Soomaaliya ayaa guul diblumaasiyadeed oo weyn gaartay kadib markii Dowladda Tansaaniya ay si cad u joojisay kulan muran wayn oo siyaasadeed dhaliyay kaas oo ay hay’ado shisheeye qabanqaabiyeen. looguna talagalay in su’aal la geliyo sharciyadda xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Kulankaasi, oo lagu waday in uu qabsoomo 25–26 Agoosto 2025, kana dhaco Hotel Four Points by Sheraton ee magaalada Dar es Salaam, ayaa si weyn loogu arkayay isku-day shisheeye oo lagu curyaamin lahaa dadaalka Soomaaliya ee ku biirista EAC.
Safaaradda Soomaaliya ee Tanzaaniya ayaa faragelisay hawsha, waxayna warqad cabasho ah gaarsiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas. Tallaabadaas ayaa dhalisay baajinta kulanka iyo cudurdaarka laga bixiyay. Ilo ku dhaw arrintan ayaa noo xaqiijiyay in Dowladda Tanzaaniya oo xushmaynayso xiriirka hagaagsan ee labada dal ay aqbashay cabashadaas
Kulanka iyo Ujeeddadiisa
Kulanka waxaa soo qabanqaabiyay hay’ado cilmi-baaris iyo ururro siyaasadeed oo xiriir la leh dalal shisheeye , kuwaas oo ay ka mid tahay Machadka Daraasaadka Amniga ee South Afrika. Sida ay falanqeeyayaasha gobolku sheegeen, kulankaasi ma ahayn madal cilmiyeed oo dhab ah ee wuxuu ahaa olole siyaasadeed lagu dhalan-rogayo sawirka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa si wayn uga carootay sida loogu dhiiraday in kulan noocaas oo kale ah oo arrimaheeda ku saabsan loo qabto iyadoo aan wax ogaysiis ah la siinin, waxayna codsi rasmi ah u dirtay dalka Tansaaniya kaas oo ugu danbayn joojiyay kulanka.
Dawladda Tansaaniya oo martigelisa xarunta guud ee EAC, waxay joojisay mashruucan iyadoo tallaabadan u qaadday si ay u difaacdo sumcadda ururka iyo midnimada xubnaha, iyada oo caddeysay in ajandooyin siyaasadaysan oo aan heshiis lagu ahayn aan lagu qaban karin dhulkeeda.
Cinwaanka guud ee kulanka ayaa ahaa: “Ku Biirista Soomaaliya ee EAC: Hagidda Is-dhexgalka Gobolka, Nabadda iyo Isbeddelka Dhaqaale” ayaa lagu qorsheeyay in uu ka dhaco 25–26 Agoosto, 2025 Hotel Four Points by Sheraton ee Dar es Salaam.
Goobta lagu qaban lahaa oo u dhow xarunta EAC iyo Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika waxay ahayd mid si ula kac ah loo doortay si loo abuuro doodo saamayn ku yeesha gobolka. Hase yeeshee, arrintu sidii la rabay uma dhicin. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tansaaniya ayaa go’aamisay inay joojiso kulanka xilli dambe, iyadoo ku sababeeysay danta qarankeeda iyo midnimada gobolka. Dowladda Soomaaliya oo aan lagala tashan kulanka ayaa si diirran u soo dhaweeysay go’aankaas, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay difaac loo galay madaxbannaanideeda iyo sharciyaddeeda dowladeed.
In kasta oo kulanka lagu magacaabay dood cilmiyeed oo ku saabsan is-dhexgalka gobolka, haddana hab-dhismeedkiisa, liiska khudbad-jeediyeyaasha iyo mawduucyada looga hadlayay ayaa si cad u muujiyay inuu lahaa ujeeddo siyaasadeed. Mid ka mid ah dadka abaabulaya ee hormuudka u ahaa wuxuu ahaa Rashiid Cabdi oo ka tirsan Sahan Research, hay’ad ay dowladda Soomaaliya muddo dheer ku eedeynaysay inay wado ajandayaal shisheeye oo ka hor imaanaya maslaxadda qaranka.
Dowladda Soomaaliya ayaa diidmadeeda waxaa sii xoojiyay markii ay ogaatay hay’adaha qabanaya iyo shaqsiyaadka madasha lagu casuumay, waxaana xaalka sii cusleeyay markii la ogaaday in Danjire Maxbuub Macalin oo ah Soomaaliya-Kenyaan uu kamid yahay dadka hadalka ku leh kulanka. Inkasta oo uu leeyahay magac hoggaamineed oo gobolka ah, haddana Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta qof aan danaheeda qaran inuu ku lug yeesho loo ogolayn.
