Bartamihii bishii Maarso, 2007 ayaa ciidankii ugu horreeyey ee nabbad Ilaalin ah la keenay Soomaaliya, kaddib markii Golaha Ammaanka ee QM uu 20kii Febraayo ee isla sanadkaas uu isku raacay qaraar ogolaanaya in dalka Soomaaliya la geeyo Ciidamo Nabbad ilaalin ah, kuwaas oo la siiyey awoodo shaqo.
Ciidamadan ayaa ahaa kuwa ka socday dalalka Afrika, waxaana dalka loo keenay inay qayb ka noqdaan xasilooni ku soo dabbaalista Soomaaliya iyo inay garab u noqdaan dowladdii kumeel gaarka ahayd ee TFG oo markaas la kulmaysa hanjabaado kaga imaanayey kooxaha islaamiyiinta Soomaaliya.
AMISOM (2007-2022)
AMISOM waa hawlgalka nabad ilaalineed kaas oo ciidamo ka socda dalalka Afrika ay kaga hawlgalayaan Soomaaliya, ogolaanshana kahaysta Qaramada Midoobay sida uu dhigayo qaraarka tirsigiisu yahay 1744 ee Febraayo 20, 2007. Qaraarkan ayaa marar danbe wax ka badal lagu sameeyey, gaar ahaan hawgalka awooddiisa shaqo, tiradiisii ciidan, waqtiga uu bilaabanayo iyo xilliga uu baxayaba.
Laga soo bilaabo imaasha ciidanka AMISOM ee sanadkii 2007 gudaha Soomaaliya ilaa laga soo gaarayay bishii April 2022, hawlgalku wuxuu ahaa mid ku shaqeeya AMISOM.
Markii ugu horaysay ciidanka nabad ilaalinta ayaa tiradiisu dhammayd 4kun oo askari oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaasoo halwagalka ugu yaboohay ciidankii ugu horreeyey ee lageeyo gudaha dalka Soomaaliya. Ciidanka ayaana la gaarsiiyay 9800 askari, sanadkii 2011. Kororsiimadii ugu waynayd ayaa ciidanka AMISOM lagu sameeyey Febraayo 22, 2012, kaddib markii Golaha Ammaanku ogolaaday in tirada AMISOM la gaarsiiyo 17,731.
Sanadkii 2011, waxaa hawlgalka lagu soo biiriyey dalalka Kenya iyo Djibouti oo si rasmi ah uga mid noqday ciidamada sharciyadda kujooga gudaha Soomaaliya. 2012 waxaa hawlgalka kusoo biiray dalka Sierra Leone, halka 2014 ay Ethiopia qayb ka noqatay hawlgalka Amisom.
Si lamid ah sida loo kordhiyey tiradda ciidamada iyo dalalka qaybta ka noqonaya hawlgalka ATMIS, waxaa la kordhiyay qaybaha hawlgalka, oo markii hore ku koobnaa waaxda Milateriga waxaana la abuuray waaxyaha Gargaarka iyo Taakulada, Rayidka iyo Booliiska.
Dalalka Uganda, Burundi, Djibouti, kenya, Ethiopia iyo Sierra Leone ayaa ah dalalka ciidamada ugu badan ugu deeqay hawlgalka, waxaana mar danbe Sierra Leone kula biiray ciidanka Booliiska dalalka Zambia, Nigeria iyo Ghana.
Noofember, 2013 ayaa markale Golaha Amaanku kordhiyeen tiradda ciidamada Amisom, waxaana lagu daray 4kun oo askari, iyadoo sidoo kale wax laga baddalay awoodaha hawlgalka, laguna daray inay qaadi karaan weeraro lagaga sifeeynaayo kooxaha argagixisada ah magaalooyinka waaweyn ee koonfurta iyo bartamaha.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Amisom ayaa 2014 bilaabay hawlgalkii xoraynta gobolladda koonfuurta ee loogu magacday hawlgalka Badweynta Hindiya, kaasoo gacanta dowladda soo geliyey magaalooyinka dhaca Badweynta Hindiya sida Cadale iyo Baraawe.
Sanadkii 2017, Dowladda Soomaaliya ayaa la gaartay heshiis Midowga Afrika kaas oo la isku raacay in marka la gaaro December, 2020 ay ka baxaan dhamaan ciidamada Amisom gudaha Soomaliya, xilligaas kahorna la tababaro ciidamo Soomaaliyeed oo la wareegi kara amniga goobaha ay kabaxaan Amisom.
Lama xaqiijin yoolkii ay isku raaceen dowladda Somaaliya iyo Midowga Afrika, waxaana laba mar la kordhiyey joogistooda, iyadoo sanadkii 2022 la isku raacay inay hawlgalka Amisom laga dhigo mid kumeel-gaar ah, lana bilaabo bixista ciidamada Amisom.
ATMIS 2022-2024
April, 2022, ayaa hawlgalkii Amisom magaca laga baddalay, waxaana la isku raacay magaca ATMIS, kaasoo ah hawlgal kumeel-gaar ah oo ciidamada Afrikaanka dalka looga saarayo si dhammaystiran marka la gaaro 31ka Diseembar 2024.
Markale sida qorshu ahaa lama xaqiijin hadafkii ahaa in la soo gabagabeeyo joogista ciidamada dalalka Afrika kasocda gudaha dalka Soomaaliya, waxaana soo dhammaatay muddadii hawlgalka ATMIS. Muddadii uu jiray hawlgalka ATMIS waxaa la gaaray horumar kooban oo ku aaddan dhimista ciidamada jooga Soomaalia, waxaana muddadaas labada Sano ah dalka laga saaray 7 kun oo askar oo qayb ka ahaa tirada guud ee ciidamada hawlgalka oo markii ugu dambaysay dhammayd 22kun oo askari.
