Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Duqayn maalinimadii shalay ka dhacday deegaanka Jiicanyo ee Ceelbuuh oo lagu beegsaday Nabadoon Caaqil Cumar Cabdi Ibraahim oo kamid ahaa odayaasha deegaanka Sanaag ayaana weli war rasmi ah laga hayn.

Duqaynta waxaa geysatay diyaarad aan la aqoon cidda leh, waxaana ku geeryooday Nabadoonka, baabuurkiisii ayaana ku burburay.

Dhacdadan oo noqotay mid si wayn deegaanka gobolka Sanaag looga hadal hayo, ilaa hadda majiro xog sax ah oo laga hayo.

Puntland oo War hordhac ah soo saartay

Taliyaha Booliska Puntland ee qaybta gobolka Sanaag ayaa warbaahinta la hadlay, waxaa uu xaqiijiyay in duqayntu dhacday, waxaa oo kale xaqiijiyay in Nabadoonka markii la beegsaday uu ahaa keligiis, majirin cid la socotay.

Warka uu sheegay Taliyaha Booliska Puntland ee Sanaag, waxaa uu meesha ka saarayaa inaan bartilmaameed kale uusan jirin oo toos loo beegsaday Nabadoonka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid, ayaa dhambaal tacsi ah u diray Nabadoonka duqaynta lagu dilay, mana uusan sheegin sababta iyo cidda dishay midnaba.

Waa kuma Nabadoon Caaqil Cumar?

Sida ay dadka deegaanka Sanaag, si gaar ah degmada Badhan inoo sheegeen Nabadoon Caaqil Cumar Cabdi Ibraahim uu kamid ahaa dhaqanka deegaankaas, xil dhaqan oo uu dhaxal ku hayay ayayna ahayd Nabadoonimadiisu.

Bishii hore waxaa uu kamid ahaa odayaal dhaqan oo la kulmay Madaxweynaha Puntland kulan ka dhacay Boosaaso, waxaana kulankaas qayb ka ahaa Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo isimo kale.

Bilowgii bishan Sebteembar ayuu magaalada Ceelbuuh soo gaaray, waxaana uu joogay magaalada ilaa todobaad, halkaas oo ay deganayaan reerkiisu. Majirin ku luglahaansho ciidan oo lagu ogaa, waxaa uu ahaa nin dhaqan oo danta deegaankiisa u taagan.

Shalay, 13kii bishan ayuu magaalada Ceelbuuh ka tagay isaga oo ku sii jeeda dhanka Badhan, halkaas oo duqeyn diyaarad ku dishay, kaddib la beegsatay baabuurkiisa.

Yaa ka dambeeya duqaynta?

Duqaynta lagu dilay  Caaqil Cumar, weli ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay. Puntland oo deegaanka maamusahana ma sheegin waxa ay ka ogtahay duqayntan.
Inta badan Soomaaliya waxaa ka dhaca duqaymo ay fuliyaan dalal kala duwan, waxaana lagu beegsadaa kooxaha nabad-diidka ah iyo shaqsiyaadka ka tirsan.

Ku dhawaad 24 saac kaddib duqaynta lagu dilay Nabadoon Caaqil Cumar, majirto cid ku dhiiratay inay sheegato duqaynta. Aamuska ayaa lagu fasiray in dhinacyada fuliyay duqayntan ay ku hawlgaleen xog khaldan ama aysan gaarin ujeedkii ay kala lahaayeen.

Soomaaliya marar kala duwan waxaa dhacda in duqayn aan xog sax ah ku hawlgalin lagu laayo dad shacab ah sida dhacdadii caanka ahayd ee Bariire ee sannadkii 2017.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More