W/Q: Kornayl Cabdalla Daahir
Hordhac
Dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab waa mid daba dheeraaday, waxa uuna isu beddelay mid aysan hubka kaliya guul ka keeni karin. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaanno Macawiisleyda waxay muujiyeen halyeeynimo iyo geesinimo aan la dafiri karin. Si kastaba ha ahaatee, guushaasi loogama faa’iideyn si istaraatiijiyadeed ah, taasoo keentay in fursado badan oo lagu sugi lahaa ammaanka iyo xasilloonida dalka la dayacay.
Halyeeynimada aan Garab Dowladeed Helin
Ciidamada Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda waxay galeen dagaal adag oo ay dhiigooda u shubeen xoraynta deegaannada ay haysteen argagixisada. Waxaase hortaagnaa arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin inaan xuso inaysan helin taageeradii ay u baahnaayeen xagga qalabka iyo sahayda. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ma siin qorshe istiraatiijiyad ciidan iyo hagid mideysan. Waxaase intaas kasii daran inaan la dhisin nidaam rasmi ah oo lagu maamulayo ciidamadan si joogto ah. Halgankoodu wuxuu ahaa mid weyn, balse wuxuu noqday mid aan guul rasmi ah lagu xoojin.
Fursadihii Lumay iyo Cadowga Soo Laabtay
Sanadihii u dambeeyay, ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka waxay ka xoreeyeen Al-Shabaab deegaanno aad u badan oo qaarkood u jira 500 Kiiloo Mitir. Laakiin sababahan aan hoos ku xusayo ayaa keenay in mar kale Al-Shabaab ay dib u qabsadaan dhulkii laga saaray.
Tan koowaad, deegaannadii la xoreeyay looma dhisin maamul sugan oo buuxiya firaaqo ka dhashay xoraynta iyo ciidan joogto ah oo la hawl gala shacabka goobta la qabtay loogu tagay. Tan labaad, dadkii deegaanka loogu tagay oo aan helin nabad iyo adeeg dowladeed sida hawlgelinta goobaha waxbarashada, dardargelinta adeegtada , taasoo niyad-jab dhalisay. Sidoo kale, dagaalka waxa uu noqday mid ku kooban deegaanno gaar ah, halkii uu noqon lahaa mid guud ahaan dalka ka dhaca oo furimo kala duwan lagu furo cadawga si aysan isugu gurman.
Al-Shabaab waxay si xeel dheer uga faa’iideysteen arrimahaas, waxayna dib u qabsadeen magaalooyin iyaga oo aan xabbad ridin. Tani waxay caddeyneysaa in guushii laga gaaray 2023 aysan ahayn mid dhameystiran oo si istaariiji ah markii horeba loo qorsheeyay. Si kooban, waa hal tallaabo horey u qaad, labana gadaal usii qaad.
Dagaal Fikir iyo mid Xabbad Isku Jira
Dagaalka Al-Shabaab lagula jiro waa dagaal ka badan mid milatari. Waa dagaal ku saleysan fikir diimeed oo khaldan, baqdin gelin bulshada oo faaftay, dhaqaale ururin dadban oo ay caawisay baqdin gelinta iyo xiriir shisheeye oo u garab taagan si caalami ah. Haddii fikirkaas aan la jebin, xabbaddu waxba ma qaban karto.
Si isku dhafka labada istiraatiijiyad ee xoogga iyo xeeladda, Dowladdu waa inay ciidanka ku shubtaa aragti qarannimo iyo damiir waddaniyeed, furtaa xarumihii tababarka gudaha si askarta loogu layliyo dalka gudahiisa, looguna abuuro kalsooni iyo isku filnaasho. Waa in sidoo kale ay Dowladdu soo saartaa saraakiil Soomaaliyeed oo fahamsan qarannimada, kuwaas oo maskax ahaan u dhisa jiilka cusub ee ciidanka.
