Kaddib in ka badan 70 sano oo ay jirto Qaramada Midoobay, haddana qaaradda Afrika oo dalalkeedu ka yihiin in ka badan hal meel marka loo qaybiyo 4 meelood dalalka ku midaysan ururka ,ma leh wax matalaad joogto ah.
Labaatankii sano ee ugu dambeeyay waxaa sii xoogaystay doonista dalalka qaaradda ee ku aaddan helitaanka kuraas joogto ah oo leh codka diidmada qayaxan ee loo yaqaan “VETO”, si ay ula mid noqdaan qaaradaha kale.
Inkasta oo Qaramada Midoobay ay lumisay ixtiraamkii loo hayay kaddib markii awoodaha Bariga iyo Galbeedku ay markale ku noqdeen inay awood ciidan tijaabiyaan — dagaalladii ay hay’addu ka nabadoonayn jirtayna ay dib u soo laabteen, sida Yukrayn iyo Bariga Dhexe — haddana loollanka dhaqaale iyo juqraafi-siyaasadeedka ayaa ka gudbay xuduudaha, iyadoo isu muuqashada Shiinaha iyo Maraykanka ay sii xoojisay xiisadda. Haddana QM waxaa loo arkaa masrax muhiim ah oo la isku muujiyo.
Shirweynihii Midowga Afrika ee 2005 lagu qabtay magaalada Sirte ee dalka Liibiya ayaa noqday saldhigga isku dayga in qaaraddu si mideysan u raadiso xaqeeda ka maqan, hase yeeshee weli lama hayo natiijo muuqata.
Bishii Agoosto 2024, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antónío Guterres, ayaa sheegay inaan caddaaladda adduunka dhammaystirnayn ilaa ay Afrika ku yeelato Golaha Ammaanka kursi joogto ah oo lamid ah kuwa ay haystaan qaaradaha kale.
Bishii Sebteembar ee sannadkan, Maraykanka ayaa sheegay inuu taageersan yahay in Afrika ay Golaha ku yeelato laba xubnood oo leh codka diidmada qayaxan. Hadalkaas ayaa mar kale kiciyay rabitaanka qaaradda ee ku aaddan helitaanka kuraas joogto ah.
Golaha Ammaanka ma lagu biiri karaa?
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa hay’adda ugu awoodda badan ee aan dowli ahayn, waxaana uu ka kooban yahay 15 dal, kuwaas oo 5 kamid ahi leeyihiin joogitaan rasmi ah iyo cod diidmo oo gaar ah. 10-ka dal ee kale waa xubno aan joogto ahayn oo is beddela labadii sanoba mar, mana laha awood diidmo toos ah. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalkaas, iyadoo kursigeeda ku fadhinaysa ilaa 2026.
Si loogu biiro Golaha Ammaanka ee QM, waxaa loo baahan yahay in wax laga beddelo axdiga Golaha Guud, taas oo u baahan oggolaanshaha laba meelood saddex meel xubnaha guud ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan shanta dal ee codka diidmada leh.
Dalalka Afrika ee u tartamaya kursigaas
Afrika waa qaarad kala qaybsan, aan lahayn awood dhaqaale, ciidan iyo saamayn ballaaran. Waa qaarad dalalkeedu ay ka mid yihiin kuwa ugu nugul dunida, intooda badanna ku tiirsan kaalmada dalalka hodanka ah.
Ma jiro mowqif mideysan oo rasmi ah oo ay Afrika ku leedahay arrintan, taas oo dhalisay tartan gudaha ah oo dal walba uu doonayo inuu kasbado taageerada bulshada caalamka iyo shanta dal ee awoodda aan xadidnayn leh.
Shan dal oo Afrikaan ah ayaa ilaa hadda si rasmi ah u ololeynaya si ay uga mid noqdaan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka:
Itoobiya – Waxay ku doodaysaa inay astaan u tahay xornimada, maadaama aanay abid la gumaysan; sidoo kalena waa xarunta Midowga Afrika.
Masar – Waxay ku ololaynaysaa saamaynteeda caalamiga ah, awooddeeda ciidan iyo xiriirka adag ee ay la leedahay reer Galbeedka.
Morooko – Waa dal Carbeed oo leh maalgashi sii kobcaya, xiriir fiicanna la leh reer Galbeedka iyo dalalka Carabta.
Nayjeeriya – Dalka ugu dadka badan Afrika, mid kamid ah dhaqaalaha ugu xoogga badan qaaradda, waxayna haysataa taageerada galbeedka Afrika.
Koonfur Afrika – Dalka ugu dhaqaalaha badan qaaradda, waxay isu aragtaa inay mudan tahay in la siiyo kursigaas.
Inkasta oo dalalka Afrika ay raadinayaan xubin joogto ah, haddana weli lama caddayn sida xubintaas u noqon karto mid awood leh oo si dhab ah u metesha danaha qaaradda.

