Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay inay bilaabi doonto dib-u-habeyntii abid ugu ballaadhneyd ee siyaasadda magangelyo-doonka casriga ah, iyada oo raaci doonta hanaanka Denmark oo ka mid ah kuwa ugu ad-adag Yurub, islamarkaasna ay si weyn u dhaliilaan hay’adaha xuquuqda aadanaha.

Qeyb ka mid ah isbeddelladan, ayaa meesha ka saari doona qaar ka mid ah waajibaadkii sharci ee dowladda qasabka ku ahaa inay siiso dadka magangelyo-doonka ah, oo ay ku jiraan hoy iyo gunnooyin toddobaadle, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasaarrada, oo ay hoggaamiso Shabana Mahmood, ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabooyinkani ay si gaar ah u quseyn doonaan dadka magangelyo-doonka ah ee shaqayn kara laakiin doorbida in aanay shaqayn, iyo kuwa jebiya sharciga. Waxayna intaad ku dartey in taageerada ay bixiyaan canshuur-bixiyeyaashu la gu hormarin doono dadka wax ku biiriya dhaqaalaha iyo bulshooyinka deegaanka.

Shabana ayaa la filayaa inay faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan tallaabooyinkan ay bixiso maalinta Isniinta, kuwaas oo Wasaaradda Arrimaha Guduhu sheegtay in loo sameeyay si Ingiriiska ay uga dhigaan meel aan soo jiidanayn muhaajiriinta sharci-darrada ah, isla markaana ay sahal u noqoto in dalka laga saaro.

Waxay tiri: “Dalkani wuxuu leeyahay dhaqan sharaf leh oo lagu soo dhoweynayo dadka ka soo cararaya khatarta, balse deeqsinimadeennu waxay soo jiidanaysaa muhaajiriinta sharci-darrada ah.”
Waxay intaas ku dartay: “Xawaaraha iyo baaxadda socdaalka waxay cadaadis xooggan saarayaan bulshooyinka.”

Sahanada ayaa muujinaya in arrimaha socdaalka aanay hada ka dib aheyn uun dhibaato dhaqaale balse ay noqdeen welwelka ugu weyn ee dalka. Ku dhawaad 109,343 qof ayaa UK ka codsaday magangalyo sannadkii ku dhammaaday Maarso 2025 — taas oo ahayd koror 17% ah marka la barbardhigo sannadkii hore, iyo in ka sareysa 6% heerkii ugu sarreeyay ee 2002 oo ahaa 103,081.

Wasaaradda Arrimaha Guduhu ayaa sheegtay in dib-u-habeynta ay kaga dayan doonaan ama ay ka sii adkaan doonaan nidaamyada Denmark iyo dalal kale oo Yurub ah, halkaas oo qaxootiga loo siiyo sharci ku-meel-gaadh ah, taageeradu ay shuruudo leedahay, lagana rabo inay bulshada dhexgalaan.
“UK hadda waxay la jaanqaadi doontaa, meelo badanna ka adkaan doontaa heerarkan,” ayay tiri wasaaraddu.

Waxaa xusid mudan in horraantii sanadkan, wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Guduhu Ingiriiska ay bookhatey Copenhagen si ay u daraaseeyaan habka Denmark ee magangalyada — halkaas oo dadka magangalyo-doonka ah loo siiyo oggolaansho ku-meel-gaar ah oo laba sano ah, kadibna markale la codsado marka uu dhaco.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More