Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa mar kale cirka isku shareertay, kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, uu 13-kii bishaan jeediyay khudbad uu si toos ah uga hadlay xaaladda amni ee gobolka. Wasiirku wuxuu si cad ugu eedeeyay Eritrea faragelin amni iyo taageero ay siiso kooxo hubeysan oo ka dagaallama gudaha Itoobiya, isagoo intaa ku daray in ciidamo Eritrean ah ay weli ku sugan yihiin meelo kamid ah waqooyiga dalka.
Gedion wuxuu sheegay in tallaabooyinkan ay siinayaan Itoobiya sabab sharci ah oo ay ugu dhaqmi karto xaqeeda is-difaaca. Si kastaba, wuxuu iftiimiyay in dowladdu ay dooratay inay xakameyso falcelinteeda si looga fogaado dagaal cusub oo gobolka u horseeda deganaansho la’aan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in is xakamaynta Itoobiya aysan ahayn mid aan xad lahayn, taasoo micnaheedu yahay in dulqaadkaas uu ku xirnaan doono sida ay Eritrea u dhaqanto. Sida uu sheegay, haddii kicin iyo faragelin sii socdaan, Itoobiya ma sii wadi doonto is-xakamaynta.
Inkasta oo khilaafka labada dal uu leeyahay taariikh dheer, hadalka wasiirka wuxuu si gaar ah uga dheeraaday arrinta dekedda Assab oo hadda umuuqata arinta ugu xasaasisan. Itoobiya waxay u aragtaa Assab inay tahay tiir muhiim u ah amnigeeda iyo dhaqaalaha qaranka, maadaama ay ahayd marin badeed uu dalka ku tiirsanaa ilaa laga jaray 1998-kii. Wasiirku wuxuu xusuusiyay in Itoobiya ay maalgelin ballaaran ku samaysay Assab ka hor iyo kadib gooni-isu-taaggii Eritrea, ayna muhiim tahay in dalka mar dambe uusan wajihin khatar la mid ah tii ay ku keentay luminta dekeddaas.
Inkasta oo Itoobiya ay kala duwantahay dekedaha ay isticmaasho, iyadoo heshiisyo kala duwan la yeelatay dalalka deriska ah, taas kama beddelayso muhiimadda istaraatiijiga ah ee Assab. Wasiirku wuxuu muujiyay in Assab ay tahay dekedda ugu mudnaanta badan ee Itoobiya u aragto inay ka heli karto marin badeed waara oo ammaan ah.” Wuxuu sheegay in Itoobiya aysan rabin inay mustaqbalkeeda ku tiirsanaato hal marin ama xaalado siyaasadeed oo aan la saadaalin karin, si looga hortago nuglaansho amni iyo dhaqaale oo mustaqbalka ka dhalan kara.
Wasiir Gedion ayaa intaas ku daray in khilaafka labada dal uusan ku koobnayn xuduud ama marin badeed oo keliya, balse uu ka tarjumayo aragtiyo siyaasadeed oo kala fog. Wuxuu ku eedeeyay Eritrea inay qayb ka tahay isku dayo lagu saameynayo arrimaha gudaha Itoobiya, isla markaana ay leedahay aragti amni oo ku dhisan in xasilloonida Itoobiya ay khatar ku tahay nidaamka Eritrea. Sidoo kale, wuxuu Eritrea ku sifeeyay dal si xoog leh u militariyaysan, arrintaas oo uu sheegay inay caqabad ku tahay in labada dal ay yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed oo caadi ah, inkasta oo ay jireen fursado hore oo dib-u-heshiisiin sida is-fahamkii 2018.

