Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la guddoonsiinayaa abaalmarinnada ugu sarreeya ee rayidka ah ee ay bixiyaan Masar iyo Isra|il, iyadoo lagu maamuusayo doorkiisii ku aaddanaa joojinta dagaalka Qaza iyo horumarinta nabadda Bariga Dhexe.
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa siin doona Trump billad sare, halka Madaxweynaha Isra|il Isaac Herzog uu gudoonsiin doono Billadda Madaxtooyada Isra|il. Labada dal ayaa sheegay in abaalmarintaasi ay astaan u tahay dadaallada Trump ee lagu soo afjaray colaadda Qaza iyo dhisidda jawi cusub oo ku dhisan amni, iskaashi iyo rajo nabadeed oo dhab ah.