W/Q: Faadumo Cabdullaahi
Midowga Ururada Haweenka ee Soomaaliyeed ayaa cod dheer ku muujiye walaac xooggan oo ku saabsan waxa ay ugu yeedheen curyaamin iyo quudhsi ka dhan ah metelaadda haweenka iyo doorkooda hoggaamineed, taas oo lagu burburinayo dedaaladii iyo horumarkii haweenku ka gaadheen hogaaminta dalka, iyadoo tallaabadii ugu dambeysey ay dawladdu ku burburisey Wasaaraddii Haweenka oo laf dhabar u hayd sinnaanta jinsiga iyo u qareemidda.
“Wasaaradda Haweenku ka hor intaan meesha laga saarin waxay tiir dhexaad u ahayd dhammaan guulaha laga gaadhey hoggaaminta iyo ka qayb galka siyaasadda, burburinteeduna waxay dhaawac weyn ku tahay wixii lasoo dhisayey muddo tobanaan sano ah taasoo haweenka dib ugu celinaysa loollankii iyo marxaladihii adkaa ee ay kasoo mareen siyaasadda ragga u seeraysan.”
Ka Sifaynta Haweenka ee Xilalka Dowladda
Midowga Ururada Haweenka ayaa diiwaangeliyey kor u kaca tirada haweenka laga saarayo nidaamka dawliga ah tan iyo markii uu Xafiiska Madaxweynaha la wareegey Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka mida xubnaha ilaa iminka meesha laga saaray.
1) Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Booliska iyadoon lagu beddelin haweeney kale,
2) Xisaabiyihii Guud ee Qaranka,
3) Ku Xigeenkii Bangiga Dhexe,
4) Xoghaye Ku Xigeenkii Joogtada ahaa ee Xafiiska Raysal Wasaaraha,
5) Agaasimihii Guud ee ku meel gaadhka ah iyo Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Beeraha.
Sidoo kale waxaa la hor istaagey haween aqoonyahanno ah oo u tartamayey xilal sarsare oo Afrika iyo heer caalamiba isugu jira.
Dhammaan xadgudubyadaan ayey haweenku ku tilmaameen kuwo meel ka dhac ku ah Dastuurka dalka oo si cad u qeexaya qoondada dumarka ee ka qaybgalka siyaasadda oo ah 30%.
Dhiillo: Ku Tumashada Xuquuda Haweenka
“Ka hor inta aan la bur burin Wasaaradda Haweenku waxay door muhiima ka ciyaartay hubinta metelaadda iyo doorka ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka, iyadoo u samaysay wacyigelino iyo abaabul si loo abuuro jawi siyaasadeed oo ku habboon, haatanse waxaa muuqda dhiillo iyo hubanti la’aan ku wajahan hablaha Soomaaliyeed.
“Tallaabooyinkani waxay waddo cusub u furayaan tacaddiyo iyo xadgudubyo aan loo meel dayin oo loo geysto qayb bulshada ka mid ah oo awalba nugleyd” ayaa qoraalka lagu yidhi.
“Ka sifaynta xilalka sare iyo is hortaagga lagula kacay qaar kamida dumarka ku hanweynaa ka qaybgalka hoggaanka dalka iyo caalamkaba ayaa muujinaya walaac xooggan oo ah in si ku talagal ah loo burburinayo xuquuqda dumarka Soomaaliyeed.
“Waxaa niyad jab weyn ah in dhowaan gabadh u tartamaysey inay Soomaaliya ku metesho Midowga Afrika, aysan wax taageero ah ka helin dawladda taas bedelkeedana lagu cadaadiyey inay tartanka iskaga hadho waana tallaabo mudan cambaarayn toos ah.” Ayaa mar kale qoraalka lagu yidhi.
Baaq wax ka qabasho degdeg ah
“Waxaanu ugu baaqaynaa Xubnaha Haweenka ku metela golayaasha Xildhibaanada, gaar ahaan Ku Xigeenka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin inay si degdeg ah uga hadlaan arrintaan, ayna kula xisaabtmaan Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre Iyo xukuumaddiisa tacaddiyada siyaasadeed ee ka dhanka ah xuquuqda haweenka Iyo doorkooda hoggaamineed. Sidoo kale waa inay dawladdu si degdeg ah usoo celisaa Wasaaraddii Haweenka Iyo boosaska kale ee laga fara maroojiyey dumarka si loo ilaaliyo isu dheellitirka dawladnimada.
“Haddaanu nahay haweenka Soomaaliyeed waxaanu door muhiim ah ku leenahay kuna lahaan doonnaa taariikhda dalka, mana aqbali doonno in guulihii aannu usoo halgannay si ula kac ah hortayada loogu bur buriyo arrintaas waxaan uga fadhinaa Raalligelin iyo in si degdeg ah wax looga qabto cabashadayada.
Baaqa Beesha Caalamka
“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay baaq u dirayaan Beesha Caalamka, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobey, Midawga Afrika iyo Hay’adaha Xuquuqul Insaanka, waxayna ka codsanayaan in Dawladda Soomaaliya culays lagu saaro inay dib uga noqoto siyaasadaha wiiqaya doorka hoggaamineed iyo ka qaybgalka siyaasadeed ee haweenka.
Talaabooyinkii ugu dambeeyey ayaa walaac weyn ka dhaliyey mustaqbalka xuquuqda haweenka ee Soomaaliya, iyadoo falanqeeyayaashu ay ka digayaan in haddaan la faragelin ay arrintani dhaawac weyn u horseedi doonto dawladnimada iyo dimuqraaddiyadda dalka.
Dunida ayaa haatan indhaha ku haysa inay dawladdu ka dhabayso ballanqaadyadeedii ku aaddanaa ilaalinta xuquuqda haweenka iyo inay kusii socoto jidka ay haatan qaaday ee ay haweenka kaga sifaynayso hoggaaminta iyo go’aan gaadhista dalka.