Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Talaadadii lasoo dhaafay u magacaabay Cabdulqaadir Xuseen Cumar inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jabuuti iyo Afhayeenka Xukuumadda. Wasiirka cusub ayaa baddalaya Maxamuud Cali Yuusuf oo loo doortay xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika bishii Febraayo ee sanadkan.
Intii aan loo magacaabin xilkan muhiimka, Danjire Cabdulqaadir ayaa ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Dowladda Kuweyt, isagoo leh khibrad ku dhaw 20 sano oo uu ku jiray shaqada diblomaasiyadda ee dalkaas.
Ka hawlgaliddiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay bilaabatay sanadkii 2007 markaas oo loo magacaabay Ku Xigeenka Agaasimaga Xiriirka Dowladaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, wuxuuna xilkaas hayay ilaa bishii Diseembar 2015. Keddib, wuxuu u dallacay La-taliyaha Sare ee Safaaradda Jabuuti ee dalka Kenya laga bilaabo Febraayo 2015 ilaa Juun 2021.
Danjire Cabdulqaadir, oo kasoo jeeda qowmiyadda Canfarta, wuxuu leeyahay khibrad gaamurtay oo meelo kala duwan uu uga soo shaqeeyay taasoo sare usii qaadeysa inuu shaqadan si wacan uga soo dhalaalo. Wuxuu Shahaadada koowaad ka qaatay Jaamacadda Montpellier ee Faransiiska Kulliyada Adabka Casriga ah ee Faransiiska isagoo si gaar ah ugu takhasusay Xadaaradda Carabta, wuxuuna la wadaagaa Wasiirkii uu baddalay inuu si fiican ugu hadlo afafka Faransiiska, Ingiriiska iyo Carabiga.
Sooyaalka Wasiirka cusub waxaa ka muuqda inuu aasaas fiican oo dhanka bahda tacliinta leeyahay, wuxuuna kasoo shaqeeyay Wasaaradda Waxbarashada Qaranka isagoo ahaa macallin afka Faransiiska dhiga, Isu-duwaha Xarunta Qaran ee Tababarada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasime Ku Xigeenka Dugsiga Sare ee Ambouli, taasoo muujinayso inuu xilli horeba ay soo ifbaxday tayadiisa hoggaamineed.
Xulashada Madaxweyne Geelle ee Wasiir Cabdulqaadir waxay hoosta ka xarriiqaysaa xiriirka ballaaran ee uu Danjirihu la leeyahay dhinacyada kala duwan ee bulshada iyo la falgaliddiisa taasoo wax kusii kordhinaysa shaqooyinkiisa diblomaasiyadeed. Wuxuu xubin ka ahaa Guddiga Sare ee Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti iyo Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga ah ee Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Mareykanka.
Waxaa intaas dheer, wuxuu soo noqday Wakiilka Waaxda Afrika ee Horumarinta iyo Iskaashiga iyo Isu-duwaha Mashruuca Isku-xirka ee u taagan Qadiyadda Afrikaannimada. Waxyaabaha arrimaha bulshada ee uusoo kasoo shaqeeyay waxaa kamid ah Xoghayaha Guud ee Xiriirka Tennis-ka ee Jabuuti, Sanduuqa caanka ah ee Kaydka iyo Maalgashiga iyo Hay’adda APEF, oo ay usii dheertahay inuu kamid ahaa Guddiga Sare ee tifaftirka Wargeyska qaranka.
Waxyaabaha magacaabistiisa sii bilaya ayaa waxaa kamid ah sida uu u horumariyay xirfaddiisa iyo kartidiisa, isagoo qaatay tababarro heer caalami ah. Danjire Cabdulqaadir wuxuu takhasusyo la xiriira Diblomaasiyadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ka qaatay Jaamacadda Peking ee Shiinaha, Maamulka Amniga wuxuu ka qaatay Jaamacadda Difaaca Mareykanka, Koorso ku saabsan Hub-ka dhigista, gaar ahaan Shuruucda iyo Habmaamuuska Heeg ee magaalada Paris, takhasus la xiriira Horumarunta Dowladaha Yaryarka ah, Xoojinta Maamulka iyadoo loo marayo dhabbaha Nabad-dhisidda, iyo Ka Hortagga Dhaqitaanka Lacagaha Sharci Darrada ah iyo Maalgelinta Argagixisada.
Marka la isku daro aqoontiisa qotoda dheer ee u khidmaynta shacabka Jabuuti iyo khibradda caalamiga ah ee uu siyaadsaday iyo ka go’naashiyahiisa inuu aqoontiisa wax ku kordhiyo, Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar wuxuu la wareegayaa hoggaanka Siyaasadda Arrimaha Dibadda Jabuuti xilli uu gobolku galayo marxalad adag oo kala guur ah, waana qof aad loo xushmeeyo oo u diyaarsan caqabadaha iyo culeysyada shaqadiisa cusub horyaalla.