Ra’iisal Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa loo diiday warqada dalbashada cusbooneysiinta baasaboorka diblumaasiyadeed, waxaana goor danbe faafay warka diidmada oo kasoo baxay dhanka kooxda Rooble oo ay ku jiraan masuuliyiin haatan ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka.
Haddaba, maxaa keenay in xilligan loo diido Ra’iisal Wasaare hore codsiga warqadda cusboonaysiinta baasaboorka diblomaasiga ah.
Xaqiiqada iyo nooca safarka
Sida ila ku dhow Ra’iisal Wasaaraha hore ay sheegeen, waxaa qorshaysnayd inuu safar ku tago dalka Koonfur Afrika markay taariikhdu tahay 20ka Febraayo, kaddib casuummad uu ka helay Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan.
Waxaa uu ahaa safar ay wada ogyihiin saaxaabadiisa siyaasaddu. Sida caadiga ah mas’uul kasta oo Soomaaliyeed oo haysta Baasaboorka Dublumaasiga ah, waxaa uu u baahan yahay codsi safar udalbid ah oo ka yimaada Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka, waxaana loo diraa Safaaradda dalka uu safrayo. Inta badan waraaqdan codsiga ah waa mid siyaasadaysan, Dowladda ayaana u diida siyaasyiinta ka aragtida duwan. Waa dhaqan siyaasadeed jira in qofka iyo fikirkiisa lagu jaangooyo.
Sida muuqata Rooble waa safray, waxaana uu ku tegayaa dalkaas Koonfur Afrika Baasaboorkiisa dalka Sweden, halkaas oo uu muwaadin labaad ka yahay.
Doodda ay qabaan Mas’uuliyiinta Federaalka
Xafiisya kala duwan oo ay arrintani khusayso oo aan la hadalnay waxay ka gaabsadeen inay si furan uga hadlaan arrinta safarka Rooble iyo wafdigiisa.
Masuuliyiinta qaar kamid ah ayaa sheegay in warkani yahay mid siyaasi ah oo aan la qaadan karin. Xubno aad ugu dhow Madaxtooyada ayaa noo sheegay inay salka ku hayso tabasho Ra’iisal Wasaare Rooble uu ka qabo dhaqaale uu ka heli jiray dhanka Madaxtooyada, lagana siin jiray qoondada Villa Soomaaliya ay ka hesho dulsaarka qaadka ka yimaada Kenya oo ah il dhaqaale oo siyaasiyiin badan laga masruufo. Warka la xidhiidha dhaqaalaha ayaa ah mid aad u faafay maalmihii ka horreeyey safarka.
Maxaa keenay in lahor istaago safarka?
Saaxiibadda Rooble oo qayb ka ah safarkiisa ayaa inoo xaqiijiyey in Rooble iyo Madaxtooyada Soomaaliya ay tan iyo markii uu ku laabtay Muqdisho aysan wax kulan ah dhexmarin, kaas oo waqtiyadii hore si caadi ah u qabsoomi jiray. kala taga labada dhinac ayaa yimid markii laga soo wariyey Rooble inuu yahay Musharax Madaxweyne iyo inuusan ku qanacsanayn doorashada uu Madaxweynuhu rabo ee ah mid aan la isku raacsanyan.
Saaxiibadda Rooble ayaa soo dusiyey in Rooble uu siidaynayo war saxafaadeed la xidhiidha xaaladda dalka, uuna ku weerarayo siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh, waana mid kamid ah sababaha xilligan kusoo beegay in Rooble safarkiisa la hor istaago. La kulankiisii Ergayga Gaarka ah ee Qramqda Midoobay James Swan iyo warka uu ku daabacay cinwaanadiisa baraha bulshada ayaa ahayd arrin kale oo aan laga soo dhawayn Xafiiska Madaxweynaha.
Marka la eego xilka uu soo qabtay Ra’iisul Wasaare Rooble waxay ahayd inuu helo xushmad u dhiganta shaqadii uu qaranka usoo qabtay, waxaase muuqata in Soomaaliya uusan jirin qof maamusan oo ku sharfan magaca Dowladda.
Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin xurmo darrada uu tirsanayo Rooble, iyadoo in xilligan buuqa la maqlo ay ka dhigan tahay in isqaadashadii iyo kala indhaqarsashadii dhinacyadu ay soo dhammaatay oo la galay ololihii siyaasadda, shaqsi kasta oo han lehna uusan usii dabranaan karin xil ama xoolo taasina ay tahay sababata banaanka keentay Rooble.