Weerar diyaaradaha wax duqeeya ee Maraykanku ku qaadeen buuraha Cal-Miskaad ee Bariga Soomaaliya ayaa keenay in hadal-haynta dagaalka ka dhanka ah Daacish kor usoo baxo, waxaana markii ugu horraysay ka hadashay dagaalka Madaxtooyadda Soomaaliya.
Puntland ayaa markii ugu horraysay u qalab qaadatay sidii ay u tirtiri lahayd kooxda Daacish oo tobankii sano ee ugu danbeeyey ka hawlgalaysay deegaannadeeda halkaasna ka samaysatay saldhigyo iyo xarumo tababar oo la aaminsan yahay inay markan ka gudbeen Soomaaliya, isla markaasna lagu barbaariyo Daacishta Caalamka. Ajaaniib badan ayaa kamid noqotay dagaallamayaasha kooxdan ee kusugan gudaha Soomaaliya waana tan keentay in Daacish loo arko khatar Caalamiya oo ay tahay in la iska kaashado sidii loo dabarjari lahaa.
Aasaaska Daacish iyo Hoggaankeeda
Taariikh ahaan kooxda Daacish-ta Soomaliya ayaa la assaasay bartamihii 2015, markaas oo laba garab oo kasoo goostay kooxda Al-shabaab ay Koonfurta iyo Bariga Soomaaliya kaga dhawaaqeen inay Bayco ama Heshiis la galeen hoggaamiyhii Daacishtii Bariga Dhexe waqtiyadaas kasoo if-baxday ee Abuubakar Albaqdaadi.
Seddex Sarkaal oo Alshbaabta Koonfurta ka dhex muuqday oo kala ahaa Bashiir Abuu Numcaan, Xuseen Cabdi Geedi iyo Maxamed Makaawi Ibraahim ayaa bishii Sebteembar sannadkii 2015 ku dhawaaqay Daacishta Soomaaliya, waxaana bil kaddib Bariga Soomaaliya garab kale ka sameeyey Cabdiqaadir Muumin oo isna Alshabaab ka tirsanaa, hase ahaatee daacadnimadiisii u wareejiyey dhanka Albaqdaadi.
Garabkii ka unkamay Bariga Soomaaliya oo madaxda ka ahaa Cabdiqaadir Muumin, oo ahaa xaraki hore oo AlShabaab ahaa, ayaa hanaqaaday, waxaana uu saldhigtay buuraha qallalan ee ku teedsan degmada Qandala ee Gobolka Bari, indhaha dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Caalamkana waxaa Muumin iyo kooxdiisuba ay soo jiiteen markii Oktoobar, sannadkii 2016 ay si keddis ah u qabsadeen degmada qadiimiga ah ee xeebta dhacda ee Qandala, halkaas oo looga saaray guluf ciidan oo ay ku qaadeen ciidamada Puntland.
Inkasta oo uusan dagaal fool-ka-fool ah dhexmarin labada dhinac, Daacish ayaa isaga baxday magaalada, waxayna saldhigatay buuraha ku teedsan Qandala, sannado dhawr ah oo ku sugnaayeen buuraha Daacish waxay dhistay awooddeed ciidan, waxayna shaqaalaysiisatay maleeshiyo Soomaali iyo Ajnabi isugu jirta, kooxda ayaana isfiditaankii ugu horreeyey sameeyey dhammaadkii 2017, markaas oo ay hawlgalo cabsi gelin ah ka bilaabeen tuulooyinka dhaca togga Jacayl ee buurta iyo banaanka kala qaybiya, taas oo u horseeday inay soo degaan deegaannada ku hareeraysan degmada Balidhidin ee Puntland.
Daacish ayaa markaas wixii ka danbeeyey noqotay awood jiritaan oo kadhisan buuraha Cal-Miskaad ee jihada Bari kaga beegan Boosaaso oo ah magaalo ganacsi oo muhiim u ah Puntland, xarunna u ah ganacsato Soomaaliyeed. Isfiditaanka Daacish ayaa keentay in kooxda kale ee xagjirka ah ee Alshabaab ee ku sugnayd Buuraha Cal-Madow ee Galbeedka magaalada Boosaaso ay dareento khatar jiritaan iyo in saamaynteedii gobolka lagala wareegayo, waxaana sanadkii 2019 labada kooxood ka dhex qarxay dagaal socday seddex sanno kaas oo markii danbe dhammaadkii 2022 u sahlay inay gacanta sare yeelato kooxda Daacish.
