Ninka heysta abaalmarinta Laacibkii ugu wanaaagsanaa Kubbada Cagta Soomaaliya sanadkan Xaaji oo Liibiya arrimo Tahriib ah u jooga.
Sida xoggo la helayo ay tilmaamayaan, Kabtanka koowaad ee kooxda Kubbada Cagta Dekedaha Xaaji ayaa lagu soo warramayaa inuu ku sugan yahay dalka Liibiya, halkaasoo uu doonayo inuu kaga sii gudbo dalka Talyaaniga.
Ciyaqr yahan Xaaji ayaa isaga soo haray ciyaartoydii kooxdiisa Dekedaha ee isago soo hartay ciyaarihii lagu qabanayay dalka Masar, iyadoo Muqdisho ay kusoo laabteen dhamaan ciyaartoyda, Maamulka iyo howlwadeenada kale ee kooxdaasi.
Xaajiyoow oo sidoo kale ka tiraan xulka Qaranka Soomaaliya ayaa kamid noqonayo tira ciyaar yahano ah oo dalka isaga carartay oo uu kaga sii horeeyay ciyaar yahan Zarqaawi.
Inkabadan 5 kun oo Soomaali ah ayaa sanadkan kaliya tahriib ku gashay Yurub, iyagoo sii maray dalalka Liibiya, Spain iyo Giriiga.
Qiyaastii lacag $5 Kun ayaa lagu raacaa doonida dhalinyarada tahriibayaasha ah ka qaada Liibiya ee geysa Talyaaniga, iyadoo lasii maro marinka halista badan ee mediterranean-ka.

