberattacks) ee lagu weeraro baraha dowladaha waxay noqdeen khatar weyn oo caalami ah. Kooxo si xirfad leh u abaabulan, dambiileyaal dijitaal ah, iyo mararka qaar hay’ado kale oo dano kaleh ayaa bartilmaameedsada nidaamyada dowladaha, shirkadaha, iyo xogta muwaadiniinta.
Dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, iyo Uganda waxay noqdeen meel si fudud loogu duuli karo, maadaama nidaamyadooda dijitaalka ahi si degdeg ah ay u kobcayaan halka ilaalintooda amniga aysan xoog badnayn ama aysan ku jirin gacan ammaan ah. Hadaba qolyaha burcadda internet-ka ayaa weerara bartilmaameedyada adeegyada bulshada kuwaasoo ay ka xadaan xogaha dadweynaha, sida:
• Diiwaangelinta dadweynaha
• Canshuuraha bad iyo barriba
• Dukumentiyada socdaalka
• Xogta caafimaadka
• Maaliyadda dowladda
Marka arrimahaas oo dhan la isku daro, waxaa kordha fursadaha ay hackers-ku u helaan inay helaan xogta qarsoon ama xasaasiga ah. Hal daldaloolo oo nidaam ah ayaa ku filan in la jabsado, iyadoo ay suurtagal tahay inay si buuxda ula wareegaan nidaamka.
Caqabadani Somaliya kaliya kuma koobna, dowladaha deriska la ah ayaa iyaguna la tacaalaya weeraradan. Dalka Kenya, tusaale ahaan, burcadda waxay si joogto ah u weeraraan adeegyada caafimaadka, socdaalka, iyo canshuuraha.
Hadaba aan eegno sababta ay gobolka Geeska Afrika ugu nugul yihiin weerarada danabaysan. Dalalka gobolka waxaa ka jira caqabado dhowr ah:
1. Miisaaniyad xaddidan oo loo qoondeeyo amniga cyber-ka
2. Yaraanta khubarada maxalliga ah ee cybersecurity-ga
3. Nidaamyo IT oo duugoobay ama aan si joogto ah loo dayactirin, iyo shaqaale aan tababar helin
4. Ku tiirsanaanta shirkado shisheeye oo mararka qaar aan raacin heerarka amniga iyo adkaynta xogaha dadweynaha
5. Wacyiga bulshada oo hooseeya marka ay timaado badbaadinta xogtooda dijitaalka ah
Waxaas oo dhan waxay ka dhigayaan dalalkaas kuwo si fudud loo beegsan karo.
Casharrada muhiimka ah ee Soomaaliya iyo Kenya ka baran karaan waxaa ka mid ah in la xoojiyo shuruucda iyo siyaasadaha cybersecurity-ga.
Dowladuhu waa inay sameeyaan miisaaniyad xoog leh oo lagu sugayo amniga baraha adeegyada dowladda, waxaana muhiim ah in la diyaariyo istaraatijiyad qaran oo cybersecurity ah, xeerar ilaalin xogeed (data protection laws), ciqaabo iyo sharciyo ka dhan ah dambiyada online-ka, iyo habraacyo qeexaya sida hay’adaha dowladda u ilaalinayaan xogta dadweynaha. Haddii aan la dejin shuruuc adag oo lagula xisaabtamo kuwa weerarka geysta, ma fududa in laga hortago dambiilayaasha xada ama weerara xogaha dowladda.
Gunaanad ahaan, waxaa muhiim ah in la maalgashado tababarka iyo aqoonta khubarada iyo karaanka aadanaha. Qaladaadka ka yimaada shaqaalaha dowladda iyo madaxda ayaa ah sababta ugu badan ee baraha dowladda lagu jabsado. Sidaas daraadeed waa in tababar la siiyo shaqaalaha dowladda, shaqaalaha IT-ga, cutubyada booliska ee la dagaalanka dambiyada cyber-ka, iyo hay’adaha adeeg bixinta bulshada. Jaamacadaha waa in lagu dhiirrigeliyaa inay soo saaraan khubaro cybersecurity oo maxalli ah si looga maarmo khubaro shisheeye oo si fudud loo heli karo.
Sidoo kale waa muhiim in la casriyeeyo nidaamyada IT-ga ee dowladda. Weerarada badankoodu waxay dhacaan marka dowladdu adeegsato nidaamyo duugoobay. Dowladuhu waa inay bedelaan software-ka iyo nidaamyada gaboobay, adeegsadaan adeegyo cusub oo amni leh, si joogto ah u sameeyaan updates iyo security patches, isla markaana sameeyaan tijaabooyin difaac (penetration testing).
In la xoojiyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika ayaa sidoo kale muhiim ah, maadaama dambiyada cyber-ku aanay lahayn xuduud. Dalalka gobolka waa inay wadaagaan macluumaadka khataraha, digniinaha weerarada, barnaamijyada tababarka, iyo kooxaha baarista wadajirka ah.
Bulshada ayaa iyada lafteedu u baahan wacyigelin guud. Muwaadiniintu waa inay bartaan isticmaalka furaha sirta ah ee adag, ka fogaanshaha link-yada shakiga leh, adeegsiga 2-factor authentication, iyo ilaalinta xogtooda dijitaalka ah. Wacyigelin la’aan waxay kordhisaa fursadaha weerarka.
Ugu dambeyn, mustaqbalka dijitaalka ah ee ammaan ah wuxuu u baahan yahay difaac adag. Soomaaliya iyo dalalka gobolka waxay u socdaan jihada dijitalka sida e-government, bangiyada online-ka, mobile money, iyo diiwaanka elektroniga ah ee caafimaadka. Teknolojiyadani waxay leeyihiin faa’iidooyin badan balse waxay sidoo kale furnaanayaan marin hackers-ku u adeegsan karaan haddii aan la dhisin difaac adag. Amniga cyber-ku ma aha doorasho; waa muhiimad qaran. Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah waa inay qaadaan tallaabo degdeg ah, ka faa’iideystaan khibradaha dalalka kale, islamarkaana dhistaan nidaam difaac oo casri ah. Qiimaha lagu bixiyo weerarada cyber-ka waa mid ka badan kharashka lagu dhisi lahaa nidaam ammaan ah. Haddii la dhiso difaac adag, waxaa la heli karaa dowlad casri ah, dhaqaalaha oo kobca, iyo kalsooni buuxda oo dhex marta dawladda iyo shacabkaba.
W/Q: Cabbdishakuur Cabdimaalik (Abdishakur Abdimalik), Agaasimaha Guud ee hay’ada Cross-Border Development Initiative, waa shaqsi indha indheeya la socodka weerarrada amniga internetka (Cybersecurity Attack Observer). Waxa uu ku takhasusay falanqaynta qaxootiga khasabka ah.

