Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Bishii April ee aynu soo dhaafnay, magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxaa xabsiga loo taxaabay afar dhallinyaro ah oo si weyn looga yaqaan bulshada deegaankaas, kuwaas oo loo arko kuwa codkooda si furan u cabbira, isla markaana firfircoonaan badan ku leh baraha bulshada. Magacyada dhalinyaradan ayaa kala ah Cabdi Maxamed Baaruud, Maxamed Aadan Xasan, Axmed Cabdi Cumar iyo Ibraahim Cabduqaadir.

Dhallinyaradan xabsiga la dhigay ayaa 22kii bishan waxay Maxkamadda Gobolka Faafan ku xuntay xabsiyo kala duwan; Maxamed Aadan Xasan waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah, halka Axmed Cabdi Cumar lagu xukumay labo sano oo xabsi. Waxaa intaas dheer in maanta oo ay taariikhdu tahay 29ka May lagu xukumay Cabdi Maxamed Baaruud sanad iyo lix bilood oo xabsi ah.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar ayaa sheegay in dhallinyaradan loo haysto eedeymo la xiriira “kicin bulsho” iyo abuuridda khalkhal dadweyne, sida uu u sheegay wareysi uu siiyay Laant AfkA Soomaaliga ee BBC. Si kastaba ha ahaatee, falcelinta shacabka deegaanka ayaa ahayd mid si weyn uga duwan heekada rasmiga ah.

Bulshada oo Ka Falcelisay: Caburin Mise Caddaalad?

Markii warka la shaaciyay, baraha bulshada ayaa buuxsamay, iyada oo dad badan ay ka dhawaajiyeen in falkaasi yahay mid si toos ah loogu beegsanayo dhallinyarada u ololeeya xorriyadda hadalka iyo aragtida madaxa bannaan. Qoraallo badan oo lagu faafiyay Facebook iyo X (horey Twitter) ayaa lagu tilmaamay xarigaasi “xeelad siyaasadeed” oo lagu caburiyo codadka aan la jeclayn, halkii laga arki lahaa caddaalad dhab ah.

Sida ay sheegtay warbixin lagu daabacay Xarunta CIlmi Baarista Sahan, maxkamadaha deegaanka Soomaalida ayaa loo adeegsadaa in lagu cunaqabateeyo aragtiyada lidka ku ah maamulka, iyada oo laga duulayo amarro siyaasadeed halkii laga ilaalin lahaa garsoor madax-bannaan. Warbixintu waxay sidoo kale muujisay in dhalinyarada xiran ay sababta kaliya ee lagu eedeynayo tahay qoraallo ay ku faafiyeen Facebook, kuwaas oo si nabad ah ugu muujinayeen dareenkooda ku aaddan xaaladda bulshada iyo maamulka deegaanka.

Taariikhda Xorriyadda Hadalka ee Deegaanka: Waqti Is-beddelay

Maamulka uu hoggaamiyo Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa markii hore lagu amaani jiray horumarka dhanka maamulka iyo furfurnaanta siyaasadeed ee uu sameeyqy markii uu xilka qabtay. Waxaa jiray waqti dadka deegaanka ay si xor ah u cabbiri jireen aragtidooda, laguna dhiirrigelin jiray ka qaybgalka siyaasadda deegaanka.

Hase yeeshee, xaaladdaasi ayaa la rumeysan yahay in ay si tartiib ah isu beddeshay sanadihii dambe, gaar ahaan marka la eego cadaadiska saxaafadda madaxa bannaan, xarigga dadka u dooda xuquuqda muwaadiniinta, iyo weerarada loo geysto dadka si firfircoon uga falceliya siyaasadaha maamulka deegaanka.

Khatarta ay Leedahay Cabburinta Codadka Dhallinyarada

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya waxay la kulmaan caqabado badan, waxaana rajadooda lagu aaminay in hoggaan cusub oo deegaanka ka jira uu fursad siiyo da‘ yarta si ay doorkooda uga ciyaaraan isbeddelka bulshada. Hase yeeshee, xarigga dhallinyaradan ayaa loo arkaa mid rajo-beel ku ridaya jiilkii cusub ee damacsanaa inuu ka qaybqaato hannaanka siyaasadeed si nabad ah.

Khubarada u dhuun daloola xaaladda gobolka ayaa digniin ka bixiyay in tallaabooyinkan ay keeni karaan kororka niyad-jabka dhallinyarada, taas oo dhalin karta in qayb kamid ah ay u leexdaan dariiqyo qaldan ama ay ka fogaadaan doorka ay bulshada ku leeyihiin. Sidoo kale, waxaa cabsi laga qabaa in caburinta xorriyadda hadalku ay dhaawacdo sumcadda maamulka deegaanka ee ku saleysan isla xisaabtanka iyo hufnaanta.

Maxaa la Gudboon Maamulka Cagjar?

Arrinta xariga afarta dhalinyaro ah ee deegaanka Soomaalida waxaa loo arkaa mid tusaale u ah isbeddelka ku yimid hab-dhaqankii furfurnaanta siyaasadeed ee horay loogu tilmaami jiray maamulka. Cabburinta codadka kala duwan iyo adeegsiga maxkamadaha si loo aamusiiyo dhallinyarada fikirka leh waxay dhaawac ku tahay kalsoonida shacabka iyo sumcadda maamulka.

Xorriyadda hadalku waa tiirka ugu weyn ee dimuqraadiyadda iyo horumarka bulshada. Waa lagama maarmaan in la ilaaliyo xoriyadda muwaadiniinta si ay ugu gudbi karaan dareenkooda si nabad ah, iyaga oo aan ka baqayn in la ciqaabo.

Maanta waxaa laga filayaa maamulka deegaanka in uu si dhab ah uga fiirsado saameynta siyaasadeed, bulsho iyo sharciyeed ee ka dhalan karta tallaabooyinka noocan oo kale ah — si loo ilaaliyo hufnaanta iyo kalsoonida dadweynaha ee loo baahan yahay in lagu dhiso mustaqbalka deegaanka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More