Shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee DeepSeek ayaa maalinimadii Isniinta ahayd samaysay sare u kac aan hore looga arag suuqyada Garaadka Macmalka ah ama waxa loo yaqaan Artificial intelligence, loona soo gaabiyo AI. Shirkada DeepSeek ayaa suuqa kusoo gashay inay tahay mid ka tayo sarraysa dhammaan Garaadyada Macmalka ah ee ay samaynayeen shirkadaha Reer Galbeedku, si gaar ah kuwa laga leeyahay dalka Maraykanka.
Waa Maxay DeepSeek?
DeepSeek waa shirkad uu hindisay aqoonyahan Shiinaha u dhashay oo la yiraahdo Liang Wenfeng, kaas oo meel sare ka gaadhay aqoonta teknoolajiyadda casriga ah, waxaana uu ku dhisay xog sameeyaha loo yaqaan DeepSeek V3, kaas oo ku kacay adduun maaliyaddeed oo dhan lix milyan oo Doollarka Maraykanka ah, waana hanti aad uga hoosaysa tan lagu sameeyey Chipka ama xog sameeeyaha Shirkadda Nvidia, oo ah kan lagu dul dhisay Garaadada Macmalka ah ee CHATGTP iyo kan Google.
Sida xogta shirkadda ilaa iminka lagu hayo waxaa madax u ah ganacsade deggan Hangzhou oo lagu magacaabo Liang Wenfeng kaasoo soo bilaabay soo saarista DeepSeek bishii Maarso ee sannadkii 2023.
Degdegsiimada jawaabtiisa iyo inuu si fudud uu ugu shaqaynayo barnaamijyada Andriod iyo iOS oo ah kuwa ay kudhisan yihiin teleefanada caqliga leh ayaa ka dhigtay DeepSeek iyo shirkadiisaba inay si wayn loo adeegsanayo waqtigan ayna hoos u dhac dhaqaale oo wayn ku sababeen shirkadihii reer Galbeedka.
Muxuu ku noqday DeepSeek kan ugu sarreeya waqtigan?
Soo bandhigistii Garaadka Macmalka ee CHATGPT oo ay leedahay shirkada OpenAi dabayaaqadii sanadkii 2022, waxaa loo arkayey inay farsamda tiknoolajiyadda Maraykanku ayaa aad uga horumartay tan tartanka kula jirtay ee dalka Shiinaha, isku daygii fashilmay ee soo saarista Garaadka Macmalka ee shirka Baidu oo Shiinaha laga leeyahay ee isla sanadkaas ayaa keentay in si wayn hoos ugu dhacaan soo saarista xog sameeyayaasha Chipka loo yaqaan ee Shiinaha.
In sanadkan bishii koowaad uu soo baxay DeepSeek waxay kor u qaaday kalsoonida farsamayaqaannada Shiinaha kuwaas oo muujiyey saddex sanno kaddib sida ay ugu diyaarsan yihiin inay tartan la galaan dhiggoodda Maraykanka, waxaana DeepSeek uu noqday saacado gudahood markii lagu dhawaaqay kan loogu isticmaalka badan yahay, sidoo kalena loogu doonista badan yahay caalamka oo idil.
Tirradii ugu badnayd oo DeepSeek ah ayaa lagu soo dejiyey qalabka ku shaqeeya iOS oo ay leedahay shirkadda Apple oo ah tan loogu kalsoonida badan yahay marka la joogo Maraykanka, waxayna DeepSeek ka dhigtay mid isticmaalkiisu uu aad uga bato kan CHATGPT
Qiimiha aadka u hooseeye ee uu ku kacay mashruuca DeepSeek oo lagu qiyaasay ilaa lix malyuun ayaa keentay inay hoos u dhacaan qiimaha suuqa saamiyada ay ka joogaan shirkadaha ku hawlanaa Garaadka Macmalka ah, waxaana shirkadaha qiima dhacay kamid ah shirkada wayn ee soo saarta Chipka ama xog sameeyaha lagu dhiso Garaadka Macmalka ah ee Nvidia taas oo maalinimadii isniinta ahayd oo keliya samaysay hoos u dhac saamiyeed oo dhan 300 Bilyan oo Doollarka Maraykanka ah, taas oo noqotay qiima dhacii ugu waynaa oo hal maalin shirkaddi samayso.
Si lamid Nvidia, waxaa burbur dhaqaale oo xoogan soo gaadhay shirkadaha Meta iyo Alphabet kuwaas oo ku hawlanaa horomarinta Garaadka Macmalka ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in DeepSeek uu beddelay jihadii ay kusocotay teknoolajiyada ku aaddan Garaadka Macmalka ah, waxaana walaac weyn uu soo wajahay shirkadaha reer Galbeedka oo xilligan su’aalo waaweyn iska waydiinaya sida uu suuqa uga saaray DeepSeek.
Soo bixista shirkaddan Shiinaha laga leeyahay ayaa ku soo beegantay xilli uu maalmo kahor uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Maraykanku inuu 500bilyan u qorshaynayo in lagu horumariyo Garaadka Macmalka ah. Hase ahaatee, hadda waxaa muuqata in Shiinuhu uu dhaqaale aad u yar ku soo saarayo adeegyo ka tayo badan kuwa reer Galbeedka.