Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Soomaaliya oo Sannadkii 2024 si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa xubnihii ugu horreeyay oo ku metalaya Baarlamaanka EAC soo dooratay bishii hore ee Oktoobar.

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya metali doona oo dhan 9-xubnood ayaa ka shaqo bilaabaya xarunta ururka ee Caruusha oo ku taal Tanzaaniya.

Dalalka uu ka kooban yahay ururka EAC mid kastaa waxaa uu leeyahay xubno Baarlamaan oo ay soo doortaan golayaasha wakiilada ee dalalkaas, waxayna xilka joogaan muddo shan sano ah.

Soomaaliya oo xubnaheeda dirtay dhawaan ayaa bishan toddobaadkeeda saddaxaad dhammaadkiisa oo ku beegan 20-23, lagu dhaarinayaa magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Dhaarinta dastuuriga ah kaddib xubnahan ayaa si rasmi ah ugu biiraya kalfadhiyada iyo doodaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ee Caruusha iyaga oo ka shaqayn doona danaha wadajirka ah ee dalalka ku midaysan ururka EAC.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More