Magaalada Muqdisho waxaa shalay iyo maantaba si rasmi ah uga furmay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran (National Consultative Council – NCC), kaasoo ay ka qayb galeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada dalka. Shirkan oo uu gogoshiisa fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, 30-kii Maarso 2025, waxaa ka maqan Maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo khilaaf siyaasadeed oo taagan awgii uusan weli heshiis laga gaarin.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya keddib furitaanka shirkan ayaa lagu sheegay in kulanku xoogga saarayo arrimaha amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah. Si kastaba ha ahaatee, lama xusin wax ku saabsan arrimaha doorashooyinka, siyaasadda loo dhanyahay, ama ka qaybgalka dhammaan saamilayda siyaasadeed – kuwaas oo dad badan filayeen in ay mudnaan gaar ah yeeshaan.
Beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya ayaa marar badan Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu madasha ballaariyo, si ay uga qayb qaataan Dowlad Goboleedyada ka maqan iyo qaybaha kale ee muhiimka ah sida mucaaradka siyaasadeed. Hase yeeshee, ilaa hadda lama arag tallaabo muuqata oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka kala dhexeeya Puntland iyo Jubbaland, ama uu Madaxweynaha la kulmo saamilayda kale ee siyaasadeed ee door muhiim ah ku leh hannaanka dalka – kuwaas oo qaarkood isaga laftiisa mar isbahaysi mucaarad ahaan uu hore uga tirsanaa.
Tani waxay dhalisay su’aalo laga qabo ujeedada dhabta ah ee Madasha. Dad badan ayaa is weydiinaya in Madashani ay dhab ahaantii tahay fagaare wadatashi qaran, mise ay tahay madal si gaar ah loogu adeegsanayo ajandayaasha siyaasadeed ee xukuumadda hadda jirta. Waxaa muuqata in shirkan xoogga lagu saaray arrimo aan mudnaanta koowaad la siin lahayn, iyadoo la iska indha tiray arrimaha Doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee muhiimka u ah xasilloonida dalka.
Haddii aan la helin wadatashi ku saleysan kalsooni, wadar-ogol, iyo ka qaybgal buuxa oo dhammaan saamilayda siyaasadeed ay ku mideysan yihiin, waxaa jirta cabsi ah in Madasha Wadatashiga Qaran ay isu beddesho madal kala-tashi gaar ah, taas oo u adeegta keliya danaha siyaasadeed ee Villa Soomaaliya ama Xukumadda hadda jirta.
Soomaaliya maanta waxay uga baahi badan tahay ma jirto in laga heshiiyo arrimaha masiiriga ah, sida Doorashooyinka heer Federaal, amniga dalka iyo dardar-gelinta siyaasad loo dhan yahay oo dhinacyada oo dhan ka qeybgalaan ama go’aano ku yeeshaan.
Waxaa la sugayay Madaxweynaha gogol qaran, waxayna isu beddashay Gole Wadatashi oo ay Puntland iyo Jubaland ka maqanyihiin, waxayna kusoo dhammaatay maalinkii labaad buuq hareeyay awood qeybsi iyo Shirweyne Xisbi.

