Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Cumar Idiriis Cali u magaacabay inuu noqda Safiirka Soomaaliya u jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Danjire Cumar Idiriis ayaa hadda ku magacownaa Safiirka Asmara u fadhiya Soomaaliya, waxaana magacaabistiisu timid keddib markii Danjirihii Riyadh joogay Aweys Xaaji Yuusuf laga dhigay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Waraaqaha codsiga rasmiga ah ee Danjire Cumar ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya u dirtay dhiggeeda Sucuudiga dabayaaqadii toddobaadkii hore.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore uga codsatay Ururka IGAD in Danjire Cumar Idriis lagu meeleeyo jagada Ergay Gaar ah. Hase yeeshee, IGAD ayaa ka gaabsatay codsiga Villa Soomaaliya maadaama aysan bixin muddo sanado ah qaaraanka sanadlaha ah.

Cumar Idriis ayaa kamid ah saaxiibada Madaxwehnaha ee garabka Damul Jadiid, waxayna kasoo wada shaqeeyeen hay’ado waxbarasho iyo kuwa samafal.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More