Khudbad-jeediyeyaasha kale waxay ka socdeen xarumo fikir oo reer Galbeed ah kuwaas oo si joogta ah ugu tilmaama Soomaaliya dal jilicsan oo aan ku habboonayn iskaashi goboleed iyo inuu kamid noqdo urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga ah ee dunida ka jira.
Mawduucyada laga doodi lahaa waxay ahaayeen kuwo si cad uga soo horjeeda danaha qaran ee Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa dood ku saabsan qaab-dhismeedka Federaalka Soomaaliya, xuduudaha badda, iyo dastuurka Soomaaliya, kuwaas oo dhammaantood loo dhigay inay Soomaaliya tahay khatar amni iyo culays dhaqaale oo gobolka ka jirta.
Cinwaannadda kale ee la qorsheeyay waxaa kamid ahaa “Is-waafaqsanaan la’aanta Amniga Soomaaliya iyo Hammiga Ganacsiga EAC” iyo “Sababaha Qaab-dhismeed ee keenay Khilaafka Soomaaliya.”
Arrin kale oo muujisay khatarnimada kulanka iyo inuu halis ku yahay danaha amni qaran ee Soomaaliya ayaa ahayd in laga qariyay Dowladda Soomaaliya iyo inaan martiqaad loo fidin cid ka socota Dowladda Soomaaliya oo danaheeda qaran la sheegay in laga doodayo.Waxaana sii dheeraa inaan Dowladda Soomaaliya fursad loo siin inay hesho jawaab ku filan kaddib markii ay codsatay inay ogaato ajandaha shirka.
Khabiirro Soomaaliyeed ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah ee kulankaas ahayd in la soo saaro warbixin siyaasadeed oo loo adeegsado in lagu dalbado in dib loo dhigo, si shuruud ku xirantahay ama xitaa la hakiyo xubinnimada Soomaaliya ee EAC.
“Arrintan marnaba ma ahayn mid ku saabsan xoojinta is-dhexgalka,” ayuu yiri khabiir sare oo Soomaaliyeed oo la hadlay Somali Stream isagoo codsaday inaan la magacaabin. “Waxay ahayd qorshe lagu abuuri lahaa aragti guud oo ah in Soomaaliya aysan ku habboonayn inay noqoto xubin kamid ah ururka bulshada Bariga Afrika. Taasi ma aha diblumaasiyad, waa gumeysi cusub. Soomaaliya waxay u baahan tahay dib-u-habeyn gudaha ah iyo xasillooni, laakiin sidoo kale waa laga maarmaan feejignaan diblumaasiyadeed oo joogto ah. Waa inay iska difaacdaa sheekooyinka shisheeye ee doonaya inay meesha ka saaraan horumarkeeda iyadoo lagu qarinayo magacyo sida ‘cilmi-baaris,’ ‘falanqeyn siyaasadeed,’ ama ‘dood cilmiyeed.’”
Xubinnimada Soomaaliya ee EAC weli waa mid cusub. Waxayna ballan qaaday in ay iswaafajin doonto nidaamka canshuuraha, ballaarin doonto isku-xirka kaabeyaasha, isla markaana dib-u-habayn ku sameyn doonto hay’adaha federaalka si ay ula jaanqaadaan heerarka ururka bulshada Bariga Afrika. Waxa kale oo ay ballan qaaday inay ka qeyb qaadato miisaaniyadda ururka, iyada oo ay Soomaaliya bilowday bixinta qaadhaanka iyo dib u qaabaynta sharciyada maaliyadeed ee dalkeeda si ay ula jaanqaadaan kuwa EAC.
Soomaaliya iyo Tansaaniya: Xiriir Dublumaasiyadeed oo Koraya
Go’aanka Tansaaniya wuxuu yimid xilli labada dal ay si qoto dheer u xoojinayeen xiriirkooda diblumaasiyadeed. Bilihii la soo dhaafay, wafdi sare oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Dar es Salaam, halkaas oo lagu furay safaaradda cusub ee Soomaaliya.
Wafdigaas ayaa sidoo kale ka qayb galay dabaal-deggii 65-aad ee Xorriyadda Tanzanaaniya, iyadoo labada dhinac ay yeesheen shirar ku saabsan iskaashi dhinacyada difaaca, caafimaadka, dalxiiska iyo duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Dar es Salaam.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Tansaaniya, Danjire Maxamuud Thaabit Kombo, ayaa booqasho taariikhi ah ku yimid Muqdisho, taas oo sii adkaysay xiriirka labada dal. Talaabada Tansaaniya ee ay ku xannibtay kulanka muranka dhaliyay waxaa loo fasiray inay ahayd calaamad muujinaysa taageero diblumaasiyadeed oo ay si dhab ah ugu hiillisay Soomaaliya.