Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid qiimaha lagu jarto tikitka magaalada Nairobi, iyadoo arrintan ay salka ku heyso tartan dhanka suuqa ah oo u dhexeeya shirkadaha diyaaradaha.

Qiimaha maanta wuxuu marayaa $130, walow maalmo kahor tikitka Nairobi lagu jaranayay ilaa $250, sida howlwadeennada shirkadaha duulimaadyada ay inoo sheegeen.

Arrintan ayaa loo sababeeyay dhawr arrimood;

1- Diyaarado cusub oo soo kordhay oo saameynaya duulimaadyado Nairobi ah ( Marxaba iyo Star Airline)

2- Daallo Airlines oo duulimaadyada Nairobi si maalinle ah u sameysa, halka maanta oo kale oo Talaado ahna ay sameyso laba duullimaad. Shirkadda Daallo waxay hore todobaadkii Afar jeer oo kaliya ku tagi jirtay Nairobi.

3- Dadka Nairobi aada oo sidii hore ka yaraaday, taasoo dhalisay in dadka yar ee baxaya aan qiimaha lagu dhibin.

4- Xifaaltan dhanka sicirka suuqa ah oo ka dhex qarxay mas’uuliyiinta 10-ka shirkadood ee u duula dalka Kenya.

Qiimaha ayey khuburada saadaalinayaan inuu maalmaha soo socda tagi doono ilaa $100, hadeysan heshiis dhexmarin madaxda shirkada diyaaradaha.

Dowladda Soomaaliya ayey ku eedeeyeen iney isku fiirsaneyso waxa suuqa ka socda oo aaney kormeer iyo jaangoyn ku sameynin qiimaha duulinaadyada oo ay lacagaha ka gurubsato oo kaliya.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More