Mucaaradka Soomaaliya ayaa qorshaynaya inay qabtaan shir ka hor furitaanka Baarlamaanka Soomaaliya iyo aadista Madaxweynaha Soomaalia ee shirka guud ee Q.M.
Ujeedada mucaaradka Soomaaliya shirka u qabanayaan ayaa ah inay abuuraan jawi ay Madaxweyne Xasan Sheekh kula qaybsanayaan dhegaha Beesha Caalamka si aan ajandahiisa oo keliya loo dhagaysan.
Inkasta oo ay tahay qorshe fiican, haddana mucaaradka ayaa wajahaya 3 caqabood ka hor kulanka ay abaabulayaan.
1- Dhagaysiga Deni: Madaxweynaha Puntland oo safar dibad ah ku maqan, ayaa labadii maalin ugu danbaysay ku dhagaysanaya mucaaradka teleefanka. Sida ay Somali Stream u sheegeen xubna ka tirsan Madasha Samatabixinta. Siciid Deni ayaa muhiim u ah Mucaaradka xilligan waxayna ka sugayaan inuu u fidiyo gogol iyo martiqaad, sidoo kale waxa uu xoojinayaa baaqoooda guud ee diidmada ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh.
2-Sharciyadda Axmed Madoobe: in kasta oo ay si guud mabda’ ahaa u aqoonsan yihiin Axmed Madoobe, haddana xubnaha qaybtood ayaa qaba in Axmed Madoobe xaqiijiyo inuusan wax wadahadal ah la gelayn Madaxtooyada oo ku saabsan sharcinimadiisa.
Qayb kamid ah Mucaaradka waxay aqoonsadeen Dowladda Waqooyi Bari, oo aan PL iyo JL aqoonsanayn waa arrin kale oo dooddaha adag ee dhexyaal kamid ah.
3-Waqtiga: Mucaaradka ma haystaan waqti ay xalalka ku kala doortaan waxay haystaan wax kayar 24saac si ay go’aan u gaaraan oo shirkooda u qabsadaan.
Sida hadda wax u socdaan haddii aysan saacadaha soo socda helin ogolaanshaha Siciid Deni waxay u badan tahay inay shirkooda ku qabsadaan Muqdisho, waxaana la filayaa inuu ka hoos maro filashadii ay qabeen Mucaaradka ee cuslaynta Madaxweyne Xasan Sheekh iyo abuurista Jawi Siyaasadeed oo saaxadda dalka kula loolama.

