Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaablisan dalka Koonfurta Suudaan, ahna Madaxa Ergada Midowga Afrika u joogta Juba.
Sida ku cad warqada magacaabista oo nuqul ka mid ah ay soo gaartay Somali Stream, Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa u xushay Cabdiweli Gaas xilkan, kaddib markii uu ku qancay sooyaalkiisa shaqo iyo aqoonneed.
Ra’iisal Wasaare hore Cabdiweli Gaas ayaa noqonaya qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xil noocaas ah ka qabta Midowga Afrika, shaqadiisa wakiilnimo ayaana si rasmi ah u bilaabanaysa 1da Luulyo ee sannadkan.
Somali Stream ayaa 24kii May baahisay xogta la xariirta magacaabista, waxaana idinla wadaagi doonnaa warbixinno la xiriira muhiimadda booskan, caqabadaha ku gudban iyo fursadaha uu haysto Dr. Gaas.