Maxay Ku Kala Duwanaayeen Dagaalkii 2023 iyo kann 2025?
Dagaalkii 2023 wuxuu ahaa mid bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto loo riyaaqay, waxaana dal iyo dibad si isugu mid ah looga taageeay dadaalka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Shacabka iyo ciidamada waxay lahaayeen rajo sare oo ah in Al-Shabaab laga guuleysto, waxaana jiray halgan mideysan oo shacabka iyo dowladda ay isla wadeen kaasoo caanaha iyo biyaha laga daba waday ciidamada qalabka sida. Dagaalkaasi wuxuu bilowday xilli adag oo abaar iyo jiilaal ah, haddana guulo la taaban karo ayaa la gaaray.
Dhanka kale, dagaalka 2025 wuxuu kusoo aaday xilli sanadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedka Dowladda uu muuqdo. Madaxweynuhu wuxuu xoogga saaray arrimaha siyaasadda sida doorashooyinka iyo wax ka baddalka Dastuurka. Waxaa bilowday in ciidamadii deegaanka ay meelaha qaar kala jabeen, qeyb kalena ay niyad-jabeen.
Al-Shabaab waxay weeraro cusub kusoo qaadeen xilli roobaad, taasoo sahashay inay dhaqdhaqaaqaan. Xilligan, deegaannada qaar lama socon karo sababo la xiriira jid xumada, mana isu gurman karaa magaalooyinka qaar. Labada Shabeelle iyo daafaha Banaadir waxaa ka da’a roobab, waxaana adkaanaysa inaan xilliyada qaar duqeyn la samayn karin oo uu cirku ciiryaamo yahay.
Waxaa intaa kasii xanuun badan, Dowladdu ma aysan ballaarin dagaalka si uu u gaaro dhammaan Maamul Goboleedyada. Waxaa la joogaa halkii uu 2023 k bilowday, waxaana dib u gurasho laga soo sameynayaa deegaanno hor leh iyada oo aysan xabbad dhicin.
Maxaa Laga Rabaa Dowladda?
Dowladdu haddii ay dooneyso in dagaalka lagu guuleysto, waa inay si buuxda u taageertaa ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka, dib u furtaa xarumaha tababarka gudaha, u dhaqantaa si madax bannaan oo aan ku tiirsaneyn dalal shisheeye, sidoo kalena kalsooni buuxda ku yeelataa khayraadka dalka si ay u maalgeliso amniga.
Waxaa la rabaa in dagaalka uu noqdo mid dhammaad leh, qorshaysan, oo aan ahayn mid waqti dheeraad ah la iskaga jiido. Waayo, Al Shabaab muddo xileed kuma socdo, doorashooyin uma diyaar garoobayaan, mucaarad bannaanka qaylo ula taaganna ma jirto. Sidaas darteed, waa in muddo kooban loogu diyaar garoobaa in lagu soo afjaro.
Gunaanad
Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ma aha dagaal lagu guulaysan karo iyada oo la adeegsado hub kaliya. Waa dagaal u baahan istaraatiijiyad qaran, dagaal fikir ah oo xoog leh iyo maamul karti leh oo taageerta geesiyaasha u taagan difaaca dalka.
Dhiigga wiilasha Soomaaliyeed ee u huray dalka waa in lagu baddelaa nabad, maamul wanaagsan iyo qaran ay dadkiisu ku faanaan. Haddii aysan dowladdu qaadin tallaabooyin dhab ah, dagaalkani wuxuu sii ahaan doonaa mid aan dhammaad lahayn oo halis galin kara mustaqbalka da‘ yarta Soomaaliyeed. Anigu se, waxaan ku kalsoonahay in isku duubni iyo midnimo lagu soo afmeeri karo, waana awoodnaa idamka Alle.
Kornayl Cabdalla Daahir Cabdullaahi waa sarkaal sare iyo khabiir amni oo muddo dheer kasoo shaqeynayay arrimaha amniga iyo la dagaallanka argagixisada.