AUSSOM
27kii Diseembar, 2024, fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka ayaa isku raacay in meesha lagasaaro hawlgalkii ATMIS, isla markaasna la qaato hawlgal cusub oo soconaya muddo sanad ah. Lixda billood ee ugu horeeya ayaa la isku raacay in dhammaan la dhamaystiro uguuritaanka hawlgalka cusub ee AUSSOM, kaas oo ah iskaashi dhexmaraya Midowga Afrika iyo Soomaaliya, si Dowladda Federaalka looga taageero Xasilinta iyo Nabad kusoo dabbaalista Dalka Soomaaliya.
Qaraarka lagu fasaxay hawlgalka AUSSOM, waxaa sidoo kale lagu ogolaaday qaybsashada 12,626 (12kun, lixboqol iyo lix iyo labaatan askari), kuwaas oo kala noqonaya 11,586 askari oo milateri ah iyo 1040 askarioo booliis ah.
Ka bixidda Burundi ee AUSSOM
Dalka Burundi oo ahaa dalkii labaad ee ciidamadiisa ugu yabooha nabbad ilaalinta dalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga haray inay ka qayb noqoto hawlgalka cusub ee AUSSOM kaddib markii ay Burundi saluugtay qoondada ciidan ee Dowladda Federaalka u qorshaysay taas oo lagu sheegay inay dhamayd kun askari.
Sida ku cad waraaq kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur, 26kii Diseembar maalin uun kahor intaaan Golaha Ammaanka QM ansixin qaybsahada qoondada ciidamada AUSSOM, ayaa lagu sheegay in si rasmi ah dalka Burundi uga haray kamid noqoshada AUSSOM, kaddib markii ay ku qanci waayeen saamiga ciidan ee kaga soo aaday qaybta AUSSOM oo dhanmmayd 1041 askari.
Burundi, ayaa ahayd dal muhiim u ah hawlgalladii AMISOM iyo ATMIS, waxayna ciidankeeda lagu tilmaamaa inay ahaayeen kuwa ugu firfircoon ee qaybta ka ahaa ka saaridda Al-Shabaab gudaha Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, si gaar ahna ciidanka Burundi ayaa gacanta ku dhigay goobo muhiim ah oo ay kamid tahay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya, sida lagu hayo qiyaasaha, Ciidanka Burundi ayaa markii ay ugu badnaayeen gaartay ilaa 5400 oo askari.
Ethiopia iyo Masar
Ethiopia waa dalka ugu badan ee ciidankiisu ay kusugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, waxaana ciidankeeda ay qayb ka ahaayeen hawlgalka waqtigiisu dhammaaday ee ATMIS iyo kii ka horreeyey ee AMISOM, waxaana sanadkii 2014 ay si rasmi ah uga mid noqdeen ciidamada hawlgalka.
Ethiopia waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidamo aan tiradooda si sax ah loo aqoon, waxayna ka kala socdaan ATMIS, kuwa kujooga heshiis gaar ah oo udhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia iyo kuwa aan wax heshiis ahba ku joogin, inta badan ciidamada Ethiopia ay si iskood ah u yimaada gudaha dalka Soomaaliya, tan iyo markii ay dib usoo galeen dalka sanadkii 2014.
Si rasmi ah looma xaqiijin in ciidanka Ethiopia looga reebay hawlgalka AUSSOM, balse sida ilaa hada laga arkay qaybinta cusub ee Golaha Ammaanka QM ansixiyey, ciidanka Ethiopia qayb kama ah qoondadda 12, 626 ee la qaybsaday. Mas’uulliyiin kala duwan oo Soomaaliya u hadlay ayaa ku kala qaybsamay kiiska ciidamada Ethiopia iyo AUSSOM, welina ma jiraan war sax ah oo la qaadan karo oo caddaynaya in Ethiopia si rasmi ah looga saaray hawlgalka AUSSOM.
Dhanka kale, waxaa sidoo kale aan la ogayn halka ay ku danbaysay doonista dalka Masar ee ahayd inay qayb kanqodaan ciidamada Nabad Ilaalinta ee hawlgalka AUSSOM, maadaama aan ilaa waqtigan si dhab ah loo ogayn inay haystaan ogolaanshaha Soomaaliya iyo in kale, walow marar kala duwan madaxda Masaaridu caddeeyeen inay qayb ka noqonayaan AUSSOM.
Si kastaba ha ahaatee caqabadda ugu weyn ee xilligan wajahayso Soomaaliya ayaa ah maaraynta cidda qaybta ka noqonaya AUSSOM oo siyaasad cagaha la gashay kaddib loollan Badda Cas iyo ku xadgudubka Ethiopia ee madaxbannaanidda dalka Soomaaliya, inkasta oo ay labada dal sheegeen inay soo afmeereen khilaafkii dhexdooda ahaa sida lagu faafiyey Baaqii Ankara.
Xogo sugan oo ay SomaliStream heshay ayaa tibaaxaya in wafdi ka socda Ethiopia ay iman doonaan magaalada Muqdisho si heshiis rasmi ah looga gaaro kamid ahaanshaha Ethiopia ee Hawlgalka cusub, waxaana diblomaasiyiin sarsare oo Soomaali ah noo sheegeen inay Dowladda Soomaaliya ay muujineyso dabacsanaan ku saabsan arrintan.

