Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

  1. Bilowgii Sanadkii tegay ee 2024, Soomaaliya waxay gashay murankii MOU-gii Itoobiya la gashay Madaxweynihii xilka ka degay ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo dhigayey inay Itoobiya qaadato qayb kamid ah biyaha badda Soomaaliya, taas beddelkeedana ay Somaliland ka hesho Addis Ababa aqoonsi, una noqoto dal ka madaxbannaan Soomaaliya.

Muddadii uu khilaafka labada dal ee Soomaliya iyo Itoobiya taagnaa waxaa ay Soomaaliya gashay loollan diblomaasiyadeed oo ku saabsan sidii meesha looga saari lahaa doonista Itoobiya, loona illaalin lahaa madaxbannaanidda dhuleed iyo midnimada qaran ee Soomaaliya, waxaana madaxda Soomaaliya ay galeen socdaallo badan iyagoo sameeyey dedaallo looga hortagayo dhaqangalka Isfahamka Somaliland ay la galeen, iyadoo dalal dhawr ah la saxeexdeen heshiiyo iskaashi difaac iyo amni. Dalalka ay Soomaaliya heshiisyada iyo is-afgaradyada la gaadhay ayaa ahaa kuwa iska soo horjeedo oo leh danno isdiidan oo kusalaysan khayraad iyo istaraatiijiyad.

Khilaafka ay Soomaaliya la gashay Itoobiya, waxaa uu bannaanka keenay jiritaan la’aanta aragti midaysan oo looga hortagayo damaca Itoobiya laguna ilaaliyo danaha Soomaaliya. Sal-la’aanta siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya ayaa keentay in Dowlada Federaalka ay wajahdo xiisado siyaasadeed oo ay ku yimid natiijadii ka dhalatay go’aannada aan laga fiirsan ay qaateen madaxda Dowladda Soomaliya.

Xilligan, Xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa kujirto maalmo maarayn la’aan siyaasadeed ah, kaddib markii go’aannadda diblomaasiyaadeed ee aan salka iyo odoroska ku dhisnayn ay Dowladda Soomaaliya ugu kaceen qiimo aad usareeya.

Fursaddii Caruusha

30, November, 2024, dhammaadkii shirka Bulshada Bariga Afrika ee ka qabsoomay magaalada Caruusha ee dalka Tanzaniya waxaa Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto kaga dhawaaqay in madaxda dalalka Kenya iyo Uganda ay diyaarinayaan shir ay isugu keenayaan madaxda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya si loo dhammeeyo khilaafka labada dal ka dhex aloosan ee ka dhashay MoU-ga ay Itoobiya la saxiixatay Madaxweynihii xilka ka degay ee Soomaliland Muuse Biixi.

Inkastoo markiiba ay Soomaliya si cad uga hortimid qorshaha William Ruto ee xasilinta gobolka, waxaa loo arkayey in ay jirtay doonis dhanka Ra;iisul Wasaaraha Itoobiya ah oo ku dhisan in xalka laga raadiyo gudaha dalalka Afrika, waxaana uu Abiy raadinayey jid uu uga lug baxo cadaadiska caalamka ee ku saabsan MoU-ga aan sharciga ku dhisnayn ee uu la galay Muuse Biixi.

Inkasta oo ay Soomaaliya ay labada dal ee Kenya iyo Uganda ka diiday inay hor fadhiisato Abiy iyo xukummadiisa ilaa uu ka noqanayo is-afgaradka, haddana Laba asbuuc muddo ka yar ayeey Soomaaliya ku aqbashay inay la kulanto Itoobiya markii ugu horraysay si fool-ka-fool ah wax ka badan 12 billood oo xidhiidhka labada dhinac ee muqdisho iyo addis-abbaba go’anaa.

Is-arraga labada hoggaamiye ee Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed waxay keentay in khilaafkii labada dal hoos loo dhigo, lasoo saaro “Baaqii Ankara, 11 December, 2024” lana bilaabo booqashooyin labada dal is-dhaafsadeen, balse dhanka kale waxaa soo baxday in Ankara ay meesha ka saartay Caruusha oo ay Soomaaliya wayday daacadnimadii dalalka Masar iyo Eritrea, Dhexdhexaadnimadii Kenya iyo Uganda.

Ganaf ku dhufashadii Madaxda Soomaaliya ee soo jeedintii Ruto iyo Musavani, waxaa ka faa’iidaystay Abiy, isagoo Nairobi iyo Kampala gaadhsiiyey dhambaalo mahadcelin ah oo kusaabsan dedaalkoodii xalinta khilaafka geeska, waxaana dhinacyadani ay ku balameen wadashaqayn iyo iskaashi amni, waxaana ugu weyn ee isku raaceen inay si midaysan isaga kaashadaan xaalka cakiran ee soomaliya, sida lagu baahiyey war-murtiyeed laga soo saaray booqashooyin uu ku tegay Nairobi iyo Kampala, taliyaha sirdoonka Itoobiya, Ridwan Xusayn.

Soomaaliya aadistii Ankara iyo diidistii dhawaaqii Ruto ee Caruusha, waxay ku heshay in xiisadii kala dhaxaysay Itoobiya la damiyo heer aan si toos ah Addis Ababa aysan u tuurin MoU-gii, dhanka kale-se waxay abuuratay kalsooni-daradda kenya iyo Uganda si lamid ah Masar iyo Eritrea, natiijadii Baaqa Ankara ayaana kadhigan in soomaalua ay damisay dabkii kagashidnaa Addis-abbaba balse ay dhuxulo cusub gacanta kusoo qaadatay.

Si kastaba, xeeldheerayaasha xaalka gobolka geeska la socda, ayaa odorosaya in soomaaliya ku soo fool-leeyihiin daad siyaasadeed oo kadhashay luminta fursadii Caruusha, waxaana bilowgooda laga arkayaa xaalka gudaha Soomaaliya iyo xiisada maamulka JL ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe kala dhaxaysa DFS kaas oo gacan-qabasho siyaasadeed hal maalin gudaheed kahelay dalalka Itoobiya iyo kenya.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More