Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Wasiirka Arrimaha Dibadda Trukiga Hakan Fidan oo ka hadlay la-dagaallanka argagixisada Soomaaliya iyo saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii adkeeyay ballanqaadka dalkiisa ee ku aaddan taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada iyo xoojinta awoodda amni ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay majalladda Jeune Afrique, ayuu Fidan ku tilmaamay Soomaaliya “dal istiraatiiji ah” oo Turkigu si weyn uga go’an tahay inuu ka taageero nabadeynta, dib-u-dhiska, iyo la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah ee sida Al-Shabaab.

Waxa uu xusay in xiriirka labo geesoodka ah ee Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid qoto dheer oo muddo dheer soo socday, wuxuuna carabka ku dhuftay in Ankara ay sii wadi doonto dadaallada dhinaca difaaca, gargaarka bani’aadantinimo, iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

“Waxaan si dhow ula shaqaynaynaa Dowladda Soomaaliya si aan u xoojinno awooddeeda ciidan iyo sirdoon, taasoo muhiim u ah xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Fidan. Waxa uu intaa ku daray in Turkigu uu yahay mid ka mid ah saaxiibada ugu dhow ee Soomaaliya, islamarkaana uu si joogto ah u taageero dadaallada Dowladda Frderaalka ah ee ah in laga saaro kooxaha argagixisada deegaannada ay gacanta ku hayaan.

Wareysigan ayaa imaanaya iyadoo Turkiga uu horey ugu dhawaaqay heshiis cusub oo iskaashi dhanka difaaca ah oo uu la galay Soomaaliya, kaas oo ay qeyb ka tahay dhisidda kaabayaal ciidan, tababarka ciidamada, iyo bixinta agabka lagama maarmaanka u ah hawlgallada la-dagaallanka argagixisada.

Sida laga soo xigtay Hakan Fidan, Turkiga waxa uu sidoo kale sii wadayaa taageerada dhanka waxbarashada, caafimaadka, iyo dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya — waana mowqif muujinaya sida ay Ankara uga go’an tahay inay Soomaaliya ay u aragto lama-taabtaan istaraatiiji ah oo muhiim u ah danaha gobolka iyo kuwa caalamkaba.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More