Dagaalka Puntland ka socda ee u dhaxeeya Daacish iyo ciidanka maamulkaas ayaa soo jiitay indhaha dadka Soomaaliyeed, hadal-haynta ugu badanna ka dhex dhaliyey shacabka. Waxaan soo baxay in dadku ay dagaalkaas ku xidhiidhiyaan kan ka socda koonfurta ee ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaysa kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawisleey ay kula jiraan Alshabaab.
Haddaba waxa ugu weyn ee xilligan hawlgalladan la isu barbardhigayo ayaa ah in labada dagaalba ay ku wajahan yihiin argagixiso oo la is-weydiinayo yaa guusha u dhow labada guluf ee ka dhanka ah Daacish iyo Shabaab. Inta aynaan bixin jawaab qeexan aan eegno dhawr qodob oo keeni kara guul dagaal oo laga gaadho kooxahan xagjirka ah.
Macawisleey iyo Puntland
Bud-dhigga labada hawlgal waa ciidamo aan toos uga amar qaadan Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ahayd inay hoggaamiyaan hawlgallada caynkan oo kale ah, haddana hawlgalka sifaynta Alshabaab oo xooggiisu waqtigan ka socdo furimaha Gobolka Hiiraan waxaa horkacaya ciidanka deegaanka ee loo yaqaan Macawisleey, kuwaas oo soo bandhigaya u diyaarsanaan sare iyo guulo hordhac ah oo ay kasoo hooyeen dagaalka.
Inkasta oo ay Madaxda Dowladda Federaalku ku andoocoodaan inay dagaalka hormuud u yihiin, haddana waxaa doodooda jabinaysa su’alahan; dagaalka maxaa Hiiraan oo keliya ku koobay? Hawlgalkii Madaxweynuhu ku dhawaaqay labo sanno kahor xaggee ku danbeeyey? maxay ciidanka qaranku ugu dhex-muuqan waayeen goobaha dagaalka? Waydiimaha iyo kuwa lamid ah ayaa diidaya in Macawisleey kaalinteeda Alshabaab la dirirka ah dhinac kale sheegato. Intaas waxaa u dheer ciidanka deeganka oo libta iyo hoggaanka dhankooda marinaya, maqnaanta Maamulkii Hirshabeele.
Dhanka Daacish waxaa weerar xooggan ku haya ciidamada Puntland, kuwaas oo nidaam ahaan ka duwan Macawisleey. Waa ciidan maamul oo leh kala danbayn iyo hannaan lagu soo xulo, waxayna leeyihiin qaab-dhismeedka ciidan looga baahan yahay.
Farqiga u dhaxeeya labada dhinac ee hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada waa in mid uu qaabaysan yahay hab maamul, kan kalena uu ku dagaal gelayo magac qabiil, dhammaan xubnaha askartiisuna tahay maleeshiyo hayb kusoo dagaal-gashay oo kacdoonsan u sameeyay inay heeryada ka dulqaadaan bulshadooda oo sanado badan ku hoos noolaan maamul isugu daray cabudhin iyo ciil.
Marka aan eegno dhismaha labada ciidan waxaa inoo caddaanaysa in Puntland aan lala barbar dhigi-karin Macawislayda Hiiraan. Tan waa farqiga koowaad ee u dhaxeeya labada dagaal ee lagu qaaday kooxaha Daacish iyo Alshabaab.
Abaabulka Dadweynaha
Dhibta ugu badan ee kooxaha argagixasadu waxa uu gaadhaa dadka birimageydada ah ee ku dhaqan gudaha Soomaaliya, Hase ahaatee, in dhibtaas loo rogo faa’iido qaran oo wax katarta dagaalka ka dhanka ah kooxaha dadka xasuuqaya waxay u baahan tahay ajande qaran oo ka baxsan in furrimaha dagaalka la tago.
