Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal iyo Xildhibaan Aadan Saransoor oo dhawaan ka yimid magaalada Nairobi.

Kulanka oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha ay Madaxtooyadu gaysatay Golaha Shacabka waqtigiisu dhammaaday Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ku yimid codsiga Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada inuu diyaar u yahay dib u heshiisin uu la galo Cabdicasiis Laftagareen, uuna oggol yahay in waxkasta wadahadal lagu dhammeeyo.

Inta ka ogaannay kulanka, Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan qaadi karin culayska Baydhabo ka haysto, waxaana uu xubnaha u bandhigay inuu diyaar u yahay in lagala fadhiisto siyaasadda Koonfur Galbeed.

Inkasta uu kulanka ka sheegay Madaxweyne Xasan in dagaalka Koonfur Galbeed lagu khasbay, oo siyaasyiintii gelisay ay difaacan kari waayeen Baydhabo, haddana waxa u sheegay inuu hadda xalka u arko wada hadal dhab ah iyo dib u heshiisiin. Madaxweyne Xasan ayaana Cabdiqaadir Maxamed usoo jeediyay inuu magacaabo guddi dib u heshiisiineed oo dhammaysa arrinta Koonfur Galbeed .

Xubnaha kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageersan Laftagareen ayaa Madaxweynaha u sheegay inaysan dhankooda diidanayn dib u heshiisiin, laakiin aysan hadda wadahadal geli karin, iyagoo u sheegay inaan la magacaabi karin wax guddi dib u heshiisiineed ah, ilaa ay ku warcelinayaan Madaxweynahooda Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu danbayntii u sheegay inuu ku daalay Koonfur Galbeed, uuna diyaar u yahay inuu la xaajoodo darafyada isku haya maamullkaas. Isagoo quus ka muujiyay in hay’adaha amniga ee federaalku siyaasadaynayaan qorshiisa amni, taas oo uu hadda ogaaday.

Dhanka kale, waxaa maanta kulan dhexmaray Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ee ay dowladdu aqoonsan tahay iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, waxaana Aadan Madoobe uu faray Guddoomiyaha Degmada Baydhabo in u diyaar garoobo difaacoa magaalada.

Baydhabo, waxaa weli ka taagan culays amni iyo cabsi laga qabo ciidanka Cabdicasiis Laftagareen in ay magaalada soo galaan, waxaana la sheegayaa in maamulka Aadan Madoobe ay hadda aaminsan yihiin in ay korortay awoodda mucaaradkoodu.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More