Dagaallada Suudaan ka socda ayaa si wayn warbaahinta ula xiriirinaysay in magaalada Boosaaso noqotay xarun lagu tahriibiyo calooshood u shaqaystayaasha ka dagaallamaya dalkaas.
Inkasta oo aysan jirin warbixin toos ah oo ku eedaynaysa Soomaaliya in dalkeeda loo adeegsado saldhig laga weeraro dalka Suudaan, haddana hadal haynta la xiriirta in Boosaaso ay noqotay xarun la marsiiyo agab iyo ciidan ayaa si wayn ugu faaftay warbaahinta.
Baaritaan gaar ah oo ay samaysay Warbaahinta Middle East Eye (MEE), uuna ku daabacanyahay Wariyaha Soomaaliyeed ee Bashiir Maxamed Caato ayaa daaha ka qaadaysa sida Boosaaso ay u noqotay saldhig ciidan oo ay adeegsadaan Imaaraadku.
Sida ka muuqata warbixinta oo ay la socdaan caddaymo ay bixinayaan goobjoogayaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Puntland (PMPF), ciidamo calooshood u shaqaystayaal oo u dhashay Kolombiya (Colombia), ayaa si joogta ah looga qaadaa Boosaaso, si ay qayb uga noqdaan ciidanka Gurmadka Degdega ah (RSF) ee dagaalka ka wada dalkaasi Suudaan.
Warbixinta waxaa ku xusan nin magaciisa la qariyay oo ka tirsan ciidanka PMPF oo Cabdulaahi lagu magacaabay, kaas oo xaqiijinaya in diyaarada waawayn ee dhawaaqooda Boosaaso laga maqlaa yihiin kuwa ay leeyihiin Imaaraadku oo sida qalab iyo ciidan.
Sida uu Cabdulaahi u sheegay Warbaahinta MEE, diyaaradaha soo dega ayaa ah kuwa caddaan ah oo noocoodu yahay IL-76. Diyaaradaha ayaa dhinaca ku qabta kuwa lamid ah halkaas oo laga dejiyo qalab ciidan oo culus. Cabdulaahi waxaa uu sheegayaa in diyaaradahani ay soo noqnoqonayeen labadii sano ee ugu danbaysay.
MEE waxay intaas kusii dareysaa, diyaaradahan waxaa leh Imaaraad Carabta, marka la eego xogta safarkooda, sawirrada dayax-gacmeedyada oo lagu darayo xog ay ka heleen saraakiil Maraykan ah iyo gobolka ahba,
Dhawaan warbaahinta WSJ iyo The Guardian ayaa baahiyay in Boosaaso tahay xarun la marsiiyo calooshood u shaqaystayaasha ka dagaalamaya dalka Suudaan, kuwaas oo dhawaan muuqaallo kala duwan oo la baahiyay ka dhexmuuqanaya. Ma jirto ilaa hadda caddayn toos ah oo ay Somali Stream heshay oo muujinaysa in Garoonka Boosaso yahay xarun la marsiiyo saadka iyo calooshood u shaqaystayaasha ka barbar dagaallama RSF.

