Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynayaaasha Masar iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay taageeridda ciidanka Sudan, xoojinta amniga Badda Cas, iyo iskaashi la xiriira Soomaaliya.

Labada hoggaamiye oo kulan ku yeeshay Qaahira, halkaas oo ay uga wada hadleen xaaladaha Sudan, Soomaaliya iyo Badda Cas. Waxay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee arrimaha gobolka.

Waxay carabka ku adkeeyeen in la taageero hay’adaha dowladda Sudan, gaar ahaan ciidamada, lagana hortago abuuridda hay’ado kale oo barbar socda.

Sidoo kale, waxay dib u xaqiijiyeen taageeradooda Heshiiskii Asmara ee 2024 ee lagu xushmeynayay madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo qarannimada Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo awoodda dowladda si ay u wajahdo caqabadaha gudaha iyo dibadda.

Arrimaha Badda Cas, labada dal waxay isku afgarteen muhiimadda iskaashi dalalka ku yaalla xeebaha si loo sugo amniga iyo xasiloonida marinka badda.

Dhinaca xiriirka labada dal, Alsiisi ayaa soo dhoweeyay booqashada Afwerki iyo ka qeybgalka furitaanka Matxafka Qaranka Masar, halka Afwerki uu uga mahadceliyay doorka Masar ee xasilinta Geeska Afrika, isagoo rajo ka muujiyay in la xoojiyo iskaashiga labada dal.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More