Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Socdaalkii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu ku tagay Magaalada Laascaanood toddobaadkii hore ayaa ahaa dhacdada ugu waynayd ee bilahan soo martay siyaasadda dalka.

Sababta ayaa ahayd, laba arrin oo is-barkanaa. Tan koowaad,  waa in safarku ahaa mid taariikhi ah maadaama tegista Xamse ee laascaanood ay kaligeed ahayd cinwaan wayn oo dhigaal gooni ah .Tan labaad ayaa ahayd, mirihii ka dhashay safarka oo ahaa aqoonsiga SSC-Khaatumo, inay si nabad ah u martigelisay Xukuumaddii dalka iyo inay soo bandhigatay Laasacaanood dooddeeda qaran ee ku saabsan inay talada dalka wax ku yeelato ayaa ahayd wax aan laga tagi karin oo safarkani gaar u ahaa.

SSC-Khaatumo, hoggaankeeda iyo shacabkeeduba, waxay hanteen aqoonsigii koowaad oo uu maamulku ka helo Dowladda Federaalka taas oo horseed u noqonaysa inay  yeelato xuquuq lamid ah kuwa Dowlad Goboleedyada kale ee dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si wayn u soo dhaweeyay aqoonsiga Khaatumo, waxaana faaftay hambalyada loo dirayo Laascaanood iyo maamulkeeda.

Inkasta oo ay Somaliland ka hortimid socdaalka Ra’iisul Waaaaraha, taasina ay ahayd wax la filan karay marka la eego sheekada gaarka ah ee dhextaalla Hargaysa iyo Laasacaanood, haddana waxaa is waydiin mudan ah, Maxay saamilayda siyaasadda Soomaalidu ay uga aamuseen Khaatumo? Maxay se Dowlad Goboleedyadu hambalyada ugu diri waayeen SSC-khaatumo,

Shanqar La’aanta Musharixiinta Xilka Madaxweyne

Saamilayda Siyaasadda ama kooxaha xilalka sare kasoo qabtay Jamhuuriyada Soomaaliya  ama danaynaya inay haatan qabtaan, inta badan waxaa olole siyaasi u ah midnimo iyo wadajir. Waxay hadalkooda ku bilaabaan qarannimo, hase ahaatee ka aamusidda aqoonsiga Khaatumo, waxaa uu bannaanka keenay inaanu jirin mabda’ midnimo, dhammaantood ayaana ka  dhuuntay hambalyada Khaatumo.

Khaatumo in la aqoonsado waxaa diidan oo bannaanka u taagan Somaaliland oo xildhibaannada Labada Gole ee Barlamaanka ku leh 57 xubnood. Khaatumo waxay labada aqal ku leedahay sideed Xildhibaan iyo labo Senator. Labada tiro  xisaab ahaan waa ay kala badan yihiin, marka siyaasada la joogana siyaasiga xildoonka ahi waxaa uu eegaa waxa badan.

Khaatumo hadda waxay haystaa aqoonsi Xukuumaddeed, waxayna u taagantahay sida ay qabto midnimada, waxayna gacanteeda ku haystaa 10 xildhibaan, waxaana muuqanaysa xaalkii lagu sifeeyay libaax nin ganay iyo nin galladay og.

Si kale haddii loo dhigo,  arrinta doorashadu waa farac, midnimada dalkunu waa asal iyo qaddiyad qaran. Haddaba, waxyaabaha iswaydiinta mudan ayaa ah, siyaasiga Soomaaliga ah ma faraca ayuu ka doorbidayaa asalka? Kii ay tahayba, jawaabta murashaxiinta ee amuuska ah ayaa sheegaysa, waana inaysan siyaasiyiinta Soomaalidu aysan Khaatumo ugu aamusin ujeed guud oo ay ka midaysan yihiin ee waa in waxa ay ku waayi karaan ka badan yahay wax ay ku heli karaan, marka la joogo siyaasadda iyo codaynta sanaaqdiiqda doorashada.

Saddex Ra’iisul Wasaare oo hore Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Cumar Cabdirashiid C. Sharmarke, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Iyo Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa noqday kuwa keliya ee hambalyo furan u dirtay Khaatumo, waa si ka duwan dhammaan ragga safkooda ah iyo siyaasiyiinta kusoo xigta ee aan soo qaban labada xil ee sare.

Dhanka kale, Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Cali Khayre, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka wada aamusay waxyaabaha usoo kordhay reer Khaatumo.

Maxay Dowlad Goboleedyadu uga aamuseen?

Aamuska Dowlad Goboleedyadu waa mid la fahmi karo, waana mid ku dhisan saamiga guud ee ku tartanka Beelaha Soomaaliyeed ee hannaanka xukunka dalka. Hirshabeelle iyo Galmudug waxay doonayaan inay hambalyada ku beddeshaan sidii wax uga goyn lahayd meqaamka Gobolka Benaadir.

Jubaland iyo Puntland oo la filayey inay si wayn usoo dhaweeyaan Khaatumo, aamuskooda waxaa lagu fasiray inay tahay inay libta u diidayaan Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku saami qeybsi ah. Hase ahaate, ma noqon doonto marmarsiiyo si fudud looga liqi karo Laasacaanood. Puntland oo aan weli si cad uga tanaasulin in dhulka SSC-Khaatumo ka tirsan yahay ayaa dad badani qabaan inay Jubaland uga indha-dadbatay hambalyada Khaatumo.

Inkasta oo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu mar ku dooday inuu Shirkii Madasha uga baxay Khaatumo darteed, haddana maqnaanta hambalyadiisa ayaa ka dhigan inay siyaasad ka ahayd.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More