Tan iyo markii uu dagaalkii Laascaanood qarxay bilowgii sannadkii 2023, waxaa socday dedaallo nabadeed oo aan guulaysan. Heerar kala duwan oo ay soo martay nabadayntu. Waqtigan waxaa socda dedaalkii ugu waynaa kaas oo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis kumeel gaara oo dhabbaha u xaara nabad waarta.
Waqooyi Bari oo aqabashay wadahadal
Wixii ka danbeeyay dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee bishii Agoosto ee sannadkan waxaa soo xoogaysanayn in Somaliland ay diyaar u tahay in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda labada dhinac.
Waqooyi Bari oo shuruudo ku xirtay wadahadalkasta ayaa hadda u muuqata in mowqifkeedii wax iska baddeleen kaddib markii uu Madaxweynaha Waqooyi Bari xalay, 8dii bishan Noofeembar, magacaabay Guddiga Wada-xaajoodka ee maamulkaas.
Inkasta oo aan wareegtada lagu xusin haddana waxaa gudigan shaqadooda tahay in ka soo talo bixiyaan qaabka, waqtiga iyo farsamada heshiis dhexmari kara Waqooyi Bari iyo Somaliland.
Magacaabista guddida ayaa ka dhigan in Madaxda Maamulka Waqooyi Bari ay dhan isaga riixeen galka maxaabiista ku xiran Laascaanood.
Xubnaha Guddiga magacaaban ayaa kala ah; Mud. Saleebaan Cabdi Ducaale: Guddoomiye, Mud. Cabdalle Aadan Cabdi: Guddoomiye ku xigeen, Mud. Cabdi Sahal Maxamed Jaamac: Xoghayn, Mud. Cabdikariin Xasan Jaamac : Xubin, Mud. Jaamac Xasan Ibraahim : Xubin, Mud. Maxamuud Mire Kalce : Xubin iyo Mud. Cabdalle Axmed Maxamed : Xubin
Magacyada guddiga ayaa ah kuwa lagu xushay aaminsanaantooda Waqooyi Bari marka la eego sooyaalkooda taariikheed.
Dedaalka Beesha Caalamka ee Nabadda
Dhawaanahan waxaa socday waan-waan ay Dowladda Federaalka hormuud ka tahay ayna qayb ka yihiin dalalka deriska ah laba kamid ah iyo Dowlad Carbeed.
Waxaa sidoo kale jirta dedaal dublumaasiyadeed oo ay Dowladda UK bilowday kaas oo lagu taageero nabadda deegaanadaas, waxaana dhammaad ku dhow mashaariic horumarinta nabadda ah.
Ma xaqiijin in dhanka Waqooyi Bari uu jiro xiriir, hase ahaate ilaha aan waraysanaya ayaa inoo sheegay in Safaaradda UK ee Soomaaliya ay ku hawlan tahay bixinta mashaariic nabadeed. Waxaana Safiirka UK uu booqashooyin ku tagay Garowe iyo Hargaysa kuwaas oo lala xiriiriyay hawlaha nabadda.
Laascaanood waxaa ku sugan isimo dhaqan oo ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada nabadda, waxayna marar kala duwan safar ku tagaan Laascaanood iyo Hargaysa.
Qayb kamid ah Isimada dhaqan ee Waqooyi Bari ayaa ku qancay hannaan wadaxaajood oo ay Dowladda Federaalka gar wadeen ka tahay, waxaana hadda loo gudbayaa bilaabista wada-xaajoodka.
Somaliland oo aan shuruud wadahadal wadan
Dhanka Somaliland, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay socdaan dedaallo lagula kala wareegayo Maxaabiista ku xiran Hargaysa iyo Laascaanood. Wasiirku ma bixin faahfaahin intaa ka baxsan.
Somaliland waxaa hore u magacaabnaa Guddida Nabadda oo u xil saaran galalka nabadda iyo xasillinta.
Sida ay xaqiijinayaan dhexdhexaadiyaasha Muqdisho kusugan, majirto shuruud dhanka Somaliland oo ku saabsan iswaydaarsiga maxaabiista. Waxaanse la aqoon sida ay u aqbalayso la fariisiga maamulka Waqooyi Bari. Waxaana ay Somaliland doorbidaysaa in macaamilka hesshiiska nabadda uu dhexmaro gacan saddaxaad. Lama yaqaan sida ay Waqooyi Bari uu aqbalayso dhankeeda inay nabad kala hadasho cid aan Soomaaliland ahayn.