Wixii intaas ka danbeeyey kooxdan ayaa noqatay mid awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba dhisan oo leh nidaam iyo kala danbayn, waxayna falal argagixiso oo dhawr ah ka geysatay magaalada Boosaso, halkaas oo u ahayd il-dhaqaale oo ay ka hesho Baadda ama lacagta ay ka qaado ganacsiyada halkaas kajira.
Dhaqaale ahaan kooxda ayaa ku tiirsan lacagta baadda ama dulsaarka khasabka ah ee laga qaado ganacsatada gudaha ee Puntland iyo Muqdisho, si ay daabacday Waaxda Lacagta ee Maraykanku bishii Luulyo 2023, waxaa gacanta kooxda soo gashay lacag dhan 2 Malyuun oo doolarka Maraykanka ah taas oo lacag ay ka qaadeen ganacstada Soomaaliyyeed, warbixin kale oo kasoo baxday Qaramada Midowbay bilowgii sannadkii 2023 waxaa lagu sheegay in kooxdu baad ahaan u urursato bishii lacag dhan boqol kun oo doolar.
Maleeshiyaadka kooxda u diiwangashan ayaa ah Soomaali katimid qurbaha, kuwa kasoo diga rogtay kooxda Alshabaab, waxaa kale oo ka mid ah muwaadiniin u dhashay dalalka Bariga Afrika. Tirada ugu badan ee ajaaniibta ah ayaa ah kuwa kasoo jeeda dalka Itoobiya, waxaa jira dagaallamayaal ka yimid dalalka Carabta. Hase ahaatee dagaalyahannada ugu badan ee kooxdu ayaa ah kuwa kasoo jeeda deegaanka hoose ee hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya.
Bishii May, 2024 Maraykanka ayaa duqayn ka fuliyey buuraha ku teedsan Qandala, inkasta oo aysan Wasaaradda difaaca ee Maraykanku aysan duqayntaas ka hadlin, haddana warbaahinta ABC ay ku warantay in duqaynta lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyaha Daacishta Soomaliya Cabdulqaadir Muumin. Saraakiil Maraykan oo lahadlay ABC ma xaqiijin in weerarku guulaystay iyo in kale.
Bishii Luuliyo warbixin kasoo baxday Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ayaa lagu sheegay inay aaminsanyihiin in Cabdiqaadir Muumin uu noqday Madaxda Xafiiska Maaliyada Daacishta Caalamka ee Karar loo yaqaan, ayna hoostagaan maamulka dhaqaalka Wilaayooyinka Afrika iyo qayb kamid ah Aasiya, waxaana warka Maraykanku dhaqaajiyey dareenka Puntland oo la dhibtoonaysay kooxdan oo si degdeg ah u koraysay, waxyeelo dhaqaalana ku haysay deegaannadaas, taas ayaa keentay in Madaxweyne maamulkaas uu abaabulo hawlgalka Hilaac ee xilligan ku hawlan soo afjaridda Daacish.
Hoggaan ahaan kooxda waxaa ugu sarreeya Cabdiqaadir Muumin, waxaase jira shaqsi awood badan oo Abuu Xafsa Al Amiir kooxda dhexdeeda looga yaqaan kaas oo aan la hubin Soomaali iyo Ajaanib midka uu yahay. Abuu Xafsa ayaa ah shaqsiga gacanta ku haya Maleeshiyaadka kooxda, waxaa sidoo kale madaxda kamid ah Cabdiraxmaan Faahiye oo la rummaysan yahay inuu yahay qofka beddeli kara Muumin. Si kastaba ha ahaate Soomaalida ayaa xilligan aaminsan in hoggaanka Daacish uu badanyahay ajaaniib Carab ah oo kasoo hayaantay Barriga Dhexe.
Hawlgalka Hilaac
Puntland ayaa si rasmi ah Bishii December ee 2024 ugu dhawaaqday Hawlgalka Hilaac oo ah weerar ciidan oo lagu qaadayo kooxda Daacish ee ku sugan Buuraha Cali-Miskaad, weerarkii ugu horreyey ayaana ah Ismiidaamin ay ciidanka maamulku iskaga difaaceen 26kii December oo ka dhacay Deegaanka Dharjaale ee dhaca bartamaha dhulka bannaan ee Uur-Caleed loo yaqaan, waxaan lagu dilay 12 dagaalyahan oo dhammaantood ajanabi ahaa kuwaas oo kamid ahaa kooxdii weerarka soo qaaday.
Ciidanka Puntland ayaa wixii markaas ka danbeeyey xoojiyey hawlgalka, waxayna muddo bil ku siman gaadheen salka buuraha Cal-Miskaad, iyagoo la wareegay gacan ku haynta tuulada muhiimka ah ee Turmasaale, halkaas oo ahayd saldhigii ugu waynaa ee Daacish ka maamulaysay dhulka banaanka ee kasoo roggan buuralleyda Cal-Miskaad.
