Waxaa magalaada Ankara ee dalka Turkiye 11kii bishan Diseembar looga dhawaaqay in khilaafkii u dhaxeeyey dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya lasoo afmeeray, iyadoo geeddisocodka wadahadallada saldhig looga dhigay Baaqa Ankara oo ay si wadajir ah u saareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed Cali.
Baaqa Ankara ayaa lagu caddeeyay in bisha Febraayo 2025 lasii amba qaado wada hadallada si loo dhammeystiro qodobada xasaasiga ah oo ay ugu horreysa damaca Addis Ababa ay ku dooneyso marin badeed.
Si loogu gogol xaaro fulinta qodobada Baaqa Ankara, Soomaaliya ayaa wafdi uu hoggaaminayo Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Cumar Balcad, uuna kamid yahay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdilaahi Maxamed Sanbaloolshe u dirtay Addis Ababa. Wafdigan intii ay joogeen Itoobiya waxay kulamo kala duwan la qaateen Wasiirka Arrimaha Dibbada iyo Taliyaha Sirdoonka. Labo war murtiyeed oo ay labada Wasaaradood arrima dibaddeed soo saareen ayaa lagu sheegay in ujeedada kulamadan ay ahaayeen xoojinta xiriirka labada dal iyo si ambaqaadida Baaqa Ankara.
KALA SHAKIGA SOO IFBAXAY
Muddadii ay ku sugnaayeen wafdiga Dowladda Federaalka Addis Ababa, waxaa soo baxay sida xiriirka labada dal uusan u ahayn mid caafimaad qaba, kaddib markii Dowladda Federaalka ku eedaysay Itoobiya inay ciidankeedu weerar ku qaadeen fariismo Ciidanka Soomaaliya ay ku lahaayeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Degmada Dowlow ee Gobolka Gedo, halkaasna uu ka dhacay khasaare nafeed oo soo gaaray Ciidamada Dowladda Federaalka.
Dhankeeda, Itoobiya oo warcelin kasoo saartay eedaha Soomaaliya u jeedisay, waxayna ku andoocatay inaan ciidankeedu weerin askar Soomaaliyeed, dhaleeceynta ka timid Muqdishana ay tahay mid aan sax ahayn. Hase yeeshee waxay eedda dusha uga tureen inay ka dambeeyaan duul ka shaqeynaya xasillooni darrada Gobolka.
Qoraalladan adag oo ay iswaydaarsadeen labada dal ayaa ku soo aadday xilli laga shaqaynayey in hoos loo dhigo xiisadda labada dhinac, horayna loogu sii socdo dhammaystirka Baaqqa Ankara, waxaana soo baxday in khilaafka labada dal uu salka ku hayo loolan Juqraafi-Siyaasadeedka Caalamiga ah.
DANAHA MASAR
Muddadii uu taagnaa khilaafka u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa ay Soomaaliya xulufo siyaasadeed iyo saaxiibba la noqotay dalalka Masar iyo Eritrea, kuwaasoo ah labo dal oo ay Xxisad fac-weyn iyo colaad guun ah kala dhaxayso dalka Itoobiya. Labada dal ee Masar iyo Eritrea mid kasta waxay Soomaaliya la gashay heshiisyo difaac iyo iskaashi amni ah. Sidoo kale, si wadajir ah ayay saddexda dal kaga dhawaaqeen heshiis iskaashi oo seddex-gees ah kaas oo ay qalinka ku duugeen Madaxweynayaasha Masar, Eritrea iyo Soomaaliya, 10kii October, 2024.
Heeshkii kasoo baxay Ankara ee lagu dhammeeyey khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa keenay walaac wayn oo ay qaadeen Asmara iyo Qaahira. Dowladda Soomaaliya oo ka falcelinaysa tabashada ka dhalatay Baaqa Ankara ayaa wafdi uu hogaaminayo Wasiiirkeeda Arrimaha Dibbada Axmed Macalin Fiqi u dirtay Qaahira, si uu warbixin dhammaystiran uga soo siiyo waxa ay labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ku heshiiyeen, si meesha looga saaro tuhun kasta oo ka dhalan kara.
Wasiirka Arrimaha Dibbada ee Masar Badar Cabdi Alcatiya oo garab taagan dhiggiisa Soomaaliya Axmed Fiq]qi ayaa warbaahinta u sheegay inaan marnaba loo ogolaan doonin Itoobiya inay soo gaarto biyaha Badda Cas oo ay saldhig ciidan ku yeelato. Sidoo kale Wasiirka Masar wuxuu carabka ku adkeeyey in ciidamada dalkiisu ay diyaar u yihiin inay qayb ka noqdaan ciidamada Nabad ilaalinta Soomaaliya ujooga ee AUSSOM.
Wasiir Fiqi waxaa uu dhankiisa sheegay in dalkiisa ay muhiim u tahay Masar, ayna tahay saaxiib, markastana ka mahadcelinayaan garab istaaga ay u muujiso dowladnimadda Soomaaliya.
SAFARKA XASAN EE ASMARA
Keddib warar ay faafisay BBC oo loo tiiriyay Eritrea, balse dib uu ka beeniyay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremaskel ayaa lagu sheegay in Asmara ay ka fiirsanayso xiriirkeeda Muqdisho. Inkastoo warkaasi aad u faafay, haddana Eritrea waxay caddeysay inay mar walba Soomaaliya garab taagan tahay. Waxaase marag ma doonta ah in Eritrea ay gawska ka qabsan doonto tallaabo kasta oo ay Villa Soomaaliya ku raalli galinayso Maamulka ka taliya Arat Kilo ee Abiy Axmed.
Dowladda Soomaaliya ayaa qaadaysa taalabooyin meesha looga saarayo saluuga ay Eritrea qaaday, iyadoo safar shaqo uu ku gaaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud magaalada Asmara halkaas oo uu wadahadallo kula yeelanayo Madaxweyne Isaias Afwerki. Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saari doona arrimaha labada dal iyo xiisada Badda Cas oo ay ugu horayso doonista Itoobiya ee ah inay gaarto, isla markaana saldhig ciidan ka samaysto Badda Cas.
Waxaa muuqata, in Dowlada Soomaaliya ayaa dhexda uga jirta goosashada miraha heshiisyo iska soo horjeeda oo ay la galaysay seddexdii sano ee ugu dambaysay dalal cadow isku ah ama ugu yaraan ay ka dhaxeeyaan colaado aan laga bogsan oo salka ku haya xuduud, khayraad iyo dano juquraafi siyaasadeed oo ay Badda Cas ugu muhiimsan tahay.
Si kastaba, muddo ku siman labo asbuuc Soomaaliya ayaa isu martay Caasimadaha Ankara, Addis Ababa, Qaahira iyo Asmara, dhammaantoodna waxay ugu socdaashay hal qaddiyad oo ah Khilaafka Itoobiya, balse waxay sida muuqata labada gacmood ku kala sidataa gaas iyo tarraq aan la ogayn goorta ay isku guban doonaan. Hase ahaatee, waxaa hubanti ah in waraaqda guban doontaa ay tahay Soomaaliya oo ah xiligan garoonka uu kasocda loolanka damacyada kala duwan ee dalalka aan kor kusoo xusnay.
Dadka falanqeeya xaalada Gobolka Geeska Afrika iyo loolan juqraafi-Siyaasadeedka ku hareeraysan ayaa qabba in hab dhaqanka biblumaasiyada arrimaha dibbada ee Soomaaliya ay ka muuqdaan is-diidooyin keeni kara in dalka Soomaaliya loo maleego shirqoolo halis ku noqon kara mustaqbalka.