Xeer cusub oo lagu magacaabo H.R. 5300 – (Department of State Policy Provisions Act) ayaa shalay lagu ansixiyey Golaha Wakiillada Mareykanka. Xeerkan oo ah hindise sharciyeed ballaadhan oo dib u habeyn ku samaynaya siyaasadda dibadda Mareykanka ayaa waxaa ku jira qaybo si gaar ah u ga hadlaya dalal iyo goobo mihiim ah oo ay Soomaaliland ka mid tahay. Qodobka Soomaaliland ku saabsan oo ah midka 305-aad ayaa ka kooban laba farqadood; isaga oo u jeedadiisa guudna ahayd in la fududeeyo socdaalka muwaadiniinta Mareykan ee Somaaliland iyo guud ahaanba maalgashiga. Labada farqadood midka hore waxa uu dhigayaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanku uu tixgeliyo furitaanka xafiis wakiil oo rasmi ah oo Hargeysa laga hirgeliyo halka midka kalena uu sheegayo in la kala saaro digniinaha amni ee socdaalka ee Soomaaliya ku wajahan oo Soomaaliland gaar la ga dhigo. Iyada oo horena dowlada Maraykanku u ga saartey qariirada Soomaaliland digniin ay muwaadiniinteeda ka siisey waddamo ay sheegtey in ay halis amni leeyihiin oo Soomaaliya ay ku jirto. Xafiiskaas ayaa la maco ah in Somaliland ay heli karto marin toos ah oo ay Washington kula xidhiidho, furena u noqon karta maalgashi iyo iskaashi dhaqaale oo caalami ah.
Xafiiskan ayaa sidoo kale la filayaa inuu noqdo marin diblomaasiyadeed oo Somaliland u sahli doona inay hesho saaxiibo caalami ah, oo ay ugu horeeyaan wadamada xulufada la ah Mareykanka, isla markaana qadiyaddeeda ay u kasbato taageerayaal cusub. Taiwan oo si la mid ah Somaliland aan aqoonsi rasmi ah ka haysanin beesha caalamka ayaa hore siyaabo kala duwan u ga faaiideysatey xidhiidhka Mareykanka iyo xafiiska uu ku leeyahay dalkaas. Waddamada saaxiibada dhow la ah Mareykanka, gaar ahaan dalalka Aasiya ee muhiimka ah sida Japan, South Korea, iyo India, ayaa hore door weyn u ga qaatey maalgashiga iyo siyaasadda caalamiga ah Taiwan oo Mareykanku xafiis rasmi ah ku leeyahay, xafiiskaas oo noqday buundo ay Taipei ku hesho taageero siyaasadeed, maalgashi ballaadhan, iyo saaxiibtinimo caalami ah.
Dhinaca difaaca iyo ciidamada, Taiwan, iyadoo ka faa’iideysanaysa xiriirka saaxiibtinimo ee Mareykanka, waxay ku guuleysatay inay dhisto awood difaac oo casri ah, isla markaana waxa ay hubka ugu badan ka heshaa Mareykanka. Mareykanku waxa uu Taiwan si joogto ah ugu iibiyaa hub casri ah, waxuuna u tababaraa ciidamada kala duwan. Sidoo kale Mareykanku waxa uu iskaashi la sameeyey shirkadaha Taiwan si ay u soo saaraan hub si wadajir ah. Taas oo Taiwan siisay awood ay ku xoojiso difaaca madaxbannaanideeda, uga hortagto hanjabaadaha, isla markaana u xoojiso kalsoonida saaxiibada caalamiga ah.
Isla mar ahaantaas, xiriirka Mareykanka ee Somaliland waxa uu fursad u yahay labada dhinac ee Mareyka iyo Soomaliland iyada oo la filayo Mareykanku in uu Soomaaliland u arko goob istiraatiiji ah oo uu ka difaacdo danihiisa ee Badda Cas, Gacanka Carbeed, iyo Geeska Afrika, isla markaana uu ku xoojiyo saameyntiisa gobolka iyo dagaalka uu kula jiro argagixisada. Halka Somaliland, taas bedelkeeda ay ka faa’iidi karo in ay dhisato nidaam difaac oo tayo leh iyo fursad lagu xoojiyo amniga, difaaca gudaha, iyo taageero caalami ah oo siyaasadeed iyo dhaqaale.
Xafiiskan ayaa sidoo kale xoojinaya kalsoonida ganacsatada iyo maalgashadayaasha caalamiga ah ee Somaliland xiisaynaya. Si la mid ah Taiwan, oo ay maalgashadeen shirkadaha waaweyn ee Google oo saamiyo ku yeelatay shirkadda tamarta cadceeda New Green Power Taiwan, galiseyna maalgelin gaadhaysa boqolaal milyan oo doolar, Copenhagen Infrastructure Partners (CIP) oo kaashanaysa Vestas oo iyaduna maalgeliyey mashruuc dabaysha badda ah oo ku kacay in ka badan $5 bilyan, kana mid ahaa kuwa ugu waaweyn ee Aasiya laga hirgaliyey, AirShare oo Kanadiyaan ah iyo Anduril oo Mareykan ah ayaa heshiisyo hub iyo tiknoolajiyadeed la galay hay’adda NCSIST ee Taiwan, kuwaas oo qiimahoodu lagu qiyaasay boqolaal milyan oo doolar iyo Uber oo ku iibsatay hawlaha Foodpanda Taiwan lacag dhan $1.25 bilyan, halka maalgeliyeyaasha gaarka ah sida Baring Private Equity Asia ay galiyeen boqolaal milyan qaybta caafimaadka iyo biotech-ka, waxaa la filayaa Soomaaliland iyada oo ka faa’iideysan doonta xafiiska Mareykanka ee Hargaysa in ay kasban doonto maalgalino waaweyn oo kuwaas u dhigma isla markaasna wax ka bedela guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliland.
Gabagabadii, ansixinta H.R. 5300 iyo qorshaha furitaanka xafiiska Mareykanka ee Hargeysa waxa ay u taagan yihiin albaab cusub oo Somaliland ka furmaya ama u furmaya, tallaabadanina waxa ay u noqon kartaa Somaliland buundo ay u gu gudubto maalgashi ballaadhan, taageero siyaasadeed iyo mid amni, iyo in ay xoojiso xidhiidhkeeda caalamiga ah. u gu danbeyna, sida ay Taiwan uga faa’iideysatay saaxiibtinimada Mareykanka iyo xafiiskiisa Taipei, Somaliland-na waxa ay haysataa fursad ay ku muujiso muhiimaddeeda istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika, ku kasbato taageerayaal caalami ah, isla markaana ay u dhisto difaac iyo dhaqaale oo u qalma.
Subscribe
Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily
Most Viewed
- ENG
- SOM