Wejiga labaad ee hawlgalka
Maalinimadii Khaamiista oo ay taariikhdu ahayd 30ka Janaayo ee Sannadkan, waxaa warbaahinta lahadlay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, oo ka hadlayey xaaladda deegaankaas oo ku jira xilligan dagaal ka dhan ah kooxda argagixisadda ah ah Daacish. Siciid Deni khudbadiisa oo ahayd mid dheer waxaa ugu muhiimsanaa guubaabo ciidan iyo kicin dadweyne, waxaa uu ku faanay in askartiisu ayaa gaareen guulo wax ku ool ah, marka loo eego cadowga ay la dagaallamayaan oo ajanbi ah, cimillada iyo deegaanka oo buuraley ah, waxaa uu sheegay in waqti horre-ba ay askarta Puntland jabiyeen Daacish, ayna soo afjareen wajiga koowaad ee dagaalka.
Inta badan dadka la socda dagaalkan ayaa fahamsanaa inay adagtahay in dagaalka ay Puntland keligeed sii waddo hadii aan lahelin taageero caalami ah oo dhanka hawada ka duqaysa gododka iyo dhufaysyada kooxdan ee dhulka sare ee buuraha ku yaal halkaas oo ay adagtahay in loogu galo, fasiraadda laga bixiyey in wajigii koowaad ee hawlgalku dhammaaday ayaa ahayd in wixii waqtigan ka danbeeya lagu tiirsanaan doono taageero caalami ah, waxaana jawaabtii ugu horraysay katimid Maraykanka.
Duqaymaha Maraykanka iyo dadka la beegsaday
Laba qoraal oo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hawlgalkiisa Africom ay ku baahiyeen barta Twitterka ay lagu sheegay in duqaymo ay ciidanka Maraykanka ee fadhigoodu yahay Gacanka Cadan ka geysteen buuraha Cal-Miskaad, halkaasna lagu bartilmaameedsaday madax katirsan kooxda Daacish.
Duqaymaha ayaa sida ay Puntland xaqiijisay ka dhacay ilaa 10 goobbood oo ku yaal inta u dhaxaysa Qandala iyo Dhaadaar oo ah dhul buuraley ah oo lagu tuhunsan yahay inay ku dhuumanayaan madaxda kooxdan, uuna kamid yahay hoggaamiyahooda guud Cabdiqaadir Muumin, iyo saraakiisha kale ee ku xigta oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Faahiye oo xilligan la rumaysan yahay inuu yahay ninka ugu muhiimsan kooxda, Abuu Xafsa shaqsiga loo soo gaabiyo oo latuhunsan yahay in haysto ciidanka dagaallama ee kooxda, sida laga soo xigtay Puntland, seddexdan nin ayaa ah kuwa la beegsaday, hase ahaate weli wax war oo ah faahfaahsan kama soo bixin dhanka hawlgalka Afrikom oo iyagu fuliyey duqaymahan xalay.
Puntland iyo Villa Soomaaliya oo u baratamay mahadcelinta Maraykanka
Kaddib weerarka, waxaa qoraallo ay soo saareen isugu jawaabay Puntland iyo Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana lagu tartamay cidda mahadcelinta udiraysa Maraykanka iyo Madaxweynihiisa oo qaaday duqaymaha kadhacay Cal-Miskaad.
Madaxtooyadda Soomaliya oo aan marna hore uga hadlin dagaalka ay Puntland ku qaaday Daacish ayaa loo arkay inay ka faa’iidaysanayso libta duqaynta, maadaama ay ogaysiinta duqaynta ka heshay dhanka Africom, qoraalka kasoo baxay Villa Somaliya ma xusin Puntland, mana siin wax door ah inay ku lahayd hawlgalka lagu beegsaday madaxda Daacish.
Puntland ayaa dhankeeda kaga jawaabtay war saxaafadeed ay soo saartay, waxayna ku diiday sheegashada Villa Soomaliya inay qayb ka ahayd duqaynta, iyadoo waraaqaha kasoo kala baxay Puntland iyo Villa Somaliya ay dibbadda usoo saareen kala-warqab la’aanta labada dhinac iyo sida dagaalka Daacish looga dhex-raadinayo fursado siyaasadeed oo macaash laga helo, taas oo dadka Soomaaliyeed walaac ku dhalinaysa sida guul looga gaadhi karo dagaal madaxdii hoggaaminaysay ay siyaasad ku mashquulsan yihiin.