Madaxweynihii hore ee Dowladda Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo warqad furan u diray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga hadlay arrimo taabanayya guud ahaan xaalka dalka, gaar ahaanna dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, doorashada, midnimada iyo wadajirka bulshada.
Cabdikariim Guuleed ayaa nasiib darro ku tilmaamay in loo baahdo ciidan qabiil oo meel la iska dhigo ku dhowaad 70 kun oo askari oo mushaar ka qaata dowladda, wuxuuna sabab uga dhiggay maamul xumada ciidanka, fara-galinta joogtada ah, musuqa iyo daryeel xumada heysata ciidankeenna ay keentay iney dagaallami waayaan, oo ay argagixisaddu dib u qabsato deegaanno badan oo muhiim ah.
Doorashada halka dhinac ah ee uu haatan ku mashquulsanyahay Madaxweyne Xasan ayuu tilmaamay iney dalka galin doonta fowdo amni, firaaq maamul iyo in ummaddu sii kala foggaato, taladuna ay ka baxdo gacanta Soomaalida.
Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa lagu xasuustaa inay muddo dheer soo wada shaqeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilligii ay maamulayeen xarumo waxbarasho iyo hay’ado gargaar.
Sidoo kale, Cabdikariim wuxuu qeyb ka noqday Xukuumaddii la dhisay doorashadii hore ee Madaxweyne Xasan ee 2012 isagoo loo dhiibay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaran.
Waxaa dad badan la yaab ku noqotay in Cabdikariim oo ahaa La Taliyaha Madaxweynaha ee wadahadallada Somaliland inuu si furan dhambaalkiisa hawada u mariyo Madaxweynihii uu la talinayay taasoo ka dhigan in xiriirka Madaxweynaha iyo La-taliyihiisa uu go’ay.
Hase yeeshee, su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud jawaab ma u helayaa dhaleecaynta musuqa iyo maamul xumada ah ee uu usoo jeediyay La-taliye Cabdikariim Xuseen Guuleed!