Sida ay dhigaan casharada dagaalku, kicinta iyo abaabulka dadweynaha ayaa ayaa ah tiirka ugu muhiimsan ee cidhib-tirka nabbad-diidka. Marka aan ku cabbirno u heellanaanta dadweynaha in meesha laga saaro argagixisada waxaa inoo soo baxaysa in Puntland shacab ahaan aad ugu horrayso dhinaca kale. Tan waxaa u sabab ah in deegaannada maamulkaas ay ahaayeen kuwa xasiloonnaa muddo dheer. Hase ahaatee taas keliya kuma koobna.
Marka aad eegto sida ay dadku cod dheer ugu diidan yihiin fikirka xagjirka ah, culimada deegaanku qayb ugu tahay wacyi dhiska ciidanka iyo bulshada, deddaalka dhiig bixinta rayidka oo gobol kasta kasocda, bannaan-baxyada iyo suugaanta lagu guubaabinayo askarta iyo maamulka, yabooha dhaqaale ee ganacsatadu kaga qayb qaadanayso dagaalka iyo sida hawlgalka looga saaray siyaasadda waxay ina tusinaysaa in hay’adaha maamul ee Puntland ay shaqo badan qabteen oo dhanka hawlgalka ah.
Dhanka Macawisleey maqnaanta abaabulka iyo isku dubaridka shacabka kuma eeddaysna reerka dagaalka hoggaaminaya ee waa gaabis ka yimid dhanka Dowladda Federaalka ah oo hawlgalka hoggaamintiisa ka afduubatay Maamulka Hirshabelle,. Dowladda Federaalka inta ay dagaal gelisay reer Hirshabelle, haddana dareenkii loo baahnaa kuma aysan maamulin, waxaa ugu weyn ee dagaalka Koonfurta Alshabaab eersan doona ayaa ah maqnaanta ajande qaran oo dagaal iyo siyaasadaynta dagaalka oo marar badan lagu tilmaamo Federaalka.
Daacish iyo Alshabaab
Labada cadow ee xagjirka ah, midi waa caalami oo waa Daacish, balse tirro ahaan yar, haddana haysta taageero weyn oo dalka dibaddiisa ah. Waxaaa la isku raacsanyahay in xubnahooda ay u badan yihiin ajaanib, waxaana ka hiillinaya cimrigooda joogista Soomaaliya oo kooban, cimilada iyo ciidda ay ku suganyihiin oo adag, ciidanka kasoo horjeeda oo ka badan, cududda ay haystaan oo kooban iyo culayska dhaqaale la’aanta ee soo food-saaray kaddib markii la curyaamiyey ilahoodii iyo waddooyinkii saadka u mari jiray labadaba. Go’odoonka ay kujirto kooxdani waxaa uu fursad wayn u yahay Puntland oo gacanta sare ee dagaalka qaadan doonta sida la qiyaasayo, waqtiguba ha iska yara jiidmo e.
Dhanka Alshabaab, waxay u badan yihiin Soomaali, balse xagga fikirka waa kala mid Daacish oo waa argagixiso gaamurtay oo addeecsan hoggaan argagixiso oo caalami ah. Waxaa u qoran maleeshiyo tiro badan, waxayna maamulaan dhul weyn oo Koonfurta ah, iyagoo ah faraca ugu hodansan ee shabakadaha argagixisada caalamig ah. Intaas waxaa u dheer inay ku sugan yihiin dhul aan dadkiisu abaabulnayn, muddo badan ay joogeen, isla markaasna aan arag maamul aan kooda ahayn. Qodobadani waa kuwa miisaanka u badinaya dhanka Alshabaab marka loo eego Macawisleeyda ka soo horjeeda, lamana filan karo guul ay gaadhaan dadka deegaanku hadii aan lahelin hiil qaran oo barbar istaaga.
Marka aan eegno kala duwanaanshaha labada cadow u dhaxeeya, oo lagu daray sida ciidamada kasoo horjeeda u kala tamar badan yihiin oo lagu kabay abaabulka shacabka, waxaan helaynaa in dagaalka lagu qaaday Daacish ee Puntland ka socda uu yahay mid haysta imkaaniyaadkii loo baahnaa, ayna guul kasoo gaadhi karaan furimaha dagaalka marka loo eego Macawisleey oo keli ku ah hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab.