Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa muujiyay welwel xooggan oo ku saabsan xaaladda amni ee kasii daraysa dalka Mali, halkaas oo kooxo argagixiso ah ay wadaan go’doomin hubaysan, carqaladeyn ku saabsan helitaanka sahayda muhiimka ah, isla markaana si ba’an u kordhiyay dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee bulshada rayidka ah.
Guddoomiyuhu wuxuu si adag u cambaareeyay weerarrada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo dadka aan waxba galabsan, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, kuna reebay saameyn ballaaran oo amni-darro ah gobollo badan oo dalka ka mid ah. Wuxuu mar kale xaqiijiyay in Midowga Afrika uu garab taagan yahay Dowladda iyo shacabka Mali, isagoo tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha.
Midowga Afrika wuxuu si gaar ah u cambaareeyay afduubyadii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan afduubka saddex muwaadin oo Masri ah, isaga oo ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo. Waxaa lagu sifeeyay falalkan inay yihiin xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee banii’aadantinimada.
Guddoomiyaha AUC wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay qaaddo tallaabo mideysan, xooggan, oo wax ku ool ah si loola tacaalo argagixisada iyo xagjirnimada gobolka Sahel.

