Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Socdaalka Madaxweyne Xasan ee Addis Ababa ayaa ku soo aadaya xilli gobolka Gedo ee deriska la ah Itoobiya ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo Dowladda Federaalka ah ku doonayso inay maamulkiisa gacanto ku dhigto.

Ilo wareed sugan ayaa Somali Stream u xaqiijiyay in safarkani uu yahay mid ay Madaxtooyada Soomaaliya ku doonayso inay isaga xalliso saamaynta Itoobiya ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku leedahay joogitaan siyaasadeed iyo mid ciidan.

Dhawaan waxaa magaalada Addis-Ababa tegay gudi farsamo oo Dowladda Soomaaliya ka socda kuwaas oo shirar la yeeshay gudi u dhigma oo kasocda Itoobiya. Guddigan waxaan hoggaaminayay Cabdulqaadir Burgal oo ah Agaasime ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Abuukaate Cumar Cabdulle (Dhageey) oo ah La-taliyaha Sharciga ee Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Safarrada masuuliyiinta Soomaaliyeed ay ku tageen dalka Itoobiya ayaa ku soo beegmay waqti ay soo baxeen inay burbureen wadahadalkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga dhexdhexaadiyaha ka ahaa.

Xog aan helnay ayaa xaqiijinaysa in wafdi deegaan oo ka socda Gobolka Hiiraan inay gaareen magaalada Jigjiga, halkaasna kulamo ka madaxbannaan Dowladda Federaalka kula qaateen saraakiil ka tirsan Dowladda Itoobiya. Waxaa wafdigan qeyb ka ah Cali Jayte Cismaan oo ah La-taliyaha Madaxweynaha ee Macawisleeyda, hase yeeshee haatan kulamadaas uga qeyb galaya si ka madax bannaan Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan safar kusoo maray Masar iyo Turkiya ayaa la filayaa inuu socdaal ku tagaya maalinka Axadda magaalada Addis Ababa. Anjadaha kulamada uu la qaadanayo Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa la xaqiijiyay inay meel sare ka jiraan xiisadaha gobolka ka taagan, ayna ugu horeeyaan khilaafka Itoobiya kala dhaxeeya dalalka kulaala Badda Cas.

Si guud marka looga tago xaaladaha gobolka, safarka Madaxweynaha ayaa ujeedkiisa ugu wayn lagu sheegay xaqiijinta iyo hirgelinta siyaasaddiisa ku aaddaan arrimaha gobolada Hiiraan iyo Gedo oo waqtigan ay ka socdaan dagaallo siyaabo kala duwan ay ugu lug leedahay Dowladda Soomaaliya.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More