Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Shaarac, ayaa ka qayb galaya Kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo lagu qabanayo magaalada New York inta u dhaxaysa 22–30-ka Sebtembar.

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Suuriya (SANA), Madaxweynaha waxaa ku wehelibnaya safarkiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Ascad Xasan al-Shaybaani iyo wafdi diblomaasiyadeed oo heer sare ah.

Ka qaybgalkiisa ayaa noqonaysa markii ugu horreysay ee madaxweyne Suuriyaan ah ka qaybgalo shir Qaramada Midoobe ah tan iyo sanadkii 1967.

Madaxweyne Al-Sharaa iyo Wasiir al-Shaybaani ayaa ka qayb qaadan doona kulamo iyo shirar badan, iyagoo sidoo kale la yeelan doona kulan-doceedyo hoggaamiyeyaasha dalalka iyo madaxda wafdiyada ka soo qayb galaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Axmed Al-Shaarac, oo xukunka dalkaasi Bashar Al-Asad kala wareegay Diiseembar ee 2024, ayaa isbadalo waaweyn ka hirgaliyay dalkiisa, qabashadiisii xukunka kaddib, Siiriyaan badan ayaa dalkaasi dib ugu laabtay.

Suuriiya ayaa uga maqnayd Golaha Guud ee QM sabab la xiriirta dagaalkii ay Israa’iil la gashay kaddib weerarkii looga qabsaday buuraha Goolaan sannadkii 1967.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More