Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Kulan fogaan-arag ah oo ay maanta isugu yimaadeen xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa kaga arrinsaday go’aankooda ku aaddan ka qaybgalka shirka 15ka Juun.

Madasha ayaa isku raacday inaysan xubnaheedu ka qeyb galaynin shirka haddii aan casuumaad rasmi ah loo dirin dhammaan xubnaha Dowlad Goboleedyada. War murtiyeed rasmi ah ayaa la filayaa inay Madashu ka soo saarto aragtideeda ku wajahan shirka 15ka Juun.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si wayn u riixaysa qabashada shir uusan qayb ka ahayn Axmed Madoobe oo ay u aqoonsantahay Eedaysane.

Xogo kale waxay tilmaamayaan in Villa Soomaaliya ay ku qancisay laba xubnood oo kamid ah Madasha Samatabixinta inay shirka kasoo qeybgalaan. Hase yeeshee, xiriir aan la sameynay labadaas masuul nooma suurtagalin inaan ka helno war sugan.

Diidmada Mucaaridka Soomaaliya ee shirka ayaa hoos u dhigaysa filashadii laga qabay in la xaliyo ismariwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegay inaysan u baaqanayn gogoshu dhinacyada diidan ee  mucaaridka iyo Axmed Madoobe.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More