Maalinimada berri ah waxaa loo balansanyahay furitaanka kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya kaasoo qorshaysnaa inuu furmo 6dii bishan, hase ahaate dib loo dhigay oo aan xilligiisii la isugu imaan.
Kalfadhigan lixaad ayaa waxaa hareeynaya kala aragti duwanaan baahsan taas oo keentay in waqtigiisii uu dhaco uga dhaco.
Furitaanka Baarlamaanka oo ah mid dastuuri ah, ayaa sabab la’aan u dib dhacay, mana jirin war kasoo baxay Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka ilaa ay cadaadis xooggan kala kulmaan xildhibaannada kusii qulqulaya magaalada Muqdisho kuwaasoo geed fadhi ka dhigtay guriga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Haddaba si ka duwan furitaannadii kalfadhiyadii hore, waxaa hadal hayn badan ku xeerantahay kan loo balansanyahay barri oo Sabti ah. Madaxda Dowladda Federaalka, siyaasiyiinta mucaaridka, Dowlad Goboleedyada iyo Saamilayda Siyaasada ayaa si wayn u danaynaya kalfadhigan, waxaana jira dhawr sababood oo keenaya in ila gaar ah lagu hayo kalfadhigan.
Guuxa Mooshinka
Tan iyo markii la xiray kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay, waxaa soo baxayey guuxa mooshin la doonayo in xilka looga tuuro RW-ha xukuumadda. Mooshinka ayaa ah mid kasoo bilowday magaalada Kismaayo, waxaana uu ka dhashay khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Jubaland ka dhex qarxay ee doorashadii Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Qaabkii uu Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre u wajahay doorashada Jubaland ayaa keentay in xildhibaanada ku haybta ah ay dhanka Axmed Madoobe maraan, diidmadooda ficilka Xamsana kaga jawaabaan mooshin.
Waa markii ugu horaysay ee beesha ku fadhida jagada Ra’iisul Wasaaraha ay iyagu mooshin bilaabaan oo ridistiisa dadka ugu hormaraan. Waa taariikh ugub ah.
Xildhibaanno kale oo ballamo siyaasadeed looga baxay, kuwa xil waayey, kuwa aan saami ka helin dhulalka la xaraashayo ee Muqdisho, siyaasiyiin fursad raadis ah iyo xil sugayaal idman ayaa ku biiray olalaha xil-ka-tuurista Wasiirka Koowaad.
Mooshinku waa dhab, waxaana saxiixay in kabadan 90 Xildhibaan. Tirada ayaa kordhaysa marba marka ka danbaysa, waana sababta ugu weyn ee kalfadhigan dib loogu dhigay.
Jihada Doorasahada Dowlad Goboleedyada
Sida aan wada ogsoonahay Dowlad Goboleedyada mar hore ayaa waqtigii xil hayntoodu dhammaatay, sharciyadooduna Baarlamaanka loogama doodayo. Hase ahaate, waxaa jira sheeko gaar ah oo jihada doorashada Dowlad Goboleedyada qeexi karta. Waa mawqifka Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdicasiis Laftagareen oo isku dhan ah.
Labadan masuul ee Reer Koonfur Galbeed ayaa raba in si qorshaha Madaxweyne Xasan u hirgalo, mooshinka aan la qaban, doorasho qof iyo cod ahna loogu sii socdo, waase haddii meesha laga saaro xulufada Xasan Sheekh ee Xukuumadda ku jira oo ay ugu horreeyaan Wasiirka Arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirka Difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Laftagareen ayuu kasoo sii dhammaanayaa dulqaadkii muddo kordhinta, waxaana laga yaabaa inuu doorasho aado haddii ballamihiisa hataan taagan loo fulin waayo.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ma tuuri karo garbihiisa uu u diyaarsaday hankiisa ku aaddan joogista xukunka, mana rabo inuu khilaaf la galo Madoobe iyo Laftagareen. Tallaabada uu qaado Madaxweynuhu ayaa keeni karta in jid loo helo doorashada Dowlad Gobleedyada. Waa isgoys ay waxbadani ku kala caddaan karaan. Furitaanka kalfadhigan ayaa laga sugayaa jihada la aadayo. Haddii Madoobe uu qabto mooshinka, waxaa daba socoto in Cabdicasiis Laftagareenna u aado doorasho iskiis ah.
Waqtiga kala baxa
Mooshinka ridista Xukuumadda mahaysto waqti caawin kara xilligan, waxaana ciriiri la geliyey jadwalka kalfadhiga. Laba asbuuc oo shaqo Baarlamaan ah kuma filna dhaqaajinta Mooshinka. Si ku talagal ah ayaa dib loogu riixay, waa marka aan ka hadlayno sharciyad. Waxaase culeys cusub ku ah dadaalka Madaxtooyada oo gaabis galay. Tusaale, cashadii uu xalay Madaxweynaha u ballamiyay Xildhibaannada Beesha Hawiye waxaa soo aqbalay 12 xildhibaan oo kaliya.
Waxaase jirta in waqtiga kala baxu ku dhaco si lama filaan oo aan waqti badan qaadan. Sababta ayaana lagu sheegay in dabeecadaha Guddoonka Baarlamaanku ay wax kasta ka imaan karaan, markii uu dantiisa waayana uu hal maalin mooshin kuqaban karo, cod gelin karo, natiijada uu rabana kasoo saari karo. Sidan oo kale waxaa hore daaqadda looga saaray Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo habeennimo la miray.
Ka hortagga mooshinka iyo qancinta Guddoonka iyo Madaxweye Laftagareen ayaa ah waxa ugu weyn ee Madaxtooyadu ka fekerayso. Isku shaandhayn aan xooganayn ayaa ay ka fekerayaan, saaxiibada lagu lumi karo ayaana caqabad culus noqon karto.
Si kastaba, siyaasada Soomaaliya ayaa asbuucan ka horreeya bisha Soon-qaad u dhaqaaqaysa si xowli ah, waxaana Muqdisho ay soo dhawaynaysaa kal siyaasadeed cusub.
1 Comment
Xukuumadda ugu liidatay waaye na dhaafiya dheh.