Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Digniinta Mareykanka kasoo baxday  ee loo diray Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ahayd farriin siyaasadeed oo culus, una muuqata digniin hore oo lagu muujinayo walaac xooggan oo ku saabsan sida ay wax u socdaan, gaar ahaan, sida Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh u wajahayso hawlaha federaalaynta dalka oo ay saldhig u yihiin dastuur heshiis lagu yahay iyo doorasho la isla ogolyahay.

Qoraalka oo ay soo saartay Waaxda Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, ayaa xambaarsanaa dhawr fariimood oo isku lifaaqan; mar waxay ahayd digniin, marna waxay ahayd eedayn, mar kalena waxay ahayd diidmo. Warbixintan waxaan ku eegaynaa nuxurka qoraalka kasoo baxay Maraykanka, Madaxweyne Xasan oo wajahaya ciqaab siyaasadeed iyo xalka u furan ee farta loogu fiiqay.

 Nuxurka Qoraalka

Qoraalka ay baahisay Waaxda Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa siday saddex fariimood oo kala ah;

Digniin: Marka la fasiro qoraalka waxaa uu sidaa farriinta koowaad oo leh, Maraykanku waxaa uu si cad uga digayaa go’aan hal dhinac ah oo ay qaataan Madaxda Xukuumaddu, kaas oo wiiqaya wax wada lahaanshaha iyo isku-haynta dalka.

Eedayn:  Sida laga fahmayo qoraalka, waxaa ku cad in Washigton ay ku eedaysay Madaxweynaha inuu Golihii Wadatashiga Qaran u beddelay Gole Xisbi, uuna doonayo inuu dalka taladiisa keligiis ku sii haysto. Tan waa eed ay ku hoos jiraan in Madaxweyne Xasan ka baxay ballamihii uu la galay Danjireyaasha UK iyo Maraykanka ee ahaa inuu qabto Gogol Wadatshi Qaran.

Diidmo: Digniinta iyo eedaynta uu Maraykanku sii daayay ka sokoow, waxaa qoraalkiisa ku qeexan inaan marnaba la aqbali karin oo uu si cad u diidan yahay talo kasta oo ay Puntland iyo Jubaland , Mucaaridka iyo Bulshada Rayidka wax ku lahayn. Maraykanka ayaa xasuusiyay Madaxweyne Xasan Sheekh inaan Keli talisnimo sinnaba loo ogolayn.

Sababaha Keenay Farriinta Maraynkanka

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareed oo lagu kalsoonaan karo, waxaa Maraykanku ay ka biya diideen ballan kabaxa Madaxweynaha. Dhawr farriimood oo toos loogu gudbiyay Madaxweyne Xasan ayaa ku dhammaaday inuu ka dhuunto oo ugu dambayn u dhaqaaqay qorshihii qaabeynta Xisbiga Weyn ee uu ugu magac daray Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka.

Qoraalka kasoo baxay Maraykanka, waxaa uu daba socday xog ay soo gudbisay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo sheegtay in aan Madaxweynaha lagu sii dayn karin ku socoshada go’aankiisa kaligii duulka ah. Sarkaal kamid ah Ergada Maraykanka Soomaaliya oo la xidhiidhay qaar kamid ah Hoggaamiyeyaasha Mucaaridka ayaa u sheegay inay farriintani tahay mid  Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegaysa inuu ka joogsado dhismaha Xisbigiisa iyo burburinta hannaanka ku dhisan talo-wadaagga.

Dacwadda Puntland ee ka Dhanka ah SSC

Qoraalka waxaa lagu muujiyay inaan hannaanka federaalaynta dalka waxba laga baddali karin haddii aan si wadar-oggol ah looga heshiinin. Arrintaas ayaa salka ku haysa xiriir dhexmaray Maraykanka iyo Madaxweynaha Puntland oo uu  ku gudbiyay ashtako ka dhan ah aqoonsiga Dowladda Federaalka ee SSC-Khaatumo.

Puntland ayaa ku andacootay in aan laga talagelin arrimaha SSC-Khaatumo oo taabanaya dastuurkeeda iyo xudduudaheeda, loona baahnaa in Puntland iyo bulshada SSC-Khaatumo ay qaab sharciyeysan u go’aamiyaan kala tagis iyo wada-joogis.

Tallaabooyinka Xiga ee uu Maraykanku Qaadayo

Bilowgii arrinta Soomaaliya waxaa la socday Diblomaasiyiinta Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, gaar ahaan Danjire Richard H. Riley. Hase ahaate, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka madax adaygay talooyinkii u dambeeyey, waxaa xaalka Soomaalida loo wareejiyay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Washington, waxayna iminka taallaa miiska Kaaliyaha Arrimaha Afrika ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Haddii Madaxweynuhu uu ka noqon waayo doonistiisa, waxaa Ergadu Maraykanku Mucaaridka iyo siyaasiyiin ay la hadleen u sheegeen in xalka laga doonayo Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda halkaas ay ka soo bixi karaan dhawr qodob oo ka dhan Madaxweyne Xasan iyo si guud Madaxda Soomaaliyeed ay u arkaan inay caqabad ku yihiin geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Tallaabooyinka xiga waxay noqon karaan; cunaqabateyn dhaqaale, xayiraad safar, Safaaradda Mareykanka oo dalka laga raro ama hoos loo dhigo iyo go’doon siyaasadeed oo lagu soo rogayo dadka minja xaabinaya arrimaha amniga iyo doorashooyinka.

Falcelinta u Furan Madaxweyne Xasan

Si looga badbaado khilaaf iyo cadaadis caalami oo Soomaaliya halis aysan ka baxsan dhexda u geliya, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh u furan hal jid kaas oo uu ka jiro xalku, waana inuu ka dhabeeyo gogishii Wadatashiga Qaran ee haatan si dadban u laabay, la fariistaa kooxaha mucaaridka iyo Dowlad Goboleedyada kasoo horjeeda, dibna isaga dhigaa arrimaha Xisbiga. Wixii intaas ka soo hadha ayaa u muuqata inay Madaxweyne Xasan qoorta u gelinayso culays uusan qaadi karin.

Si kastaba ha ahaate, in Maraykanku xilli hore bilaabay farriin toos oo ah oo ka dhan hoggaaminta Xasan Sheekh kuwaas oo ka gudbay Safaaradda Muqdisho, haatanna horyaalla Xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Afrika, waxaa loo arkaa inay keentay in lasii ogyahay dhamaadka mashruuc Madaxweynaha oo ku salaynsan xasillooni la’aan siyaasadeed, talo maroorsi iyo kala daadasho amni.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More